This content has been professionally translated in other languages.
Este contenido ha sido traducido profesionalmente a otros idiomas.
此內容已被專業翻譯成其他語言。
Nội dung này đã được dịch chuyên nghiệp sang các ngôn ngữ khác.
Qoraalkan waxaa si xirfad leh loogu turjumay luqado kale.
Ang nilalamang ito ay propesyonal na isinalin sa ibang mga wika.
이 콘텐츠는 전문적으로 다른 언어로 번역되었습니다.
ይህ ይዘት በሙያዊ በሌሎች ቋንቋዎች ተተርጉሟል።
U bood qayb:
- Barnaamijyada tababarka
- Waaxyaha la xiriira
- Ururada taageera ganacsiga
- Ururada gaarka u ah nooc-ganacsi
- Khayraadka kale
- Business Impact Northwest: Business Impact Northwest waxay bixisaa tababar, fasallo, iyo raasamaalka aad u baahan tahay si aad si guul leh ugu bilowdo una koriso ganacsigaaga.
- Communities Rise: Communities Rise waxay la shaqeysaa ururada, ganacsiyada yaryar, iyo bulshooyinka ku yaalla gobolka Washington ee ay saameeyeen dulmiga nidaamsan si loo kordhiyo awoodda loona dhiso xoog. Communities Rise waxay bixisaa taageero iyada oo loo marayo waxbarashada asxaabta, tababarka, adeegyada sharciga, iyo tababarka.
- Bulshada Itoobiyaanka ee Seattle: Bulshada Itoobiyaanka ee Seattle waxay u heellan tahay inay u adeegto oo awoodsiiso bulshada kala duwan ee Seattle iyada oo loo marayo barnaamijyo kala duwan oo muhiim ah. Waxay bixiyaan adeegyo iyo taageero caafimaad oo loogu talagalay waayeelka si kor loogu qaado fayoqabkooda, agab waxbarasho oo dhiirrigeliya guusha waxbarashada iyo ilaalinta hidaha dhaqanka, kaalmo dhinaca guriyeynta ah si loo xoojiyo xasilloonida, iyo taageero ganacsi iyo wadaagista kheyraadka si loo dhiirrigeliyo hal-abuurka ganacsiga. Intaa waxaa dheer, adeegyadooda bulshada waxay wax ka qabtaan baahiyaha ballaaran, iyagoo ka caawinaya shakhsiyaadka iyo qoysaska inay fahmaan caqabadaha oo ay horumaraan.
- Food Innovation Network: Hadafka Food Innovation Network waa in kor loo qaado nidaamka cuntada ee maxalliga ah, la kordhiyo helitaanka cunto caafimaad leh, la abuuro waddooyin guul, iyo in la taageero wadaagga khayraadka iyo fikradaha ee ka qaybgelinaya bulshooyinka kala duwan ee SeaTac/Tukwila iyo Koonfurta King County. Iyada oo loo marayo tababarka ganacsiga iyo shabakadda asxaabta, ganacsatada waxaa lagu taageeraa helitaanka rukhsadaha, waxaa loo fidiyaa kirada jikada oo la kabo, waxaana la siiyaa xiriirro lala yeesho kanaalada suuqa sida fursadaha cunto-karinta.
- Greater Seattle SCORE: Haddii aad hadda bilaabayso, aad ganacsi ku jirto, ama aad diyaar u tahay inaad iibiso ama hawlgab noqoto, waxaad ka heli kartaa talo ganacsi oo bilaash ah, qarsoodi ah oo ka imaanaysa SCORE la-taliyayaal khubaro ah oo ay ka go'antahay inay kaa caawiyaan inaad ku guulaysato. Dhammaan tababarka ganacsiga yar waa bilaash, oo ay ku jiraan boqollaal aqoon-is-weydaarsiyo is-dhexgal ah iyo nadwooyin khadka ku baxa oy hoggaamiyaan khubarada ganacsiga.
