Rainier Ave S Jidka Baska Keliya

አማርኛ • اَلْعَرَبِيَّةُ • 繁体字 • af-Soomaali • Español • Tagalog • ትግርኛ • Tiếng việt • English简体中文한국어日本語

Waxa la cusbooneysiiyay Sebtembar 19, 2022

Hagaajinta isku halaynta gaadiidka iyo wakhtiyada safarka 

Maxaa dhacaya hadda?

Waxaan la shaqeyneynaa Metro-ga Degmada King si aan u qiimeyno fursadaha lagu fidinaayo dariiqyada baska-kaliya ee dhanka waqooyi ee Rainier Ave S ilaa S Grand St. waxaan rabna inaan ka maqalno waxa ay kula tahay ikhtiyarada balaarinta jidka baska keliya ee Rainier Ave s waayo-aragnimada safarka Rainier Ave S, waayo-aragnimadaada raacitaanka baska iyo/ama waxa kugu dhiirigelinaya inaad raacdo safarro bas oo badan. Fadlan buuxi sahankayaga!
Waxa kale oo aad ka qayb gali kartaa kulan dadwayne oo fogaan ah Octobar 25, 2022 laga bilaabo 5:30 - 7 pm. Haddii aad u baahan tahay adeegyo tarjumaad bilaash ah, fadlan noogu soo dir iimayl luqadda aad doorbidayso TranstLanes@seattle.gov. Isticmaal xidhiidhkan si aad ugu biirto kulanka dadweynaha.  

Join the public meeting online using this link:

https://seattle.webex.com/seattle/j.php?MTID=mf00ad4b5c8710b01264144f9742c9612

Webinar password: ZRqnvrEE822 (97768733 from phones)

Webinar number: 2497 593 1882

Join the public meeting by phone:

+1 (206) 207-1700 United States Toll (Seattle)

+1 (408) 418-9388 United States Toll

Access code: 249 759 31882

Si aad u aragto qoraallada somaliyeeda

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ikhtiyaarada aan ka fiirsaneyno ayaa lagu soo bandhigay boggan. 
Diiwaangeli iimaylkaga si aad ula socoto xogta mashruuca.  
Xaqiiqooyin degdeg ah oo ku saabsan jidadka baska-kaliya
  • Dadka wata baabuurta iyo kuwa xamuulka qaada kuma socon karaan dariiqyada loo calaamadeeyay laguna qoray "bas-kaliya". Waddooyinka lagu rinjiyeeyay casaanka waxay ku xaddidan yihiin basaska 24 saacadood maalintii iyo 7 maalmood todobaadkii.
  • Dadka Baabuurta wada waxay geli karaan dariiqyada baska-kaliya si ay si ay midig ugu leexdan dariiqyada guryaha gala iyo isgoysyada
  • Dadka baaskiilka wata way isticmaali karaan waddooyinka baska-kaliya
  • Baabuurta gurmadka degdega ahi waxay isticmaali karaan haadka baska-kaliya markay ka jawaabayaan shil
  • Gaadiidka dadweynaha oo keliya ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan waddooyinka ku calaamadeysan “baska-kaliya”. Tan kuma jiraan basaska dugsiyada, Vanpools, basaska shaqada, mootooyinka, baska ama basaska kirada.  

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan jidadka gaadiidka, oo ay ku jiraan jidadka baska-kaliya, booqo boggayaga khadka Baska.

Dulmarka Mashruuca

Waddooyinka baska-kaliya waxay caawiyaan inay basaska u socdaan si la isku halleyn karo iyagoo ka sooca basaska baabuurta kale. Waddooyinka baska-kaliya waxay yareeyaan waqtiyada safarka baska, gaar ahaan marka saxmadi jirto, iyadoo la yareynayo daahitaanka ka dhasha saxmada. Hadafkayagu waa inaan ka dhigno Basaska doorasho la heli karo, habboon, oo ay isku halayn karaan dhammaan dadka ku nool, ka shaqeeya, iyo kuwa soo booqda Seattle. Ujeedooyinka aan ka leenahay hadafkaan waa in aan ballaarino shabakadeena waddooyinka baska kaliya si aan u abuurno hannaan Basas oo la isku halayn karo oo waxtar leh oo dad badan ku dhaqaajin kara waqti yar gudihiis.

