La cusboonaysiiyay 6/10/26
Maalgalintu weli waa diyaar.
Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda waxa uu siiyaa lacag celin hal mar ah oo dhan ilaa $10,000 meherad kasta si ay gacan uga geysato bixinta horumarka amniga ee ka hortagaya Falalka kharribadda iyo burburka hantida.
Si ay ugu qalanto, ganacsatadu waa inay dhamaystiraan Kahortagga Dembiyada Iyadoo loo marayo Naqshad Deegaanka (CPTED) oo ay la socdaan khabiir shati leh, sida Isuduwaha Kahortagga Dembiyada ee Waaxda Booliiska Seattle. Kaliya tillaabooyinka ammaanka la iibsaday kadib qiimeynta amniga CPTED ayaa u qalma lacag celin.
Codsiyada waxay furnaan doonan ilaa Diseembar 2026 ama ilaa inta lacagtu ka dhamaanayso.
Waxa laguu soo celin karaa kharashyada hoos ku taxan, iyo sidoo kale maalgalinta kale ee lagu wargaliyay Kahortaga Denbiga iyada oo loo marayo Nakhshada Deegaanka. Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad iibsato maal-gashi ku salaysan talooyinka uu so jeediyey Isku-duwaha Ka Hortagga Dembiyada inta lagu jiro qiimaynta amniga ee CPTED. Haddii aad hayso wax su'aalo ah oo ku saabsan kharashyada xaqa u leh, fadlan la xidhiidh xafiiskayaga.
- Iftiiminta
- Filimka daaqada amniga
- Dhireynta daaqadaha
- Daaqadda "Aan dillaacin" ee muraayadaha dahaaran
- Dayactirka shiraacyada jira ama shiraac cusub oo dukaanka hortiisa ah
- Calaamadaha ganacsiga iyo hagidda (furan, xiran, gal, bax, saacadaha shaqada)
- Calaamadaynta ciwaanka
- Dhireynta difaaca ah oo u dhow meelaha laga galo (geedaha rose / holly)
- Beero yaryar oo waddada dhinaceeda laga oggol yahay (eeg tilmaamaha qalabka waddooyinka / street furniture guidelines)
- Albaabka maqaska
- Albaabka amniga ee laablaaban ee daaqada
- Qataarada waaweyn
- Qufullada Daaqadaha
- Nidaamyada alaarmiga (qalabka kaliya, kuma jiraaan adeegyada la socodka, ama kamaradaha amniga)
Kharashyada aan u qalmin:
- Ka saarista garaafada
- Iibka kaamirooyinka amniga
- Lacag-celinta shaqaalaha amniga
- Waayida alaabta/adeegyada la xado
Raac tallaabooyinkan loo baahan yahay si aad u codsato lacagtaan:
Tallaabada 1: Ballanso qiimayntaada amniga ee CPTED ee bilaashka ah adigoo la xiriiraya isuduwahaaga maxalliga ah ee ka-hortagga dembiyada.
- Si aad u jadwalaysato qiimeyn amni oo CPTED ah, ka hel online-ka Isku-duwaha Ka-hortagga Dambiyada (Crime Prevention Coordinator – CPC) ee deegaankaaga kadibna iimayl u dir, adigoo ku daraya:
- Magaca ganacsigaaga
- Ciwaanka ganacsigaaga
- Ogsoonow inaad codsanayso qiimaynta amniga CPTED ee Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga.
Tallaabo 2: Dhammaystir Qiimaynta Amniga CPTED oo tixgeli talooyinka uu bixiyo CPC-gaagu.
- Inta lagu jiro Qiimaynta Amniga CPTED-gaaga, CPC-gaagu wuxuu adiga kula sameyn doonaa kormeer ganacsigaaga. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad qoroto wixii laga wada hadlo. Uma heli doontid qiimeyn rasmi ah oo qoran sida qayb ka mid ah habkaan.
Tallaabo 3: Qorshee iibsashadaada, adigoo maskaxda ku haya wadarta ugu badan ee lacag-celinta ah $10,000.
- Hel dhammaan oggolaanshooyinka lagama maarmaanka u ah hagaajinta amnigaaga.
- Ikhtiyaari: Kala xiriir xafiiskayaga(206) 684-8090 amaOED@seattle.gov si aad ugala hadasho hagaajinta amniga aad rabto inaad samayso oo aad u weydiiso wixii su'aalo ah.