- Resource Amplification Management Program (RAMP-Up): Dugsiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Albers ee Jaamacadda Seattle Resource Amplification Management Program (RAMP-Up) waxay isku daraan aqoonta ganacsiga, khayraadka xarunta, iyo ka-qaybgelinta bulshada. Barnaamijku wuxuu isku xiraa ardayda iyo la-taliyeyaasha ganacsiga ganacsiyada maxalliga ah ee aan helin adeegyo ku filan ee ku yaal Central Area ee Seattle, isagoo siiya taageero muddo dheer ah si ay ugu guulaystaan isbeddellada ka socda deegaanka magaalada. RAMP-Up waxay bixisaa tababar, qorshayn, iyo gargaar farsamo, si loo taageero ganacsiyada maxalliga ah iyadoo la ilaalinayo dabeecadda kala duwan ee aagga.
- Small Business Development Center: Small Business Development Center ee Washington waa shabakad ka kooban in ka badan 30 la-taliye ganacsi oo khubaro ah oo ka shaqeeya bulshooyinka guud ahaan gobolka si ay uga caawiyaan ganacsatada ama milkiilayaasha ganacsiga yar inay bilaabaan, koriyaan, iibsadaan, ama iibiyaan ganacsi.
- Tabor 100: Tabor 100 waa urur ka kooban ganacsato iyo u-doodayaal ganacsi oo ku heellan awoodda dhaqaale, heerka sare ee waxbarashada, iyo sinnaanta bulsheed ee dadka Afrikaanka ah ee Maraykanka iyo bulshada guud ahaan.
- University of Washington Consulting and Business Development Center: Xarunta La-talinta iyo Horumarinta Ganacsiga ee UW waxay kobcisaa koritaanka dakhliga ganacsiga iyo abuurista shaqooyinka iyada oo loo marayo kooxaha la-talinta ardayda iyo koorsooyinka waxbarashada ganacsiga ee ay hoggaaminayaan macallimiinta. Iyada oo diiradda la saarayo ganacsiyada ay leeyihiin Dadka laga tirada badan yahay, haweenka, bulshada LGBTQ+, halyeeyada, iyo kuwa ku nool bulshooyinka aan helin adeegga ku filan, Xaruntu waxay bixisaa barnaamijyo la-talin oo u dhexeeya hal toddobaad ilaa toddoba bilood. Inta lagu jiro barnaamijyadan, ardayda iyo la-taliyayaasha xirfadleyda ah waxay si dhow ula shaqeeyaan milkiilayaasha ganacsiga mashaariicda kor u qaada faa'iidada oo kiciya koritaan cusub.
- Urban Impact: Urban Impact waxay ganacsatada maxalliga ah siisaa fursado isku-xir, tababar, iyo maalgashi iyadoo bixinaysa barnaamij xooggan oo loogu talagalay in fikradaha lagu keeno bilowga iyada oo loo marayo tababarka qorshaha ganacsiga iyo helitaanka fursadaha amaahda yar. Adeegyada Urban Impact waxay sidoo kale bixiyaan la-talin, gargaar farsamo, gudbinno, iyo helitaanka raasamaal ganacsiyada jira. Iyagoo iskaashi la leh Seattle Pacific University, waxay siiyaan ganacsatada fursad ay ku horumariyaan una soo bandhigaan fikradahooda si ay u helaan maalgelinta bilowga ganacsiga (startup capital), iyagoo ka qaybgalaya munaasabad lagu soo bandhigo hindisayaasha ganacsi ee bulshada (social venture pitch event).
- Urban League of Metropolitan Seattle Entrepreneurship Community and Cultural Office: Xafiiska Bulshada Ganacsiga iyo Dhaqanka wuxuu bixiyaa tababar ganacsi iyo maaliyadda ganacsiga, iyo sidoo kale meel bilaash ah iyo teknoolajiyad loogu talagalay milkiilayaasha ganacsiga yar. Intaa waxaa dheer, waxay martigeliyaan habeenno iskuxir, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo miisaska niqaashka ee ganacsiga yar.