Waxaan ka shaqeyneynaa anagoo kashanayna King County Metro in aan wanaajino isku halaynta gaadiidka ee Dooxada Rainier. Baska 7 waa mid ka mid ah basaska ugu mashquulka badan Seattle, wuxuuna u adeegaa 8,000 oo rakaab ah maalinkii (11,200 oo rakaab ah maalmihii kahor COVID-19). Halka Basaska 7 loo qorsheeyay inay yimaadaan 10 daqiqiiqo kasta, basasku inta badan waxay la daahaan cidhiidhiga Baabuurta ee Rainier Ave S. si aan u horomarino isku halaynta Basaska ee marinkan muhiimka ah waxaan ku darayna jidka Bas-kaliya Rainier Ave S shaqadani waxay u dhici doontaa laba waji:

Wajiga1aad ( la dhamaystiray july 2022) waxaan dhisnay waddo baska-kaliya ah oo woqooyi u socota ee u dhexaysa S Alaska St iyo S Walden St, iyo waddo baska-keliya ah oo socdo konfur oo u dhexaysa S Oregon St iyo S Edmunds St. haad ayaa loo rogi doonaa Jid cusub oo bas kaliya ah. Waxaan isha ku haynaynaa tirada Baabuurta ee Rainier Ave S iyo waddooyinka kale ee u dhow si aan si wanaagsan ugu fahanno haddii iyo sida qaababka tirada Baabuurtu ay isku bedelaan bilaha soo socda. Iyada oo ku saleysan waxa aan baraneyno, waxaa laga yaabaa inaan sameyno isbeddel mustaqbalka ama aan hirgelino isbeddello kale si aan gacan uga geysanno maareynta iyo yaraynta cidhiidhiga gaadiidka. 

Wajiga 2aad (gaarsiinta 2022) Waxaan qiimeyneynaa isbedelo dheeri ah si aan u sii wanaajino isku halaynta gaadiidka iyo waqtiyada safarka, oo ay ku jiraan ballaarinta jidadka baska-kaliya ee ka sii fog dhanka waqooyi ee Rainier Ave S. Waxaan hadda qiimeyneynaa fursadaha aan ku fidineyno dariiqa baska-keliya ee waqooyi Rainier Ave S ilaa S Grand St. Waxaan ku qiyaasnay in isbeddelkani uu badbaadin doono dadka raacaya baska 5 daqiiqo inta lagu jiro saacadaha subaxii ee saxmadda.

Waxaan qiimeyneynaa laba siyaabood:

  1. Jid bas-keliya oo joogto ah oo woqooyi u socda, haad guud oo socdaal ah, iyo haad laba-geesood ah oo leexasho oo u dhaxaysa S Walden St ilaa S Grand St
  2. Haad bas-keliya oo waqooyi u socda oo joogto ah oo u dhaxeya S Walden St iyo S Grand St oo leh 2 waddo safar oo waqooyi ah lana baabiyo haadka laba-geesoodka ah ee leexashada ee u dhexeeya S Grand St ilaa S College St

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan labada doorasho, oo ay ku jiraan faa'iidooyinka iyo tixgelinno kale ayaa hoos ku yaal. 

Xaaladaha caadiga ah ee jira inta u dhaxaysa S Walden St ilaa S Grand St

  • Laba waddo oo Baabuurta ah oo guud oo labada jiho ah 
  • Jid leexasho labada dhinac oo dhexda ah  

Qaabaynta garaafka ee nakhshad waddo ee jirta

Sawirka markaad waqooyi ka eegto. 