- Haddii meheraddaadu ku taal Goobo taariikhi ah, waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale u baahato inaad hesho Shahaadada Oggolaanshaha ka hor intaadan iibsan maalgashiga la xidhiidha CPTED. Ka hubi haddii ganacsigaagu ku yaal degmo taariikhi ah halkan: Historic Districts - Neighborhoods | seattle.gov
Tallaabada 4: Samee iibsigaaga (ama iibsiyadaada) oo ururi caddeynta lacag-bixinta (qaansheegyo muujinaya hadhaaga eber ah iyo/ama rasiidhyo).
- Tusaalooyinka dukumentiyada kharashka ee saxda ah waxaa ka mid ah qarash-sheeg faahfaahsan oo lala socodsiiyay caddayn lacag-bixin oo waafaqsan qadarka dollarka. Noocyada caddaynta ee la aqbali karo waxaa ka mid ah, balse kuma koobna:
- Caddayn qarash-sheeg oo si cad u muujinaysa in baaqiga si buuxda loo bixiyay.
- Caddayn qarash-sheeg, qiimeyn, ama qiyaas, oo lala socodsiiyay caddayn jeeg la sarrifay.
- Caddayn qarash-sheeg, qiimeyn, ama qiyaas, oo lala socodsiiyay bayaan bangi ama bayaan kaadhka deynta oo iibsiga la iftiimiyay.
- Waxaan u baahan doonnaa inaan aragno waxa la iibsaday, taariikhda iibsiga, iyo in iibsigu dhammaystiran yahay.
Tallaabo 5: Khadka ku gudbi codsigaaga lacag-celinta.
Fadlan dib u eeg shuruudaha u-qalmitaanka oo buuxa, dukumentiyada loo baahan yahay, iyo macluumaadka kale ee hoose ka hor intaadan codsan.
Xafiiskayagu waxa uu u heelan yahay in uu abuuro dhaqaale la heli karo oo loo wada dhan yahay oo u shaqeeya qof kasta oo Seattle ku nool iyada oo hubinaysa in dhamaan bulshooyinka ay helaan fursado dhaqaale.
Magaalada Seattle waxay ku dhiirigelinaysaa qof walba inuu ka qaybqaato barnaamijyadeeda iyo waxqabadyadeeda. Haddii aad u baahan tahay caawimo, tarjumaad, taageerada naafada, ama macluumaad qaab kale ku baxa, fadlan kala xidhiidh xafiiskayaga (206) 684-8090 ama OED@seattle.gov.
Ku bood qayb
- Shuruudaha u-qalmitaanka
- Dukumentiyada looga baahan yahay codsiga
- Kaalmada Codsiga
- Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
Shuruudaha u-qalmitaanka
Si aad ugu qalanto Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda, ganacsiyada xaqa u leh waa in:
- Ay helaan qiimaynta amniga ee CPTED.
- Iibsadaan qalabka ammaanka ee u qalma CPTED adigoo iibsanaya kadib qiimaynta ammaanka ee CPTED.
- Waa inaad leedahay Shatiga Ganacsiga ee Magaalada Seattle oo aan dhacsanayn.
- U hoggaansan dhammaan sharciyada federaalka, gobolka, iyo magaalada.
- Ku yaaliin gudaha xadka magaalada Seattle.
- Noqo ganacsi madax-bannaan oo aan silsilad ahayn.
- Ganacsiyada leh magaca shirkado kale laakiin si madax-bannaan loo leeyahay iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan.
- Noqdan ganacsi faa'iido doon ah ama hay'ad aan faa'iido doon ahayn, 501(c)(3), 501(c)(6), ama 501(c)(19).
- Aysan lahayn wax ka badnayn shan (5) goobood.
- Hadda furan oo firfircoon oo ganacsi ah ama qorsheynaya inuu furmo iyada oo la haysto caddayn heshiis kiro saxiixan.
Shuruudo dheeraad ah:
- Goob kasta oo ganacsi, mulkiilaha, ama aqoonsiga (sida EIN, SSN, lambarka UBI, lambarka shatiga ganacsiga, guriga, iyo/ama ciwaanka ganacsiga) waxay ku soo gudbin karaan hal codsi.
- Ganacsigu waa inuu ka shaqeeyaa goob dhismeed iyo/ama baabuurta guurguura ee u adeega dadweynaha.
