Falanqaynta Sinnaanta Jinsiyadaha ee Waddooyinka Ammaanka ah ee Lagu Tago Dugsiyada

Himilada Sinaanta Jinsiyadaha

Himiladeennu waa in carruurta dhigata iskuulka Seattle ay ku bilaabaan maalintooda in ay ka faa'ideystaan lugeynta iyo baaskiil wadidda ay ku aadaan iskuulka, ay ku jirto:

  • In ay baashaalaan
  • Dareemaan ammaan
  • Xoojiyaan xiriirada ay la leeyihiin bulshadooda
  • Ku imaadaan iskuulka wakhtigii loogu talogalay ee quracda oona diyaar u noqdaan in ay wax bartaan
  • Lahaadaan caafimaad jir iyo maskax wanaagsan

Si loo adkeeyo dadaalka Seattle ee lagu dhammaynayo midab takoorka hay'adeed oona loo sameeyo magaalo loo simanyahay, waxaan diirada saarnay ardayda kamid ah kooxahaan: bulshooyinka midabka leh, bulshooyinka leh dakhli-hoose, dadka qabba naafooyin, dadka ay hayso guri la'aan ama ammaan la'aan guriga ah, bulshada LGBTQ, iyo gabdhaha.

Waxyaabaha Ku Soo Kordhay Horumarka

Sannadka 2018 Kooxda Waddooyinka Ammaanka ah ee Lagu Tago Dugsiyada:

  • Waxaa ay sameysay Sahanka Sinnaanta Jinsiyadaha ee Waddooyinka Ammaanka ah ee Lagu Tago Dugsiyada oo ka hadlaya caqabadaha ay la kulmaan ardeyda midabka leh marka ay u lugeynayaan ama baaskiil ay ku tagayaan dugsiga. Sahanka wuxuu ku qoran yahay ilaa 9 luuqadood, waxaanna laga heli karaa online-ka, sanduuqaaga boostada, iyo dhacdooyinka aan joogtada aheyn ee bulshada
  • Waxaa ay iska kaashadeen 10 dugsi oo u adeegga ugu yaraan 85% ardeyda midabka leh in la dhiirrigeliyo Sahanka Sinnaanta Jinsiyadaha iyo in lala yeesho wada sheekaysi qoto-dheer ardeyda iyo qoysaska oo ku saabsan waayo-aragnimadooda nolasha iyo caqabadaha lagala kulmo tagidda iyo ka soo noqoshada dugsiga
  • Waxay ka qaybgaleen in ka badan 50 dhacdooyin bulsho oo gaar ahaan loo qabtey bulshooyinka midabka, soo-galootiga, iyo qaxootiga
  • Waxaa ay iska kaashadeen ku dhowaad 40 ururro bulsho in la dhiirrigeliyo Sahanka Sinnaanta JInsiyadaha, waxaa ayna sameeyeen gaaris gaar ah sida kooxaha diirrada la saaro iyo shaah iyo sheeko lala yeesho in ka badan 10 ururro bulsho
  • Waxaa ay ka heleen ku dhowaad 3000 jawaabo oo sahanka laga bixiyay mas'uuliyiinka iyo ardeyda dugsiga sare sannad-dugsiyeedkii 2017-2018
  • Waxay dib u saxeen hab-dhaqannadeenna gaarista sahanka si looga dhigo ka-qaybgalka sahanka mid si aad iyo aad ah loo gaari karo oo loo siman yahay wareegga labaad ee sahanka la sameynayo dayrta 2018

Habka Falanqaynta Sinaanta Jinsiyadaha

Inta lagu guda jiro sannadka soo socda, falanqaynteena sinnaanta jinsiyadaha waxay:

Buuxi

Falanqayn doontaa xogta ku saabsan sida aynu ugu adeegnay wakhtiyadii la soo dhaafey bulshooyinka.

2018

Ka qaybgalin doontaa dadka uu saameeyay barnaamijkeenna qaab wadahadal iyo sahan.

Waxaa sii dheer ku dhowaadka 40 ka ururro bulsho, in aan iskaashaneyno dugsiyada soo socda oo ku saleysan kala duwanaanta luuqadaha iyo jinsiyadaha ardeydooda:

  • Dugsiga Dhexe ee Aki Kurose
  • Dugsiga Hoose ee Bailey Gatzert
  • Dugsiga Hoose ee Concord
  • Dugsiga Hoose ee Dearborn Park
  • Dugsiga Hoose Dunlap
  • Dugsiga Sare ee Rainier Beach
  • Dugsiga Hoose West Seattle
  • Dugsiga Hoose Wing Luke

Jiilaalka 2019

Iskaashi kala yeelan doontaa bulshooyinka midabka si loo sameeyo istiraatiijiyado cusub oo lagu gaarayo himiladeenna sinnaanta jinsiyadaha. Aqoonsan doontaa qiyaasaha cabbirada qiimeynta si aynu u qiyaasno horumarkeena ku aadan himiladan.