- Ventures: Ventures waxay bixisaa helitaanka tababarka ganacsiga, raasamaal, tababar, iyo fursado waxbarasho oo gacanta lagu qabto ganacsatada leh khayraad xaddidan iyo awood aan xad lahayn.
- Laanta Adeegga Macmiisha:
- "Find It, Fix It" waa barnaamij casri ah (app) oo siiya isticmaaleyaasha moobilka hal dariiqo oo kale oo ay ugu soo sheegaan arrimaha la xushay Magaalada Seattle. Iyada oo la adeegsanayo Find It, Fix It, ka warbixinta arrin waa mid fudud sida sawir qaadista taleefankaaga casriga ah, ku darista macluumaad faahfaahsan, iyo gujinta gudbinta. Muuqaalka khariidadda ee "jiid oo rid" (drag and drop) ama tiknoolajiyadda taleefanka laftiisa ayaa loo isticmaali karaa in lagu tilmaamo goobta.
- Hagaha Macluumaadka Macmiilka wuxuu bixiyaa macluumaad guud iyo xogta lagala xiriiro adeegyo badan oo laga bixiyo guud ahaan Magaalada Seattle. Waxaa ka mid ah macluumaad ku saabsan saraakiisha la doortay, adeegyada 24-ka saac la heli karo, adeegyada carruurta iyo dhallinyarada, kheyraadka ganacsiga, adeegyada xoolaha, macluumaadka shaqada, rukhsadaha, saldhigyada booliiska, canshuuraha iyo qiimeynta hantida, iyo adeegyo kale oo badan.
- Hagaha Dadka ku Cusub Seattle wuxuu bixiyaa macluumaad guud oo ku saabsan kheyraadka guuritaanka, adeegyada guud, gaadiidka dadweynaha, kheyraadka waxbarashada, kheyraadka shaqada, sida la iskaga diiwaangeliyo doorashooyinka Washington, sida loo helo shatiga darawalka ee gobolka Washington, sida loo noqdo degane Washington, macluumaadka bulshada, iyo siyaado.
- Waaxda Waxbarashada Iyo Waxbarashada Xilliga Hore Ee Caruurnimada:
- Kheyraadka waalidiinta ama daryeelayaasha si ay u helaan dugsi preschool ah, daryeelka carruurta, iyo fursado kale oo kobcin ah oo loogu talagalay carruurtooda.
- Ka hel fursado maalgelin oo kala duwan dugsiyada laga bilaabo dugsiga xannaanada iyo waxbarashada hore ilaa dugsiga K-12.
- Waaxda Xaafadaha (Department of Neighborhoods):
- The Neighborhood Matching Fund wuxuu bixiyaa lacag u dhiganta horumarinta xaafadda, abaabulka, ama mashaariicda ay soo saareen ayna fuliyeen xubnaha bulshadu. Kooxaha xaafadaha, ururrada bulshada, kooxaha aan rasmiga ahayn, iyo kooxaha ganacsiga ee doonaya inay hirgeliyaan mashruuc lagu xoojinayo xiriirka iyo wadajirka bulshada waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay codsadaan. Waxaa jira laba nooc oo lacag ah: Small Sparks Funds (ilaa $5,000) iyo Community Partnership Funds (ilaa $25,000).
- Barnaamijka Filimada: Dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay filim guuleysta oo laga sameeyo Seattle waxaa laga heli karaa Buugga Filimada. Tan waxaa ka mid ah macluumaad ku saabsan caymiska, boos celinta baabuurta la dhigto, isticmaalka jardiinooyinka, shaqaaleysiinta booliiska, isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone), iyo waxyaabo kale oo badan.
- Xafiiska Farshaxanka iyo Dhaqanka:
- Fursadaha shaqo ee fanaaniinta: Hel ama soo dhig shaqo farshaxan ah, arag shaqooyinka hadda u furan fanaaniinta soo koraya, kuwa dhexe, iyo kuwa la aqoonsan yahay, iyo sidoo kale ururada.
