Barnaamijka Helitaanka Raasamaal ee Ganacsiga Yaryar
La cusbooneysiiyay Luulyo 2026
Barnaamijkeena Helitaanka Raasamaalku waxa uu caawiyaa ganacsiyada yaryar inay koraan oo ay kobcaan. CAP wuxuu bixiyaa kaalmo dhaqaale oo ah qaab qarash dhimis raasamaal ee deymaha xaqa u leh iyo ikhtiyaarrada kale ee maalgelinta. Barnaamijkani waxa uu fursado badan u abuuraa milkiilayaasha ganacsiga, gaar ahaan kuwa aan helin adeegyo maaliyadeed ee loo siman yahay.
Ku saabsan Barnaamijka Helitaanka Maalgelinta
Xafiiskayagu, isaga oo kaashanaya hay'adaha amaahda ee bulshada, wuxuu hoos u dhigaa kharashka amaahda ee ganacsiyada isagoo bixiya amaaho leh dulsaar dhan 4%. Ganacsiyadu uma baahna inay si gaar ah u codsadaan dulsaarkan gaarka ah. U-qalmitaanka waxaa qiimeeya hay'adda amaahda bixisa marka amaahda la ansixinayo.
Barnaamijkani waxa uu caawiyaa ganacsiyada yaryar ee u qalma, gaar ahaan kuwa aan helin taageero maaliyadeed oo loo simanyahay, inta ay kobcinayaan ganacsigooda. CAP wuxuu isticmaalaa shuraakada deyn-bixiyayaasha bulshada isagoo ka faa'iideysanaya alaabtooda amaahda. Amaahda Ganacsiga Yaryar ee ka soo jeeda barnaamijyadan amaahda waxay xaq u yeelan karaan dhimista Barnaamijka Helitaanka Raasamaalka.
Amaah bixiyayaasha
Amaah bixiyayaasha ka qayb galaya.
Ku saabsan Abaalmarinta CAP
U Qalmitaanka
Si ay ugu qalman CAP, ganacsiyadu waa inay buuxiyaan dhammaan shuruudaha soo socda:
- Ahaado ganacsi faa'iido doon ah, si madax banaan loo leeyahay, oo ku yaala gudaha xadka magaalada Seattle
- Haysta Shatiga Ganacsiga ee Magaalada Seattle
- Shaqaynayey in ka badan 12 bilood
- Aad xaraysay canshuurta Magaalada ee Ganacsiga iyo Shaqada (B&O) oo aad si buuxda u bixisay canshuurta haddii lagu leeyahay ama aad u hoggaansanto laba bilood gudahood marka lagu doorto
- Lahayn wax ka badan 100 shaqaale ah oo u dhigma (FTE)
- Inuu leeyahay dakhli guud oo sannadle ah oo aan ka badnayn $5 milyan (xaalado gaar ah ayaa laga yaabaa in laga reebo shuruuddan)
- Si wanaagsan ugu hogaansan tahay shuruudaha wakaalada gobolka iyo deegaanka
- Si waqtiyeysan u bixiya lacagaha daynta wakhtiga la bixinayo abaalmarinta lacag-dhimista raasamaalkaa
GanacsiyadaAAN U qalmin inay codsadaan Abaalmarinta CAP haddii ay leeyihiin mid ka mid ah shuruudahan soo socda:
- Meheradaha ku yaal meel ka baxsan xadka magaalada Seattle ama in ka yar 50% hawlgalkooda Seattle.
- Ganacsiyada “madadaalada dadka waaweyn” ee hoos yimaada Xeerka Degmada Seattle 6.270.
- Dukaamada Marwaanada, beerahooda iyo meelaha lagu iibiyo waa kuwo aan u qalmin.
- Hayadaha Samafalka 501 (c) (3), 501 (c) (6) ama 501 (c) (19).
Shuruudaha Abaalmarinta CAP
- Ganacsiga yar ee u qalma wuxuu heli karaa amaah ganacsi yar oo leh dulsaar 4% ah.
- Codsadahu waa in uu ku jiraa xaalada (inuusan dayn hore bixin waayin) wakhtiga abaalmarinta.
- U-qalmitaanka abaal-marinta waxaa go'aamin doona deyn-bixiyaha.
- Halkan ka arag deyn bixiyayaasha ka qayb qaadanaya.
Warqadaha loo baahan yahay
Ganacsiyada yaryar ee xiisaynaya abaalmarinta Barnaamijka Helitaanka Capital ma buuxin karan foom codsi oo kale. U-qalmitaanka waxaa go'aamin doona amaah-bixiyeyaasha ka qaybqaata.
Codsadayaasha xaqa u leh waxay u baahan doonaan inay u keenaan dukumeentiyada soo socda amaah-bixiyehooda:
- Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan (UBI) nambarka (sagaal nambar).
- Ganacsiyadu waxay helaan nambarka aqoonsiga meherad midaysan marka ay codsadaan shatiga ganacsiga ee gobolka Washington. Tan waxaa lagu heli karaa khadka Waaxda Dakhliga ama boostada. Codsadayaashu waxay ka raadin karaan lambarkooda Aqoonsiga Ganacsiga Midaysan UBI online.
- Lambarka Shatiga Ganacsiga Magaalada (lix lambar).
- Qof kasta oo ka ganacsanaya Seattle waa inuu haystaa shahaadada cashuurta shatiga ganacsiga ee Seattle, sidoo kale loo yaqaan lambarka shatiga ganacsiga magaalada, lambarka macmiilka magaalada, ama shatiga ganacsiga guud. Milkiilayaasha meheraddu waa inay cusboonaysiiyaan shahaadadan sannad kasta markay tahay 31 -ka Diseembar.