Beddelka 1aad

  • Jidka baska-kaliya ee joogtada ah ee waqooyi u socda ee ka imanaya S Walden St ilaa S Grand St
  • Hal haad safar oo guud oo dhanka waqooyi ah
  • Waxay ilaalisaa haadka dhexda ee leexashada laba-geesoodka ah

Faa'iidooyinka:

  • Layrka Baabuurta ee cusub ee S Grand St si kor loogu qaado isku halaynta gaadiidka iyo badbaadada isgoysyada
  • Waxaa lagu qiyaasaa in la badbaadiyo ku dhawaad 5 daqiiqo oo wakhtiga safarka ah marka xaaladuhu ka saxmad badan yihiin sidii caadiga ahayd
  • Waxay ka dhigaya raacitaanka baska mid la isku halayn karo oo soo jiidasho leh
  • Wuxuu horumarinaya cimilada magaalada iyo hadafyada sinnaanta

Tixgelin:

  • Suurtagalnimada u leexinta Baabuurta waddooyinka xaafadaha
  • Waqtiyada safarka ee dadka u socda dhanka waqooyi ee Rainier Ave S waxa laga yaabaa inay ku kordhaan 9 daqiiqo inta lagu jiro saacadaha AM ee saxmadda
  • Waxa laga yaabaa in ay u baahato maalgashi dheeri ah si wax looga qabto caqabadaha raacida baska

Qaabaynta garaafyada ee beddelka 1aad ee nashqada waddo

Sawirka markaad waqooyi ka eegto. 

Beddelka 2aad

  • Jidka baska-kaliya ee joogtada ah ee waqooyi u socda ee ka imanaya S Walden St ilaa S Grand St
  • Inta u dhaxaysa S Grand ilaa S College, ilaali laba haad socdaal oo waqooyi u socda oo ka saar haadka leexashada dhexda ee laba-geesoodka ah

Faa'iidooyinka:

  • Wuxuu ku daraa laba layr oo baabuur oo cusub S Grand St iyo S College St si kor loogu qaado isku halaynta gaadiidka iyo badbaadada isgoysyada. Layrka cusub ee S College St wuxuu bixin doona ilaalinta leexashada bidix.
  • Waxaa lagu qiyaasaa in la badbaadiyo ku dhawaad 5 daqiiqo oo wakhtiga safarka ah marka xaaladuhu ka saxmad badan yihiin sidii caadiga ahayd
  • Waxay leedahay labada haad safarka ee dhanka waqooyi ee gelitaanka I-90
  • Waxay ka dhigaya raacitaanka baska mid la isku halayn karo oo soo jiidasho leh
  • Wuxuu horumarinaya cimilada magaalada iyo hadafyada sinnaanta

Tixgelin:

  • Wuxuu xaddidaa leexashada bidix ee u dhexeeya S Walker St iyo S Holgate St
  • Waxay u baahan tahay hagaajinta dhammaan ballaadhka haadka safarka
  • Suurtagalnimada u leexinta Baabuurta waddooyinka xaafadaha
  • Waqtiyada safarka ee dadka u socda dhanka waqooyi ee Rainier Ave S waxaa laga yaabaa inay ku kordhaan 5 daqiiqo inta lagu jiro saacadaha saxmada ee AM ka
  • Waxa laga yaabaa in ay u baahato maalgashi dheeri ah si wax looga qabto caqabadaha raacida baska 

Naqshadaynta wadada u dhaxaysa S Grand St ilaa S College St (oo eegaysa waqooyi)Bandhiga garaafka ee Nashqada badalka 2aad ee u dhaxaysa S Grand St ilaa S College St

Naqshadaynta wadada u dhaxaysa S College St ilaa S Walden St (oo u eeg waqooyi) 

Bandhiga garaafka ee Nakhshad Waddo badalka 2aad oo u dhaxaysa S College St ilaa S Walden St

Waxaan rabnaa ra'yi-celintaada ku saabsan beddelladan. Fadlan buuxi sahankayaga!

Khariidadda goobta mashruuca:

Mashruuc khariidad ah oo loogu talagalay waddada Rainier Ave S oo Bas-Kaliya ah, oo muujinaya wajiga 1aad iyo 2aad ee kor ugu socda Rainier Ave S.