- Barnaamijyada Hal-abuurka Dhalinyarada: Xafiisku wuxuu maalgeliyaa fanaaniinta wax bara, barayaasha, iyo ururada ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa dhaqan hal-abuur leh oo dhalinyaro ah oo firfircoon. Waxay tan ku sameeyaan iyagoo maalgelinaya Barnaamijyada Hal-abuurka Dhalinyarada, horumarinta xirfadeed, iskaashiga dhaqanka, dadaallada waxbarashada dadweynaha, iyo fursado kale. Waxay sidoo kale taageeraan waxbarashada farshaxanka iyo dhaqanka iyo munaasabadaha dhalinyarada magaalada.
- BCultural Space Program: Barnaamijka Goobaha Dhaqanka: Barnaamijkani wuxuu ujeeddadiisu tahay inuu ilaaliyo, abuuro, oo dhaqaajiyo goobaha loogu talagalay dhaqanka iyo farshaxanka ee Magaalada Seattle; inuu la shaqeeyo fannaaniinta iyo ururrada farshaxanka si loo xoojiyo doorkooda ku aaddan qorsheynta mustaqbalka goobahooda hal-abuurka; iyo inuu la shaqeeyo horumariyeyaasha iyo dhiseyaasha si farshaxanka iyo dhaqanka loogu daro mashaariicda cusub.
- Deeqaha: Maalgashiga ARTS ee ururada dhaqanka iyo fanaaniinta gaarka ah ayaa ka dhigaya bulshada Seattle mid firfircoon. Barnaamijyada deeqaha waxaa ka mid ah fursadaha maalgelinta, dadaallada iyo tababarka loogu talagalay ururada, fanaaniinta gaarka ah, barnaamijyada farshaxanka dhalinyarada, iyo kooxaha xaafadaha iyo bulshada.
- Xafiiska Xaquuqaha Shibilka:
- Wacyigelinta iyo ka-qaybgalka:
- Tababarrada ka hortagga takoorka ee ganacsiyada yaryar
- U-sinnaashaha qandaraasyada
- Kaalmada Farsamo ee Shaqo-siinta Caddaaladda ah
- Bixinta adeegyo loo siman yahay macaamiisha (sharciyada caawinta dadweynaha, ADA, xeerka musqulaha ee dhammaan jinsiyadaha, iwm.)
- Xafiiska Xeerarka Shaqaalaha: Xafiiska Xeerarka Shaqaalaha wuxuu bixiyaa kheyraad kala duwan si uu u caawiyo loo-shaqeeyayaasha inay u hoggaansamaan sharciyada shaqada ee Seattle, oo ay ku jiraan kaalmo farsamo oo bilaash ah, tababbarro, turjumaado, iyo in ka badan. Si loo helo kaalmo u hoggaansanaan iyo/ama loo helo tababbar, loo-shaqeeyayaashu waxay wici karaan (206) 256-5297, iimayl u diri karaan laborstandards@seattle.gov, ama u diri karaan farriin iyagoo adeegsanaya foomkooda khadka tooska ah.
- Tababbar iyo waxbarasho
- Kaalmo farsamo
- Tababbar iyo bandhigyo goobta ah ama khadka lagu bixiyo
- Nadwooyinka khadka ee xeerarka shaqada oo toos ah iyo kuwa la duubay
- Kheyraadka lagu caawiyo u-hoggaansanaanta
- Warqadaha xaqiiqooyinka Xeerarka Shaqada boodhadhka goobta shaqada ee hadda, su'aalaha inta badan la isweydiiyo, iyo kheyraad kale
- Foomam tusaale ah ee sharci-raaca loo-shaqeeyaha
- Hagaha loo-shaqeeyaha iyo liiska hubinta ee Baaritaanka Xeerarka Shaqada
- Hagaha loo-shaqeeyaha ee shuruudaha diiwaan haynta
- Nidaamka khariidaynta ee loo isticmaalo in lagu muujiyo xuduudaha magaalada Seattle
- Liiska hubinta ee Waqtiga Jirrada iyo Badbaadada ee Lacageysan
- Dukumentiga kala-soocidda shaqaalaha (Shaqaale ama qandaraasle madax-bannaan)
- Seattle City Light:
- Xalalka tamarta ee ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah: Seattle City Light waxay leedahay khubaro ka jawaabi kara su'aalaha ku saabsan akoonkaaga oo soo jeedin kara ikhtiyaarrada tamarta ee si fiican ugu shaqeeya ganacsigaaga. Adeegyada Seattle City Light waxay isticmaalaan koronto la awoodi karo, nadiif ah oo leh saameyn eber ah oo ku aaddan deegaanka.
