Cimilada jiilaalka

Roobabka culusi waxay sababi karaan daadad, iyo, meelaha qaarkood ee Seattle, waxay sidoo kale qaribi karaan nidaamka bulaacadaha oo waxay sababi karaan inay buux dhaafan Bulacadahu.

Shaqaalaha SPU waxay u diyaar garoobaan cimilooyinka qoyan ee Seattle iyagoo eegaya qaybaha muhiimka ah ee nidaamka bullaacadaha si ay u nadiifiyaan, una sameeyaan dayactirka loo baahan yahay.

Inta lagu jiro dabaylaha roobka, diyaar ahaw, nabad gal, oo la soco xaaladaha.

Inta uusan Da'in roobku
Ka hortag daadadka adiga oo si badqabta uga nadiifinaya biyo-mareenkaaga caleemaha iyo qashinka.

Ka xaaq caleenta deyrkaaga ka hor inta aysan xannibin bullaacadaha dabaylaha ee xaafaddaada.

Caleemaha ku rid qashinka deyrka laakiin ku rid tanaga qashinka gaarka ah.

Haddii gurigaagu leeyahay caleemo badan, macaamiisha gurigu waxay iska qaadi karaan ilaa 10 jawaan oo qashinka dayrka dheeraadka ah maalin kasta oo lacag la'aan ah bisha November.

Marka Roobku Da'o
Wac (206) 386-1800 (Adeegyada tarjumaadu waa la heli kara) Isniinta ilaa Jimcaha, 24 saacadood maalintii haddii aad aragto fatahaad ama dhibaato ku saabsan nidaamka bullaacadaha.

Nabad gal oo la soco wixii cusub inta lagu jiro dabaylaha culus adiga oo booqanaya atyourservice.seattle.gov kalana soco SPU baraha bulshada.

Cimilada jiilaalku waxay keeni kartaa in tuubooyinka biyaha baraf ku samaysmo iyo in maritaanka wadadu ku adkaato gawaarida qandaraaska ka qaata SPU (Seattle Puplic Utility), kuwaas oo ururiya qashinka, dib-u-warshadaynta, iyo qashinka cuntada/daarada.

SPU waxay si adag uga shaqeysaa inay u diyaargarowdo caqabadahan, si marka dabaylaha jiilaalka ay dhacaan, aan wax uga qabano saameyntooda iyo in aan taageerno bulshada aan u adeegno.

  • Ka ilaali gurigaaga inay jabaan tuubooyinka biyahu adiga oo siibahaya tuubooyinka beerta, iyo adiga oo caag ku duubaya, tuubooyinka mara meesha gabaadka, saqafyada hoose, ama saqafka sare. Wax badan ka ogow diyaarinta tuubooyinka biyahaaga.
  • Soo deji App-ka Dib-u-warshadaynta ee telefoonkaaga ama tablet-kaaga si aad ula socotid macluumaadka ku saabsan daahitaanka ururinta oo ay ugu wacan tahay xaaladaha barafka iyo wadooyinka oo ay adagtahay in la maro.
  • Kala soco SPU on Twitter, Facebook, iyo Instagram talooyinka sida loo diyaargaroobo iyo macluumaadka marka barafku daayo.
  • Iska diiwaan geli AlertSeattle, nidaamka digniinta degdega ah ee rasmiga ah ee magaalada Seattle, oo la soco wixii ku saabsan jawaabta jiilaalka ee Magaalada.

Tubooyinka barafku xiray
Heerkulka qabowgu wuxuu keeni karaa in tubooyinku barafoobaan oo ay jabaan. Haddii taasi dhacdo waa inaad: 

Isla markiiba xidh afka laga xiro Biyaha, kaas oo inta badan ku yaal dabaqa hoose ee gurigaaga, ama garaashka, si aysan u dhicin daad. Haddii aadan xidhi karin afka weyn ee xiridda, macaamiisha SPU waxay wici karaan (206) 386-1800 shaqaaluhuna waxay damin doonaan biyaha mitirka waxaan la socda kharash adeeg.

Baro wax badan oo ku saabsan waxa la sameeyo haddii tuubada biyuhu jabto.

Qalalaasaha Ururinta
SPU waxay la socotaa saadaasha waxayna xidhiidh joogta ah la samaysa qandaraaslayaasha ururinta. SPU waxay kuu soo diri doontaa ogeysiin haddii xaaladaha waddooyinka oo aan ammaan ahayn ay dib u dhigaan qashinkaaga, dib-u-warshadaynta, iyo ururinta qashinka cuntada/ dayrka. 

Fiiri waxyaabaha soo socda si aad u hesho wararka inta lagu jiro duufaanta iyo cimilada jiilaalka: 

Wax badan ka ogow jawaabta duufaanka jiilaalka ee Magaalada

Public Utilities

Andrew Lee, General Manager and CEO
Address: 700 5th Avenue, Suite 4900, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34018, Seattle, WA, 98124-5177
Phone: (206) 684-3000
SPUCustomerService@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Public Utilities

Seattle Public Utilities (SPU) is comprised of three major direct-service providing utilities: the Water Utility, the Drainage and Wastewater Utility, and the Solid Waste Utility.