Eeg sawirka oo la wayneeyey.  

Asalkii hore ee Mashruuca:

Rainier Ave S waa waddo halbowle ah oo dadka ku xirta ganacsiyada iyo xarumaha dhaqanka ee magaalada. Sidoo kale waa marin yar oo gadiidka xamuulku maraan oo ku xira dadka u raraya alaabta meelaha ay u socdaan. Rainier Ave S sidoo kale waa waddo muhiim ah oo ay adeegsadaan Basaska Metro ee Degmada King sida khadka Baska 4, 7, 9, 48, 50 iyo 106. Baska 7 waxa uu si toos ah ugu adeegaa dooxada Rainier ee sii kordheysa iyo bulshooyinka dhaqan ahaan aan la tixgelin lana daryeelin. Dad badan oo ku nool Rainier Valley waxay ku tiirsan yihiin marinka Baska7 maalin kasta si ay u helaan adeegyada maxalliga ah, sida dugsiyada, dukaamada raashinka, shaqooyinka, iyo meelaha bulshadu isugu yimaadaan. Dadku waxay sii wadeen inay ku tiirsanaadaan Baska 7 intii lagu guda jiray masiibada COVID-19 marinkan baska 7 ayaa aha mid ka mid ah marinada basaska ee ugu raacitaanka sarreeya intii lagu guda jiray aafada.

Mariinka 7 wuxuu lahaa mid ka mid ah raacitaanka gaadiidka ugu sarreeya intii lagu jiray aafada. Deyrtii 2020, mariinka 7 waxa uu haystey 60% raacitaanka ka hor COVID. 

Xog-waraysi ayaa muujinaya inuu yahay jidadka basaska ugu caansan laga soo bilaabo dayrtii 2020 sida ay u isticmaali jireen bulshada BIPOC.

Eeg sawirka oo la wayneeyey

Mashruucan waxa loo doortay qayb ahaan fursad oo lagu wanaajinayo isku halaynta gaadiidka iyo wakhtiga safarka ee dariiqa rakaabka oo ahaaday mid sareeya inta lagu jiro masiibada COVID-19. Maalgelintan hadda la samaynayo, gaadiidku waxa uu sii ahaan karaa mid la isku halayn karo oo wax-ku-ool ah oo hufan oo loogu talagalay dadka inta aan ku jirno ka soo kabashada masiibada.

Mashruuca waddada Rainier Ave S waxa lagu dhisay dadaaladii hore ee wacyigelinta iyo qorshaynta si loo wanaajiyo isku halaynta gaadiidka ee Dooxada Rainier. SDOT iyo King County Metro waxay sameeyeen wacyigelin 2017-2018, iyo mar labaad 2019-2020 si ay u ururiyaan talada bulshada ee baahida gaadiidka iyo mudnaanta ee Rainier Ave S oo qayb ka ahMashruuca Khadka RapidRide R. Wacyigelintaas ayaanu ku maqalnay:

  • Dadku waxay rabaan gaadiid la isku halayn karo si ay u gaadhaan meelaha ay u socdaan iyo adeegyada muhiimka ah ee ku teedsan Rainier Ave S (halkii ay kaliya ugu safri lahaayeen magaalada hoose)
  • Taageerada safarrada gaadiidka ee qaata waqti yar oo kugu xidha gaadiid kale
  • Helitaanka badbaadada ee dadka lugaynaya, baaskiilka fuushan, iyo kuwa rogmanaya joogsiyada baska (gaar ahaan isgoysyada u dhow isgoysyada baska)
  • Taageerada waddada baska-kaliya ee u dhexeeya Chinatown-ID iyo Saldhiga Tareenka Fudud ee Mt Baker
  • Dadka intooda badan waxay taageeraan soo jeedinta ah in meesha laga saaro baabuurta la dhigto wadada si loogu daro dariiqyada baska-kaliya, laakiin waxaa jira walaacyo ku saabsan saamaynta ganacsiyada yaryar 