- Su'aalaha dhismaha iyo adeegyada injineernimada korontada: Marka mashaariicda dhismaha ama dib-u-fiilaynta ay u baahan yihiin adeeg koronto oo cusub ama la ballaariyey, Seattle City Light waxay halkan u joogtaa inay caawiso. Khubaradoodu waxay u heellan yihiin inay kaa caawiyaan inaad mashruucaaga ku dhammaystirto waqtigii loogu talagalay iyo miisaaniyadda.
- Waaxda Dhismaha Iyo Baaritaanada ee Seattle: Shaqaalaha SDCI waxay ka jawaabi karaan su'aalahaaga guud ama kuwa gaarka ah waxayna kugula talin karaan baahiyahaaga mashruuc ee gaarka ah iyagoo adeegsanaya tababarid toos ah oo khadka tooska ah.
- Seattle Public Utilities:
- Kooxda xiritaanka xayrta, saliidaha, iyo dufanka adag: Maqaayadaha iyo jikooyinka ganacsiga ee laga helo dugsiyada, hoteellada, iyo isbitaallada waxay abuuraan qashin badan oo ah xayr, saliid, iyo dufan adag (FOG) oo ka yimaada wax-karinta iyo nadiifinta. Ganacsiyada yaryar sida meelaha qaxwaha, biibitooyinka, iyo meelaha pizza-da ayaa sidoo kale soo saari kara FOG.
- Kheyraadka FOG ee ganacsiyada waxaa ka mid ah: diiwaannada dayactirka qalabka ka hortagga dufanka (FOG pretreatment devices), hababka ugu wanaagsan ee maareynta (Best Management Practices – BMPs), bixiyeyaasha adeegyada FOG, tilmaamaha maaraynta dufanka ee maqaayadaha, iyo su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan dufanka (Grease FAQs).
- Barnaamijka dib-u-warshadaynta iyo samaynta compost-ka: Ganacsigaaga waxaa loo heli karaa agab iyo kheyraad kaa caawinaya inaad yareyso qashinka isla markaana dhimto kharashaadka lagu bixiyo ururinta qashinka. La xiriir SPU Barnaamijkeeda Ganacsiga Cagaaran si aad u codsato boodhadh bilaash ah, calaamado, iyo haamaha yaryar ee qashinka gudaha.
- Development Services Office: Xafiiska Adeegyada Horumarinta wuxuu caawiyaa oo tababaraa dhisayaasha iyo mulkiilayaasha guryaha ee raadinaya inay helaan adeegyo cusub oo biyo ah gudaha aagga adeegga ee Seattle Public Utilities. Waxay hubiyaan in mashaariicda cusub ee goobaha dadweynaha ay buuxiyaan xeerarka waajibka ah. Waxay sidoo kale iskaashi la leeyihiin Waaxda Gaadiidka ee Seattle si ay u eegaan una ansixiyaan rukhsadaha isticmaalka waddooyinka ee la xiriira biyo-mareennada roobka, bulaacadaha, iyo fidinta dhuumaha waaweyn ee biyaha.