Gu'ga 2019

Dib ugu soo warbixin doontaa bulshooyinka.

Waa maxay sabab ay muhiim ugu yihiin waddooyin ammaan ah ee iskuulka lagu tago arrinta falanqaynta sinaanta jinsiyada?

Shaqada waxaa ay si toos ah uga hadleysaa heerarka imaanshaha dugsiga ee ardeyda midabka sababtoo ah ardey badan oo reer Seattle ah ayaan helin basaska dugsiyada. In si firfircoon dugsiga lagu tago sidoo kale waxaa lala xiriiriyaa guul tacliimeed oo heer sare ah, iyo caafimaadka jirka iyo maskaxda oo wanaagsan.

Heerarka baaskiilka la raaco iyo socodka ardayda si xoogan ayay hoos ugu dhaceen halka buurnaanta dhallinyarada ay laba laabantay afartankii sanno ee lasoo dhaafay; midaana waxay si aanan isku mid ahayn u saamaysay bulshooyinka midabka leh.

  • Carruurta Laatiinka iyo Madowga ah waxay leeyihiin heerar sareeya oo buurnaan ah waxayna haystaan galida ugu yar ee lagu galo beeraha, garoomada ciyaarta, ama waddooyinka lagu socon karo
  • Ku dhowaadkii ¼ oo ah dhallinyarada Madowga ah waxay helayaan wax ka yar saacada lasoo jeediyay ee hawsha jirka maalin laha ah, marka lala bandhigo 13% oo dhallinyarada Caddaanka ah
  • Gudaha Seattle, iskuulada dhigta tirada ugu saraysa ee ardayda midabka leh waxay haystaan heerar socod iyo baaskiil wadasho ah marka lala bar-bardhigo iskuulada dhigta wax ka yar 50% oo ardayda midabka leh

Socodka joogtada ah ee lagu aado iskuulka wuxuu leeyahay dheefo caafimaad joogto ah wuxuuna yarayn karaa khatarta buurnaanta dhallinyarada ku dhacda midaas oo lala xiriiriyo:

  • Cudurka wadnaha
  • Sonkorow
  • Kansar
  • Xanuun istaag maskaxda ah

Wax qabadka baddan ee jirka ah sidoo kale wuxuu wanaajinayaa caafimaadka jirka iyo maskaxda iyo guul waxbarasho.

Guudmar

Happy kid on bike with adult helping

Hindisaha Caddaaladda Bulshada iyo Jinsiyada ee Seattle (RSJI) waa dedaal ka jira magaalada oo dhan oo lagu joojinayo mida-takoorka hay'adeed iyo kala duwanaanshaha ku saleysan jinsiyada ee ka jira Dowladda hoose. Qalabka-iswata ee Sinnaanta Jinsiyada (RET) wuxuu dejinayaa geeddi-socod rasmi ah iyo su'aalo is-wata si loo hago horumarinta, hirgelinta, iyo qiimeynta siyaasadaha, hindiseyaasha, barnaamijyada, iyo arrimaha miisaaniyadda si wax looga qabto saameynta ay ku leeyihiin sinnaanta jinsiyadaha.

Waddooyinka Ammaanka ah ee Lagu Tago Dugsiyada (SRTS) waa dhaqdhaqaaq qaran, degaan, iyo gobol si loogu fududeeyo ama ammaan loogu dhigo ardayda in ay u lugeeyaan iyo in ay baaskiil u raacaan dugsiyada oo ayna kaga soo noqdaan. Waaxda Gaadiidka Seattle waxay adeegsataa istiraatiijiyado isku-dhaf ah si ay ugu guuleysato yoolkan:

  • Waxbarasho: hubinta in qof kastaa uu barto sida ammaanka ah ee loo socdaalo.
  • Dhiirragelin: ku boorrinta ama ku dhiirigelinta bulshada dugsiyada socodka iyo baaskiil wadashada.
  • Injineernimo: mashruucyo wax dhisid sida in lagu dhiso waddada dhinaceeda meelo lagu socdo oo cusub, meelo laga gudbo oo ammaan ah, iyo waddooyin horumarsan oo baaskiilada lagu wato.
  • Fullin: in iskaashi lala galo Waaxda Booliska Seattle si loo fulliyo sharciyada ammaanka waddooyinka.
  • Qiimeyn: in lala socodo horumarka ku aadan yoolalka ammaanka ee aynu wadaagno.
  • Xoojin: in la siiyo khayraad horyaallada dugsiyada.

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.