Faa'iidooyinka Mashruuca

  • Ku darista iyo balaadhinta dariiqyada baska-kaliya ee Rainier Ave S waxay wanaajin doontaa isku halaynta gaadiidka Rainier Ave S, oo ay ku jiraan khadadka basaska soo noqnoqda ee leh fuulid sare sida Basaska 7, 48 iyo 106
  • Ku darista dariiqyada baska-kaliya hadda waxay u oggolaan doontaa Basku inuu sii ahaado mid nololeed oo si wanaagsan ugu adeega bulshada Dooxada Rainier inta aan si wadajir ah uga soo kabaneyno masiibada
  • Waddooyinka baska-kaliya ayaa si habsami leh ugu xidhi doona dadka baska saaran saldhiga cusub ee trainka ee Judkins Park oo furmaya 2023, marka lagu daro xarumaha gadiidka ee hada jira sida Saldhiga Tareenka ee Mt. Baker Light iyo Saldhigga Basaska ee McClellan
  • Rainier Ave S waxa ay bixisaa adeeg bas oo soo noqnoqda subaxii inta lagu jiro xilliga AM ee mashquulka, iyadoo baska dhanka waqooyi u socdaa ku imanayo 3.5 daqiiqo oo kasta. Waddooyinka baska-kaliya ayaa ka caawin doona dad badan inay gaaraan halka ay ku socdaan waqtigii loogu talagalay oo ay noqdaan waqtiyada safarkoodu kuwo joogto ah. Inta lagu jiro celceliska safarka subaxda, dadka baska saarani waxay badbaadin doonan 2 daqiiqo ka dib marka la rakibo waddada baska-kaliya. Inta lagu jiro safarrada subaxda ee ugu ciriiriga badan, dadka baska saarani waxay dhimi karaan 6 daqiiqo. 

Xog-waraysi muujinaya celceliska wakhtiyada safarka subaxii iyo celceliska wakhtiyada safarka marka xaaladuhu aad u ciriiri badan yihiin.

  • Waxaan filaynaa in mashruuca wajiga 1aad uu dhimi doono in ka badan 1 daqiiqo dadka baska u socda woqooyiga ee u dhexeeya S Alaska St iyo S Walden St. Waxaan filaynaa in xitaa kayd badan oo wakhtiga safarka ah annagoo garsiinayna waddada baska kaliya ee woqooyi u socota I-90 halkaas oo tirada Baabuurtu aad u badan tahay, cidhiidhiguna badan yahay. 

Wax badan ka baro Rainier Ave S jidadka baska-kaliya

Intee in le'eg ayay basasku dhimi doonaan waqti ka dib marka la dhiso waddooyinka?

Waxaan filaynaa in dhamaystirka mashruuca qeybta 1aad uu dhimi doono in ka badan 1 daqiiqo dadka saaran baska u socda dhanka woqooyi ee u dhexeeya S Alaska St iyo S Walden St. Waxaan filaynaa in ay jiri doonto kayd waqti ka sii badan haddii waddo baska-kaliya la dheereeyo woqooyi dhanka I-90 halkaas oo tirada taraafikada ay ka sarreyso saxmadduna ay inta badan ka weyn tahay. Waxaan sii wadi doonaa inaan qiimeyno hababka waqtiga dhimaya taasoo qayb ka ah mashruuca qeybta 2

Maxaad hadda loo sameenayaa waddooyin baska-kaliya?

Mashruucan waxa loo doortay qayb ahaan fursad oo lagu wanaajinayo isku halaynta gaadiidka iyo wakhtiga safarka ee dariiqa rakaabka oo ahaaday mid sareeya inta lagu jiro masiibada COVID-19. Iyada oo la samaynayo maal-gashiyadan hadda, gaadiidku waxa uu sii ahaan karaa mid la isku halayn karo oo dookh u ah dadka inta aan ka sii wadeyno ka soo kabashada masiibada.

Ma jiraan wax saameyn ah oo baabuur dhigashada ah?