- Barnaamijyada maaraynta biyaha roobka (Stormwater Programs): Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto lacag ka dhimista khidmadda biyo-mareennada haddii nidaamkaaga gaarka ahi yareeyo qulqulka biyaha roobka ama uu gacan ka geysto nadiifinta biyaha ka hor inta aysan gelin nidaamka biyo-mareennada roobka ee magaalada, durdurrada, harooyinka, ama Puget Sound. Haddii ganacsigaagu uu ku yaallo aagga loo qoondeeyay qulqulka biyaha wasakhda ah, waxa laga yaabaa inaad u qalanto Lacag dib ugu celin si aad u qabsato qandaraasle RainWise ah oo tababaran si uu u rakibo beer roob ama haan biyood. Hubi haddii hantidaadu u qalanto, hel qandaraasle, oo ku codso khadka.
- Barnaamijka ilaalinta biyaha: Biyaha oo la tashiilo waa wax u wanaagsan ganacsiga iyo deegaanka. Ganacsigaagu wuxuu si fudud u dhimi karaa isticmaalka biyaha oo uu hoos u dhigi karaa kharashka adeegyada 20 – 30% iyadoo la beddelayo qalabka aan waxtarka lahayn iyo beddelidda hawlgallada. Tashiilidda biyaha ma aha oo kaliya inay u wanaagsan tahay faa'iidadaada, waxay sidoo kale leedahay faa'iidooyin deegaan maadaama biyaha saafiga ah ay yihiin kheyraad xaddidan.
- Saving Water Partnership: Hel Lacag dib ugu celin iyo caawimaad adigoo adeegsanaya kooxdan adeegyada maxalliga ah ee wada shaqeeya si ay u bixiyaan barnaamijyada ilaalinta biyaha ee Seattle iyo King County.
- Barnaamijka Ganacsiga Cagaaran ee EnviroStars: Barnaamijka EnviroStars waa kheyraad hal-meel laga wada-hel ah oo loogu talagalay ganacsiyada Washington ee doonaya inay ilaaliyaan deegaanka iyo caafimaadka dadweynaha. Waxay mideysaa barnaamijyada ganacsiga cagaaran ee ay maamulaan 16 hay'adood, waxayna taageertaa dadaallo ay ka mid yihiin kaydinta tamarta iyo biyaha, ka hortagga wasakheynta, iyo dhimista qashinka, kiimikooyinka sunta ah, iyo qiiqa gaasaska aqalka dhirta lagu koriyo. Barnaamijka waxaa taakuleeya Seattle Public Utilities, Seattle City Light, iyo Seattle Office of Economic Development.
- Kooxda xiritaanka xayrta, saliidaha, iyo dufanka adag: Maqaayadaha iyo jikooyinka ganacsiga ee laga helo dugsiyada, hoteellada, iyo isbitaallada waxay abuuraan qashin badan oo ah xayr, saliid, iyo dufan adag (FOG) oo ka yimaada wax-karinta iyo nadiifinta. Ganacsiyada yaryar sida meelaha qaxwaha, biibitooyinka, iyo meelaha pizza-da ayaa sidoo kale soo saari kara FOG.
- Special Events Office: Bog-khadkaMunaasabadaha Gaarka ah wuxuu bixiyaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan waxa loo arko munaasabad gaar ah iyo goorta loo baahan yahay Rukhsadda Munaasabadda Gaarka ah. Bog-khadku wuxuu sidoo kale qeexayaa habka rukhsad-siinta munaasabadda gaarka ah iyo tilmaamaha codsiga wuxuuna ku darayaa macluumaad ku saabsan rukhsadaha kale ee la xiriira ee laga yaabo in looga baahdo hawlaha munaasabadda qaarkood.
- Tababbar iyo waxbarasho
- Wacyigelinta iyo ka-qaybgalka:
- Degmooyinka ganacsiga Seattle: Degmooyinka ganacsiga Seattle waxay bixiyaan siyaabo kala duwan oo lagu sahamiyo kala-duwanaanshaha Seattle ay ka koobantahay. Xaafad kastaa waa mid gaar ah oo hodan ku ah dhaqan iyo noocyo kala duwan oo ganacsiyo ah. Barashada degmooyinka ganacsiga yaryar ee kala duwan ee magaalada oo dhan waxay bixisaa fursad lagu fahmo deegaanka, dadka, iyo dhaqanka meesha aad go'aansan karto inaad ganacsi ka bilowdo.