- Haddii la abaalmariyo, ganacsiyadu waa inay buuxiyaan W-9.
Shuruudaha cabbirka ganacsiga:
- Ganacsigu waa inuusan lahayn wax ka badan 50 shaqaale waqti-buuxa ah oo u dhigma.
- Ganacsigu waa inuu sameeyo in ka badan $1,000 oo aanu ka badnayn $7 milyan dakhliga saafiga ah ee sannadlaha ah sida lagu sheegay canshuuraha Ganacsiga iyo Hawlgalka ee loo gudbiyo Magaalada Seattle, Waaxda Adeegga Maaliyadda iyo Maamulka.
Meheradaha AAN u qalmin inay codsadaan Sanduuqa Ammaanka ee dukaamada hortooda waxaa ka mid ah:
- Meheradaha ku yaal Degmada King ee aan la wadaagin (unincorporated).
- Ganacsiyada silsiladda ah.
- Ganacsiyada “madadaalada dadka waaweyn” ee lagu maamulo Xeerka Degmada Seattle 6.270.
- Kiraynta muddada-gaaban ama muddada dheer ama hantida maalgashiga (Guryaha ma-guurtada ah ee gaarka ah, kiraystayaasha madax-bannaan iyo kireeyayaasha muddada-gaaban oo ay ku jiraan Airbnb, Vrbo, iwm.).
- Shuruuddani ma khuseeyan milkiilayaasha ganacsiga ee kiraysanaya hantidooda dukaanka hortiisa. Milkiilayaasha ganacsiga ee kiraysanaya hantidooda dukaanka hortiisa weli xaq bey u leeyihiin inay codsadaan.
- Ganacsigu waa tagsi, rideshare, ama adeeg gaarsiinta cuntada (tusaale, Uber, Lyft, Yellow Cab, Door Dash, Uber Eats, iwm.).
- Milkiilayaasha hantida iyo mulkiilayaasha guryaha kirada bixiya uma qalmaan maalgelintan, laakiin waxay ku dhiirrigelin karaan kiraystayaashooda ganacsiga inay codsadaan.
Dukumentiyada looga baahan yahay codsiga
Codsiyada khadka tooska ah ee Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda waxa la aqbali doonaa, dib loogu eegayaa, oo loo hawlfulin doonaa marka la qabto.
Waxaad ka eegi kartaa dukumeentigan su'aalaha codsiga ka hor intaadan codsan: Hagaha Su'aalaha Codsiga Sanduuqa Ku-noqoshada Ganacsiga.
Codsadayaasha xaqa u leh waxay u baahan doonaan macluumaadka soo socda si ay u soo gudbiyaan codsigooda:
- Lambarka Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan {UBI} (sagaal nambar).
- Waxaad helaysaa nambarka Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan marka aad codsato shatiga ganacsiga Gobolka Washington. Waxaad ka raadin kartaa lambarkaaga Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan khadka (UBI) iyada oo loo marayo Waaxda Dakhliga ee Gobolka Washington.
- Lambarka shatiga ganacsiga magaalada (afar ilaa lix lambar).
- Haddii aad ganacsi ka samaynayso Seattle, waa inaad haysataa shahaadada cashuurta shatiga ganacsiga Seattle, oo sidoo kale loo yaqaan Lambarka Shatiga Ganacsiga Magaalada. Waa inaad dib u cusboonaysiisaa shahaadadan sannad kasta ugu dambayn December 31.
- Nambarkan shatiga ganacsiga magaalada waa ka duwan yahay shatiga ganacsiga ee Gobolka Washington. Haddii aadan ka heli karin lambarkaaga nidaamka raadinta Raadi Ganacsi ee Shatiga Ganacsiga Magaalada, waxa laga yaabaa inaad haysato oo keliya Shatiga Gobolka Washington.
- Waxaad codsan kartaa Shatiga Ganacsiga Magaalada oo aad ku cusboonaysiin kartaa onlayn filelocal-wa.gov ama boostada.
- Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan si toos ah ula xiriir City Finance tax@seattle.gov ama wac (206) 684-8484.
- Dhammaystirka Qiimaynta amniga ee CPTED .
- Si aad u ballansato qiimaynta ammaanka CPTED, go'aami Isku-duwaha Ka Hortagga Dembiyada ee deegaankaaga onlayn una soo dir iimayl. Ku dar magaca meheraddaada, ciwaanka ganacsigaaga, oo u sheeg inaad codsanayso qiimaynta amniga CPTED ee Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga.