Ma jiro baarkin hadda jira oo laga saarayo mashruuca qeybta 1. Wax kasta oo saameyn ku leh baarkinka wadada ee mashruuca qeybta 2 ayaa la go'aamin doonaa iyadoo qorsheynta iyo naqshadeynta mashruuca ay sii socoto.

Helitaanka meheradaha iyo/ama guryaha ma isbedelayaan?

Maya, gelitaanka meheradaha iyo/ama degaannada Rainier Ave S waxba iska beddeli maayaan mashruuca qeybta 1aad. Dadka baabuurka wada waxay wali awood u yeelan doonaan inay galaan dariiqyada baska kaliya si ay u maraan isgoysyada ama ganacsiyada/deegaanada. Isbeddel kasta oo xaga gelitaanka ah oo ku yimaadda mashruuca qeybta 2aad ayaan weli la go'aamin.

Waa maxay saamaynta ay ku yeelan karaan dadka wada baabuurta iyo kuwa xamuulka?

Ma fileyno in ay saameyn weyn ku yeelan karto wakhtiga safarka dadka wada baabuurta iyo kuwa xamuulka qaada kadib marka la dhiso mashruuca qeybta 1aad. Iyada oo qayb ka ah mashruuca qeybta 2aad, waxaan sii wadi doonaa inaan barano saameynta suurtagalka ah ee dadka wada baabuurta iyo gawaarida waxaanan ka shaqeyn doonaa sidii aan u aqoonsan lahayn xeeladaha lagu maareeyo ama lagu yareeyo saameyntaas.

Sideed wax uga qabanaysaa taraafikada xaafadaha ku xiga?

Waxaan fahamsanahay in dadka qaarkii ay baabuur wadaan ay dooran doonaan inay maraan waddooyin kale oo ka mid yihiin xaafadaha la deggan yahay si ay uga fogaadaan waddooyinka ciriiriga ah. Marka la eego tirada taraafik ee hadda jirta, ma fileyno in ay jiri doonto leexin taraafikada ah (ama dadka dooranaya in ay qaataan wadooyin kale) mashruuca qeybta 1.

Waxaan ognahay in u wareejinta safarro badan oo ku-meel-gaar ah ay muhiim u tahay:

  1. caawinta dad badan inay ka faa'iidaystaan ​​nidaamka gaadiidka la isku halayn karo
  2. Caawinta in la yareeyo saamaynta leexinta taraafikada ee xaafadaha deegaanka

Waxaan samayn doonaa wacyigelin dheeraad ah 2022 marka aan horumarinayno mashruuca qeybta 2aad si aan si wanaagsan u fahanno sida aan wax uga qaban karno caqabadaha dadka raaca gaadiidka. Iyadoo qayb ka ah wacyigelintaas, waxaan sidoo kale qorsheyneynaa inaan dhageysanno bulshada deegaanka si aan si wanaagsan u fahanno:

  • Welwelka iyo xeeladaha suurtagalka ah ee aan hirgelin karno si aan u niyad-jabinno gooynta taraafikada
  • Xeeladaha lagu caawinayo dad badan inay u guuraan safaro badan si u maraan ama u safraan wakhtiyada cidhiidhiga yar ee maalintii si ay wadooyinku u sii bannaadaan marka dadku u baahan yihiin inay baabuur wadaan

Rainier Ave S waa waddo muhiim u ah dadka baaskiil ka wadda. Maxaa horumar ah oo aad samaynaysaa si loo hagaajiyo xaaladaha dadka baaskiilka?

Waxaan maqalnay in Rainier Ave S ay tahay waddo muhiim u ah dadka baaskiilka wadda sababtoo ah inta badan waa waddo fidsan oo toosan. Rainier Ave S sidoo kale waa waddo muhiim ah oo inta badan loo isticmaalo gaadiidka, xamuulka, iyo baabuurta kale. Waa in aan dheellitirnaa baahiyahan iyo mudnaanta siinnaa marka aan go'aan ka gaareyno isbeddellada ku saabsan waddada iyo bannaanka saxda ah ee jidka. Ilaa hadda, waxaan maqalnay in labada arin ee ugu sarreeya bulshada ee Rainier Ave S ay yihiin in la yareeyo shilalka iyo in la sii wado socodka basaska.