- Business Improvement Areas (BIA): Aagagga Horumarinta Ganacsiga waa habab maalgelin oo loogu talagalay dib-u-soo-noolaynta degmada ganacsiga iyo maareeynta. Daneeyayaasha maxalliga ah ayaa kormeera oo maalgeliya dayactirka, horumarinta, iyo kor u qaadista degmadooda ganacsiga. BIA-yada waxaa si maxalli ah u hindisa, u naqshadeeya, una maamula kuwa qarash-bixinaya qiimeynta. Qof kasta oo degmada ku sugan waxaa looga baahan yahay inuu bixiyo qaybtiisa caddaaladda ah. BIA kasta waxaa maamula guddiga la-talinta ee bixiyeyaasha qiimaha. Magaaladu waxay ururisaa qiimeynta iyadoo matalaysa BIA waxayna dib u celisaa kharashyada billaha ah.
- Hadda, waxaa jira kow iyo toban BIA ah oo la aasaasay oo ku yaalla Magaalada Seattle: 15th Ave in Capitol Hill, Ballard, Broadway, Chinatown-International District, Columbia City, Downtown Metropolitan Improvement District, Pioneer Square, Seattle Tourism Improvement Area, SODO, University District, iyo West Seattle Junction.
- Visit Seattle: Visit Seattle waa hay'ad gaar loo leeyahay oo aan faa'iido doon ahayn oo u adeegta sidii ururka rasmiga ah ee suuq-geynta goobaha ee Seattle iyo King County, taas oo kor u qaadaysa fursadaha shaqo iyo barwaaqada dhaqaale ee gobolka. Visit Seattle waa urur ku shaqeeya nidaamka xubinnimada, kaas oo isku xira in ka badan 750 ganacsi oo maxalli ah iyo badeecadahooda iyo adeegyadooda suuqa faa'iidada badan ee booqdayaasha. Visit Seattle waxay sidoo kale bixisaa munaasabado horumarin xirfadeed, hanuunin, iyo noocyo kala duwan oo nidaamyada isku xirka ah sanadka oo dhan.
Ururada gaarka u ah nooc-ganacsi
- Good Business Network of Washington: Shabakadda Ganacsiga Wanaagsan ee Washington waa isbahaysi ka kooban dadka deegaanka, ganacsiyada maxalliga ah, ururada aan faa'iido doonka ahayn, iyo hay'adaha magaalada. Seattle Good Business Network waxay isku xirtaa oo dhiirrigelisaa dadka inay wax ka iibsadaan, wax ka soo saaraan, isla markaana maalgashadaan ganacsiyada maxalliga ah, si qof walba uu qayb macno leh ugu yeesho dhaqaalaha deegaanka. Ururku wuxuu leeyahay barnaamijyo kala duwan oo loogu talagalay dhammaan waxyaabaha maxalliga ah oo ay ku jiraan Seattle Made iyo Good Food Economy.
- Life Science Washington: Life Science Washington waa urur ku salaysan xubinnimo oo isku xira taageerana xubnahooda iyo la-hawlgalayaashooda hal-abuurka cilmiga seyniska nolosha, abuurista shaqo, iyo firfircoonida nidaamka deegaanka ee gobolka Washington iyada oo loo marayo ka-qaybgal, iskaashi, kor-u-qaadista, iyo u-doodista.
- Manufacturing Industrial Council (MIC): Golaha Warshadaha Wax-soo-saarka waa urur ku salaysan xubinnimo oo ay ku jiraan ganacsiyo waaweyn iyo kuwo yaryar oo ka tirsan dhammaan qaybaha ganacsiyada. MIC wuxuu bixiyaa cod saameyn leh oo matalaya dhaqaalaha ganacsiyada ee kobcaya si loo ilaaliyo dhulalka warshadaha iyo ganacsiyada badda iyo wax-soo-saarka ee halkaas ka shaqeeya.