- Liiska maalgashiga u qalma ayaa laga heli karaa halkan.
- Caddaynta lacag bixinta maalgelinta CPTED ee u-qalanta.
- Keen koobiyada rasiidhada iyo/ama qaansheegyada iibsashada maalgelinta la so gudbiyey ee CPTED ee u qalanta. Liiska maalgashiga u qalma ayaa laga heli karaa halkan.
- Qarash-sheeg faahfaahsan iyo caddayn lacag-bixin labadaba waa loo baahan yahay si codsi dhammaystiran loogu tixgeliyo maalgelin.
- Qiyaasaha, qarash-qiyaasyada, iyo/ama biilasha aan muujin caddayn lacag-bixin lama aqbali doono.
- Sanduuqa Ammaanka ee Dukaanka hortiisa wuxuu ku shaqeeyaa qaabka lacag-celinta, taas oo macnaheedu yahay in codsadahu horay u iibsaday qalab u-qalma ama lagu bixiyay rakibaadyada xaqa u leh.
- Haddii aad hayso wax su'aalo ah oo ku saabsan kharashyada xaqa u leh, fadlan la xidhiidh xafiiskayaga.
Kaalmada Codsiga
Codsiga Sanduuqa Ammaanka ee Dukaammada hortooda waa in lagu soo gudbiyaa onlayn isagoo Ingiriis ah.
Taageerada tarjumaada ama turjumaanka
Waxaan haynaa shaqaale laba luuqadood ku hadla oo diyaar u ah inay ka jawaabaan su'aalaha oo ay kaa caawiyaan buuxinta codsigaaga.
Si aad u codsato adeegyada turjumaada, waxaad wici kartaa (206) 684-8090. Fadlan dhaaf fariin cod ah oo raaci magacaaga, lambarka taleefanka, luuqadda aad doorbidayso, iyo nooca taageerada loo baahan yahay.
Caawinaad dheeri ah oo ku saabsan codsiga
Xafiiskayagu waxa uu u heelan yahay in uu abuuro dhaqaale la heli karo oo loo wada dhan yahay oo u shaqeeya qof kasta oo Seattle ku nool iyada oo hubinaysa in dhamaan bulshooyinka ay helaan fursado dhaqaale. Haddii aad u baahan tahay caawimo, tarjumaad, Kaalmeyn Naafanimo, ama agab ku jira qaab kale, fadlan la xidhiidh xafiiskayaga (206) 684-8090 ama OED@seattle.gov.
Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
1. Maxaa dhacaya ka dib marka aan codsado?
Ka dib marka aad codsato, waxaad heli doontaa xaqiijin iimayl ah oo ka timid OED_BackToBusiness@seattle.gov. Waxaa laguugu soo ogeysiin doonaa iimayl haddii aan u baahan nahay macluumaad dheeraad ah si aan u dhammaystirno codsigaaga. Ka dib marka codsigaaga la dhammaystiro, waxaad heli doontaa laba dukumenti oo saxiix elektaroonig ah u baahan oo lagu soo diro AdobeSign. Ka dib marka aad dhammaystirto saxiixyada elektaroonigga ah, waxaan kuugu soo diri doonnaa jeeg cinwaanka boostada ee ku qoran W-9-gaaga. Codsiyada dhammaystiran, habka dib-u-eegista codsigu wuxuu qaadan karaa ilaa afar toddobaad. Codsiyada ay ka maqan yihiin macluumaad ama u baahan dabagal waxay qaadan doonaan waqti ka dheer si loo hawlgeliyo.
Fiiro gaar ah: Shaqaalahayagu waxay la xiriiri doonaan codsadeyaasha iyagoo u diri doona telefoon ama iimayl ku dhammaada @seattle.gov. Ganacsiyadu waxay xaqiijin karaan aqoonsiga shaqaalaha iyagoo waca xafiiskayaga (206) 684-8090.
2. Waa maxay faraqa u dhexeeya Sanduuqa Dayactirka Dukaamada hortooda iyo Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda?
Sanduuqa Dayactirka Dukaamada Hortooda wuxuu kaa caawinayaa in laguugu soo celiyo kharashyada dayactirka ka dhashay waxyeellada burburka hantida ama waxyeello kale oo hantiyeed. Wax badan ka ogoow Sanduuqa Dayactirka Dukaamada hortooda.