Dadka baaskiilka wata waxaa loo oggol yahay inay ku safraan dariiqyada baska-kaliya ee gees ka si waafaqsan Sharciga Gobolka Washington. Dadka baaskiilka ku dhex wata dariiqyada baska ee dhinaca gees ka gees ah waa inay xusuustaan in basasku ay inta badan samayn doonaan joogsi haad ah oo ay si taxadar leh u safraan. Sida uu qabo sharciga gobolka, cid kasta oo horaysa ayaa mudnaanta leh. 

Halka jidadka baaskiilka aan hadda loo qorsheyn Rainier Ave S, sidoo kalena aan lagu darin qorshaha baaskiilka, waxaanu ku samaynaynaa isbedelo kale Rainier Ave S oo wanaajin doona xaaladaha dadka lugaynaya, baaskiilka kaxaysanaya, iyo rogrogmada. Qaar badan oo ka mid ah horumarintan ayaa lagu dhisay mashaariic kale oo u dhow oo ay ku jiraan Waddada mariinka 7 safarada kala duwan. Qorshaha Baaskiilada ee 2014 wuxuu ku talinayaa dariiqyada baaskiilka ee la ilaaliyo ee Rainier Ave S waqooyiga Mt Baker Blvd. Markaan qiimeynayno ikhtiyaarrada lagu ballaarinayo baska kaliya ee ka sii fog dhanka waqooyi ee mashruuca Wajiga 2, waxaan sameyn doonnaa wacyigelin dheeraad ah si aan u fahamno sida dadka ku nool, ka shaqeeya, iyo kuwa ku safraya Rainier Ave S ay hadda u isticmaalaan waddada iyo sida ay dadku rabaan inay u isticmaalaan mustaqbalka.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaan ku samaynay isbedelo kale Rainier Ave S si loo hagaajiyo xaaladaha iyo badbaadada Rainier Ave S, oo ay ku jiraan hoos u dhigista xadka xawaaraha ilaa 25 MPH, rakibiddacalaamadaha dadka lugeynaya, iyo dhisidda tallaabooyin kale oo badbaado iyo dejin taraafikada ah oo qayb ka ah mashruucaHorumarinta Rainer Ave

Waxaanu u samaynay ama aanu hagaajin ku samaynay waddooyinka kale ee u dhow dadka baaskiilka wada, oo ay ku jiraan:

Jadwalka

  • Horaanta 2022:Dhamaystir Nakhshada oo bilow wacyigelinta mashruuca qeybta 1
  • Luulyo 2022: Dhismaha Mashruuca qeybta 1aad
  • Xagaaga 2022: bilow wacyigelinta mashruuca qeybta 2
  • 2023-2024:Nakhshad kama dambays ah iyo hirgelinta mashruuca qeybta 2

Qeybta 1:

Shax muujinaya in aan hadda ku jirno wejigii naqshadeynta mashruucan, gaar ahaan naqshaddii hore.

qeybta 2:

Shax muujinaya in aanu hadda ku jirno qeybta qorshaynta mashruucan, gaar ahaan horumarinta mashruuca

Mashaariicda La Xiriira

Waddada mariinka 7 safarada kala duwan

RapidRide R

Hagaajinta waddada Rainier Ave

Maalgelinta

Mashruucan waa suurtogal in lagu mahadiyo boqolkiiba 80 codbixiyayaasha Seattle ee ansixiyeyCabirka Gaadiidka Seattle (Soojeedinta 1) Bishii Noofambar 2020, kaas oo u abuuray dakhli joogto ah, la isku halayn karo, adeegga baska la heli karo ee magaaladeena. Iyada oo loo marayo 0.15% canshuurta iibka (oo u dhiganta 15 senti marka iibsiga tahay $100) waxaad si toos ah u taageereysaa marin u helka bulshadaada.

Qalabka

Agabka mashruuca ayaa halkan lagu wadaagi doonaa sida loo horumariyay.

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.