Two bakery owners smiling while holding an open sign.

La cusbooneysiiyay 8/6/2025

Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga wuxuu taageeraa ganacsiyada yar-yar ee ay saameeyeen Falalka waxyeellada iyo burburka hantida. Waxay kaa caawinaysaa saddex qaybood:

  • Deeqda Dayactirka Dukaanka Iridiisa (Hortiisa). Deeqo lagu caawiyo ganacsiyada inay dib u soo ceshadaan kharashaadka hagaajinta waxyeellada ka timaadda kharribaadda ama burburka hantida ee kale.
  • Sanduuqa Ammaanka ee Meheradaha Hortooda. Deeq-lacageed loogu talagalay milkiilayaasha ganacsiyada si loogu soo celiyo kharashka ku baxay hagaajinta ammaanka.
  • Maalgelinta Goobaha Ganacsiga ee Xaafadaha. Maalgelinta si kor loogu qaado badbaadada dadweynaha iyo muuqaalka goobaha ganacsiga ee xaafadaha.

Barnaamijkani wuxuu sii xoojinayaa guushii laga gaaray Sanduuqii Dayactirka Meheradaha (Storefront Repair Fund), kaas oo siiyay ganacsiyada yaryar deeqo lacageed si ay u dayactiraan hantidii waxyeelladu soo gaartay intii u dhexaysay 2022 ilaa 2024.

Wax badan ka ogoow Sanduuqa Dayactirka Dukaamada hortooda.

Ogow wax badan oo ku saabsan Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda.

 

Maalgelinta Goobaha Ganacsiga ee Xaafadaha

Ka sokow deeqaha lacageed ee loo fidinayo ganacsiyada gaarka ah, waxaan sidoo kale wada-shaqeyn la leenahay Goobaha Horumarinta Ganacsiyada iyo ururrada xaafadaha, si aan u maalgelinno mashaariic kor u qaadaya nabadgelyada bulshada, isla markaana ka dhigaya xaafadaha Seattle kuwo soo dhaweyn fiican. Hadafkayagu waa inaanu taageerno xalalka ay bulshadu hogaaminayso ee wax ka qabta caqabadaha maxaliga ah.


Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga waa qayb ka mid ah qorshaha soo kabashada dhaqaalaha ee Magaalada Seattle. Waxaa la sameeyay iyadoo lagu saleynayo talooyinkii ka soo baxay Kooxda Shuruucda Ganacsiyada Yaryar (Small Business Policy Group) oo ay isugu yeereen xafiiskayaga iyo xafiiska Duqa Magaalada (Mayor’s Office), si loo caawiyo ganacsiyada inay soo kabtaan, dib isu dhisaan, isla markaana sii wadaan adeegga ay bulshada u hayaan.

 

Xafiiskayagu waxa uu u heelan yahay in uu abuuro dhaqaale la heli karo oo loo wada dhan yahay oo u shaqeeya qof kasta oo Seattle ku nool iyada oo hubinaysa in dhamaan bulshooyinka ay helaan fursado dhaqaale.

Magaalada Seattle waxay ku dhiirigelinaysaa qof walba inuu ka qaybqaato barnaamijyadeeda iyo waxqabadyadeeda. Haddii aad u baahan tahay caawimo, tarjumaad, Taageerada naafada, ama macluumaad ku baxa qaab kale, kala xidhiidh xafiiskayaga (206) 684-8090 ama OED@seattle.gov.

Economic Development

Markham McIntyre, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 5752, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 94708, Seattle, WA, 98124-4708
Phone: (206) 684-8090
Fax: (206) 684-0379
oed@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Economic Development

The mission of the Office of Economic Development is to help create healthy businesses, thriving neighborhoods, and community organizations to contribute to a robust economy that will benefit all Seattle residents and future generations.