Sanduuqa Amniga Meheradaha Horteeda wuxuu kaa caawinayaa in laguu soo celiyo kharashyada ku baxay tallaabooyinka ka hortagga ah ee ammaanka.
3. Deeqaha Sanduuqa Ammaanka ee Dukaamada hortooda ma ku koobnaan doonaan oo keliya iibsiyada tallaabooyinka ka hortagga amniga?
Maalgelinta waxa kaliya oo lagu iibsan karaa waxyaabaha la xidhiidha tillaabooyinka ka hortagga Amniga ee la sameeyo ka dib marka la dhammeeyo qiimaynta amniga CPTED. Iibka suurtagalka ah ee lagu iibsan karo waxaa ka mid ah daaqada ku meel gaadhka ah ama looxa albaabka, hagaajinta daaqada ama bedelida, hagaajinta albaabka, dayactirka albaabka ama beddelka, albaabada, qufullada, calamadaha, filimka amniga ee daaqada, iyo muraayadaha burburay. Maalgelinta Amniga ee Dukaamada hortooda ma daboosho ka saarista qoraallada, gadashada kamaradaha amniga, magdhowga shaqaalaha amniga, ama luminta alaabta la xado.
Haddii aad rabto inaad codsato maalgelin si aad u hagaajiso dukaankaaga hortiisa, fadlan raac tilmaamaha codsiga. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Sanduuqa Dayactirka Dukaanka hortiisa ayaa laga heli karaa halkan.
Haddii aad ku aragto sawirro ama qoraallo sharci-darro ah (graffiti) oo ku yaal goob dadweyne ama hanti gaar loo leeyahay, waxaad ku soo wargelin kartaa adigoo:
- Isticmaalaya app-ka Find It/Fix It, foomka warbixinta khadka, ama adoo wacaya Khadka Warbixinta Garaafeynta ee Magaalada (206) 684-4243.
- Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Barnaamijka Ka Hortagga iyo Ka Saarista Garaafeynta ee Magaalada ayaa laga heli karaa boggan.
4. Deeqaha Ammaanka ee Dukaamada hortooda waa $10,000. Ma jiri doonaa wax fursad deeqdu inay dhaafto xadkaas xaalado gaar ah, sida marka loo baahdo in la sameeyo maalgelino badan?
Waxaan aqoonsannahay in qiimaha tallaabooyinka ammaanku uu ka badan karo $10,000. Si kastaba ha ahaatee, deequhu waxay ku koobnaan doonaan $10,000 si ay Magaaladu u caawiso ganacsiyo badan intii suurtagal ah.
5. Ganacsi noocee ah ayaa u qalma maalgelintan?
Ganacsiyada faa'iido-doonka ah ama kuwa aan faa'iido doonka ahayn sida 501(c)(3), 501(c)(6), ama 501(c)(19), kuwaas oo leh meherado muuqda oo ku yaal dabaqa hoose ee u adeegaya dadweynaha, iyo sidoo kale baabuurta cuntada (food trucks), waxay xaq u leeyihiin Sanduuqa Ammaanka Meheradaha Hortooda (Storefront Security Fund). Dhamaan codsadayaasha waa inay haystaan shatiga ganacsiga ee magaalada Seattle oo aan dhacsanayn. Maamulayaasha hantida iyo kireeyayaasha hantida uma qalmaan maalgelinta, laakiin waxay ku dhiirigelin karaan kiraystayaashooda inay codsadaan.
6. Waa maxay Ka-hortagga Dembiyada iyadoo la adeegsanayo Naqshadaynta Deegaanka ee ka hortaga Danbiyada - CPTED?
Kahortagga Dembiyada Iyadoo la adeegsanayo Naqshadaynta Deegaanku waa hab ku saleysan meel iyo hab adag si looga hortago dembiyada iyadoo la isticmaalayo naqshadeynta iyo maareynta deegaanka la dhisay si loo saameeyo dabeecadda aadanaha si looga hortago dembiga iyadoo la kordhinayo dareenka khatarta dembiilaha. Waxaa loogu dhawaaqaa 'sep-ted', habkani wuxuu yaraynayaa dhibaateynta, wuxuu kordhiyaa aragtida badbaadada, wuxuuna aqoonsanayaa doorka muhiimka ah ee bulshadu ku leedahay abuurista iyo ilaalinta meelo ammaan ah.