- Lambarkan Shatiga Ganacsiga Magaalada wuu ka duwan yahay Shatiga ganacsiga gobolka Washington. Haddii ganacsiyadu ay heli waayaan lambarkooda Shatiga Ganacsiga Magaalada Isticmaal qalabka raadinta goobaha ganacsiga, waxa laga yaabaa inay haystaan shatiga gobolka Washington oo keliya.
- Ganacsiyadu waxay codsan karaan shatiga ganacsiga magaalada waxayna ku cusboonaysiin karaan Online ama boostada.
- Canshuurta Ganacsiga iyo Shaqada (B&O).
- Meherad kasta waa inay xaraysa oo u soo sheegtaa magaalada, xataa haddii aanay jirin wax hawl ah ama aanay jirin wax canshuur ah. Canshuurta ganacsiga Seattle lama mid aha canshuurta ganacsiga gobolka Washington; ganacsiyada waa in ay si gooni ah u xareeyaan canshuuraha Seattle iyo Tan gobolka.
- Ganacsatada laguma laha canshuurta Ganacsiga iyo Shaqada (B&O) haddii dakhligooda guud ee canshuuraha ee sanadlaha ahi uu ka yar yahay $ 100,000, laakiin ganacsatadu wali waxay u baahan yihiin inay fayl gareeyaan.
- Ganacsatadu waxay ka xarayn karaan kuna soo sheegi karaan onlayn ama boostada. Wixii su'aalo dheeraad ah ee ku saabsan canshuurahaan, ganacsiyadu waxay kala xiriiri karaan Maaliyadda Seattle tax@seattle.gov.
Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
Maxaan u isticmaali karaa deynta ganacsiga yar ama badeecad kale ee lacag-bixineed oo kale oo aan u qalmo?
Alaabooyinka amaahda ganacsiga yar-yar ee xaqa u leh waxaa loo isticmaali karaa baahiyo shaqo oo ganacsi oo kala duwan sida mushaar bixinta, kirada, qarashka goobta, saadka, iyo kharashyada kale ee maalinlaha ah. Si kastaba ha ahaatee, fadlan la xidhiidh deyn-bixiyayashada kala duwan si aad u isticmaasho lacagta deynta gaarka ah.
Xagee baan ka codsan karaa sicirka dulsaarka gaarka ah?
Ma jiro arji gaar ah oo barnaamijkaan loogu talagalay. Hay'adaha amaahda ee ka qaybqaata CAP waxay si toos ah u qiimeyn doonaan u-qalmitaankaaga dulsaarka gaarka ah haddii aad buuxiso shuruudaha u-qalmitaanka. Fadlan hubi liiska deyn-bixiyeyaasha ka qaybqaata halkan.
Sidee loo bixin doonaa sicirka dulsaarka gaarka ah ee CAP?
Ganacsiyada yaryar ee u qalma waxay heli doonaan dulsaar gaar ah oo 4% ah oo ka imaanaya deyn-bixiyeyaasha ka qaybqaata marka ay buuxiyaan shuruudaha u-qalmitaanka.
Waa kuwee Hay'adaha Maaliyadeed ee Horumarinta Bulshada ee ka qayb galaya?
Xafiiskayagu waxa uu wada shaqayn la leeyahay Hay’adaha Maaliyadeed ee Horumarinta Bulshada Deegaanka ee kala duwan ee Barnaamijka Helitaanka Cap. Fadlan dib u eeg liiska amaah bixiyayaasha ka qayb qaata qayb kasta oo abaal marin ah.
Maxaa dhacaya haddii aanan u qalmin deyn?
Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan codsadayaasha buuxiya shuruudaha u-qalmitaanka ee kor ku taxan inay codsadaan mid ka mid ah doorashooyinka maalgelinta ee u qalma CAP. Marka la barbardhigo bangiyada kale iyo deyman bixiyayaasha caadiga ah, bixiyeyaasha bulshadu waxay leeyihiin dabacsanaan badan marka ay qiimaynayaan codsiyada deynta.
Weli, waxaa jiri kara xaalado in ganacsi yar uusan u qalmin deyn ama alaab kale oo maaliyadeed. Haddii ganacsigaaga yar uusan u qalmin, waxaa laguugu xiri doonaa mid ka mid ah bixiyeyaasha kaalmada farsamada ee CAP si loo eego haddii aad u qalanto doorashooyinka kale ee maalgelinta ee Magaalada Seattle.
Waa maxay isha maalgelinta ee Barnaamijka Helitaanka Raasamaalka?
Barnaamijka Helitaanka Raasumaalka waxaa maalgeliya Canshuurta Kharashka Mushaarka Jumpstart ee Magaalada Seattle.
Macluumaad dheeraad ah
Su'aalaha guud ee ku saabsan barnaamijka, fadlan kala xiriir Agraj Dangal, Lataliyaha Helitaanka Raasamaalka iyo Maaliyadda, agraj.dangal@seattle.gov ama wac (206) 665-1012.
CAP waxay caawisaa abuurista muuqaal ganacsi oo yaryar oo loo siman yahay iyada oo loo marayo:
- Gelitaanka loo siman yahay. CAP waxay hubisaa inay si cadaalad ah u heli karan maalgelin la awoodi karo kuwa dhaqan ahaan si nidaamsan looga saari jiray ilaha maalgelinta.
- Xiritaanka farqiga. CAP waxay siisaa ganacsiyo yaryar oo aan la tixgelin jirin fursado maaliyadeed, taasoo siinaysa fursad ay ku guuleystaan.
- Dhisidda dhaqaalaha Bulshada. CAP waxa ay taageertaa kobaca ganacsiga iyo waaritaanka, iyada oo wadada u xaaraysa barwaaqada iyo sinnaanta Seattle oo dhan.