- Washington Brewers Guild: Washington Brewers Guild: waa urur aan faa'iido doon ahayn oo u heellan ilaalinta iyo kor u qaadista danaha soo-saareyaasha farsamada khamrada, iyo sidoo kale xoojinta bulshada soo-saareyaasha farsamada khamriga ee Washington. Waxay mideeyaan warshadaha biirka ee gobolka oo dhan si ay ugu ololeeyaan sharciyo iyo siyaasado taageeraya sii kobcitaanka warshadaha biirka farsamada gacanta (craft beer), isla markaana u xaqiijiya dadka jecel biirka ee Washington tayada iyo fursado badan oo kala doorasho ah.
- Washington Global Health Alliance: Isbahaysiga Caafimaadka Caalamiga ah ee Washington waa urur ku salaysan xubinnimo oo isku xira wargeliyana bulshada caafimaadka caalamiga ah ee Washington. Waxay yihiin ilo loogu talagalay wararka caafimaadka caalamiga ah, munaasabadaha, iyo shaqooyinka Washington.
- Washington Hospitality Association: Ururka Soo-dhaweynta Washington waa kooxda ganacsiga soo-dhaweynta ee ugu horreeya gobolka, oo matalaya in ka badan 6,000 oo xubnood oo ka tirsan ganacsiyada huteellada, makhaayadaha, iyo soo-dhaweynta. Seattle Restaurant Alliance waa laantooda maxalliga ah, oo diiradda saaraysa ganacsiga makhaayadaha Seattle. Kulamada billaha ah ayaa loo qabtaa milkiilayaasha makhaayadaha Seattle.
- Washington Retail Association (WRA): Ururka Tafaariiqda Washington waa ururka ugu weyn ee gobolka oo si gaar ah loogu talagalay u-doodista danaha gaarka ah ee tafaariiqleyda ee arrimaha sharci dejinta iyo xeerarka. Ururka Tafaariiqleyda Washington (WRA) wuxuu matalaa in ka badan 3,500 ganacsi oo tafaariiq ah oo ku yaal guud ahaan gobolka, kuwaas oo u dhexeeya shirkado waaweyn oo qaran ilaa dukaamada yaryar ee madaxbannaan. Wuxuu sidoo kale ilaaliyaa iskaashi badan oo uu la leeyahay ururro iyo rugo ganacsi oo ay isku aragti yihiin oo ku kala yaal gobolka iyo dalka oo dhan.
- Washington State Food Truck Association: Ururka Gawaarida Cunnada ee Gobolka Washington waa urur adeegga xubnaha oo u dooda xubnahooda gawaarida cunnada si ay uga caawiyaan inay guuleystaan. Ururku wuxuu u adeegaa sidii xarun dhexe oo kheyraad ah si loo bilaabo loona maamulo ganacsiga gaariga cunnada si guul leh. Tan waxaa ka mid ah kheyraadka iibinta, ilaha suuq-geynta ee munaasabadaha iyo cunnada, iyo bixinta wararka cusub ee xeerarka heer gobol iyo heer degmo iyo sidoo kale u ololeyn iyo u doodid firfircoon.
- Washington Technology Industry Association: Ururka Warshadaha Teknolojiyadda ee Washington waa isbahaysi saameyn leh oo ka kooban 1,100 shirkadood oo teknoolaji ah, kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba. Waxay mideeyaan awoodda shirkadaha xubnaha ka ah si ay uga caawiyaan loo-shaqeeyayaasha inay dhisaan nidaamyo xooggan oo shaqaale, ka caawiyaan ganacsiyada inay koraan oo ballaariyaan, u doodaan, wax ka qabtaan caqabadaha nidaamsan, oo ay xaqiijiyaan helitaanka loo siman yahay ee raasumaalka maalgashiga, tababarka, iyo xirfadaha teknoolajiyadda.