CPTED waxay bixisaa qaab lagu qiimeeyo jawiga muuqaalka ah iyo kan bulshada ee goobaha kala duwan, iyadoo lagu saleynayo sida loo isticmaalo si loo aqoonsado qaababka dhaqdhaqaaqa, adeegyada iska hor-imaanaya, loo kala saaro saameynta dhaqameed iyo tan taariikheed, iyo noocyada iyo heerarka ilaalinta ee goobta ka jira.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg bogga Waaxda Booliska ee Seattle ee CPTED iyo warqaddan.
7. Meheradaha xashiishka ma u qalmaan inay codsadaan?
Haa, dukaamada xashiishadda, beeralayda, iyo qaybiyeyaasha ayaa codsan kara, waase haddii ay buuxiyaan shuruudaha kale ee u-qalmitaanka.
8. Sidee loo dooran doonaa Guulaystayaasha deeqaha?
Waxaan dib u eegi doonaa oo hawlgelin doonaa codsiyada marka ayna soo garaan. Codsadayaasha waxaa la siin doonaa deeq lacag-celin ah haddii ay buuxiyaan shuruudaha u-qalmitaanka iyo haddii maalgelintu ay diyaar tahay.
9. Kuwa Abaalmarinta la siiyey miyay u baahan yihiin inay dib u bixiyaan lacagta?
Maya, tani waa deeq. Ganacsatada loogama baahna inay dib u bixiyaan lacagta.
10. Deeqaha ma loo xisaabiyaa dakhli la cashuuri karo?
Maya, deequhu maaha dakhli la cashuuri karo.
11. Shaqaalaha waqtiga-dhiman ma lo xisaabiyaa shaqaale ahaan?
Haah, qof kasta oo mushahar qaata waxa loo tiriyaa shaqaale ahaan.
12. Waa maxay isha maalgelinta ee Sanduuqa Amniga meheradaha hortooda?
Sanduuqa Amniga ee dukaamada hortooda waxa lagu maalgeliyaa Cashuurta Kharashka Mushahar bixinta.
13. Codsadayaashu ma heli karaan maalgelinta ka hor intaanay wax iibsan?
Maya. Barnaamijka Ku-noqoshada Ganacsiga (Back to Business Program) wuxuu ku shaqeeyaa nidaamka lacag-celinta, taas oo micnaheedu yahay in codsadayaashu ay horay u soo iibsadeen qalabka ama ay soo bixiyeen lacagta dayactirka ayna bixin karaan caddayn dukumeenti ah oo ku saabsan kharashaadka.
14. Sidee codsadeyaashu u heli doonaan maalgelinta?
Codsadayaasha u qalma waxay jeeg ku heli doonaan boostada cinwaanka boostada ee ku qoran W-9-kooda. Waxaad haysata ikhtiyaarka ah inaad ku hesho jeegaga shakhsi ahaan haddii loo baahdo.
15. Ka warran haddii aan horey u codsaday barnaamijka Sanduuqa Amniga Meheradaha Hortooda, laakiin wadarta kharashkaygu uu dhaafay xadkii hore ee deeqda Sanduuqa Amniga oo ahaa $6,000?
Codsadayaasha horey u codsaday barnaamijka oo wadarta kharashkoodu uu dhaafay xadkii hore ee deeqda Sanduuqa Amniga oo ahaa $6,000 waxaa la soo xiriiri doona xubin ka tirsan kooxda Ku-noqoshada Ganacsiga (Back to Business) ugu dambeyn Khamiis, Sebtembar 10, 2026.
Kaliya codsadayaasha soo gudbiyay dukumeentiyada kharashka oo wadarta guud ay ka badan tahay $6,000 ayaa u qalmi doona inay helaan deeq lacag-celin oo kabid ah. Tusaale ahaan, haddii aad horey u codsatay, laakiin aad soo gudbisay oo kaliya rasiidyo wadartoodu tahay $6,000 ama ka yar, uma qalmi doontid inaad hesho deeq lacag-celin dheeraad ah.
Fadlan kala xiriir kooxda Ku-noqoshada Ganacsiga (Back to Business) cinwaanka OED_BackToBusiness@seattle.gov haddii aad wax su'aalo ah ka qabto habraaca.