Cimilada Dayrta

Ku soo dhawoow websaydka Jawaabta Cimilada Jiilaalka ee SDOT halkaas oo aad ka heli doonto agab kaa caawinaya inaad u diyaargarowdo duufaanada jiilaalka oo aad ogaato sida SDOT uga jawaabto si ay Seattle si nabad ah ugu socoto.

Khayraadka

Soo dejiso

Khariidadaha Cimilada Jiilaalka

Xogaha Dheeraadka ah

Xaaq jidadka cagta

Dhinaca cagta ee wadada ka horaysa gurigaaga ama meheraddaada ka dhig mid xaaqan inta lagu jiro duufaanta barafka. Waa sharci waana wax sax ah in la sameeyo si qof kastaa uu si nabad ah ugu safro, gaar ahaan dadka ay ku adag tahay inay ku socdaan Barafka.

Seattle waxay leedahay in ka badan 2,400 mayl oo waddooyin lugeed ah, shaqaalaheennuna ma joogi karaan meel kasta hal mar. Adaan isku kaa halaynayna inaad qaybtada qaadato, si aan diiradda u saarno nadiifinta waddooyinka aan u dhowayn dhismayaasha gaarka loo leeyahay iyo inaan nadiifinno waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

  • Diyaarso - Kaydiso duufaanta ka hor. Hayso majarafada barafka, bac milixa jidka ah, dhar diiran, bustayaal dheeri ah, nalal toosh ah, xirmada gargaarka degdegga ah, iyo sahay cunto/biyo/daawo kugu filan ugu yaraan saddex maalmood.
  • Kahor intaan barafku diin - Ku daadi milixda dhagaxa ah (ama alaab kale oo deegaanka u wanaagsan) wadadada cagta, meelaha aad mareyso, iyo meelaha jaranjarada ah si aad uga hortagto in baraf uu buuxiyo.
  • Ka warhay deriskaaga - Ka hubi deriskaaga haddii aad taqaan inay caawimo kaaga baahan yihiin. Si wada jir ah u wada shaqeeya oo la imaada qorshe aad ku hubinaysan in jidkaaga cagta, biyo-mareennada duufaannada, iyo dariiqyada geesahu ay ka nadiif yihiin barafka.
  • Marka uu baraf da'o - Xaaq waddooyinka lugta - Nadiifi laamiyada cagta ee gurigaaga ama meheraddaada ka horeeya 12 saacadood ka hor inta aanu barafku isu beddelin mid dhegan.

Waxaan la midownay Rooted in Rights si aan u abuurno muuqaal si aan dadka u tusno muhiimada ay leedahay inay ka xaaqan barafka wadooyinka guryahooda hareerahooda ah, ganacsiyada, iyo goobaha shaqada. Macluumaadkani waxa uu u fududaynaya oo sahlaya in qof walba uu socdo kolka uu barafku dao jiilalka!

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.