Xiridda ganacsiga

Illustration of red food cart with two people smiling and one holding pastry.

This content has been professionally translated in other languages.

Este contenido ha sido traducido profesionalmente a otros idiomas.

此內容已被專業翻譯成其他語言。

Nội dung này đã được dịch chuyên nghiệp sang các ngôn ngữ khác.

Qoraalkan waxaa si xirfad leh loogu turjumay luqado kale.

Ang nilalamang ito ay propesyonal na isinalin sa ibang mga wika.

이 콘텐츠는 전문적으로 다른 언어로 번역되었습니다.

ይህ ይዘት በሙያዊ በሌሎች ቋንቋዎች ተተርጉሟል።

U bood qayb:

  1. Istaraatiijiyadaha ka-bixitaanka ganacsiga
  2. Liiska hubinta ee xiridda ganacsi
  3. Khayraadka dadweynaha ee ka-bixitaanka ganacsigaaga
  4. Wakaaladaha sharciyeynta ee la ogeysiiyo: Magaalada Seattle
  5. Wakaaladaha sharciyeynta ee la ogeysiiyo: degmada, gobolka, iyo federaalka

Istaraatiijiyadaha ka-bixitaanka ganacsiga

  • Waxaa jira dhowr siyaabood oo kala duwan oo aad uga bixi karto ganacsigaaga. Iyadoo ku xiran xaaladdaada, istaraatiijiyaddaadu waxaa laga yaabaa inay ku jirto:
    • In ganacsiga lagu hayo qoyska
    • Abuurista iskaashi ganacsi oo ay shaqaaluhu leeyihiin (worker-owned cooperative) ama qorshe saamiyo lahaansho oo loogu talagalay shaqaalaha
    • Ka iibinta ganacsiga suuqa furan
    • Ka iibinta ganacsiga ganacsi kale (la-wareegis)
    • Isku-dare
    • Xaraashid
    • Xareynta musallifid
  • Istaraatiijiyadda aad doorato ayaa go'aamin doonta tallaabooyinka aad u baahan tahay inaad qaaddo si aad uga baxdo ganacsigaaga.

Liiska hubinta ee xiridda ganacsi

  • Raadso talo qareen: Hubi inaad fahamtay sida loo xiro ganacsigaaga. Tani waxaa ka mid ah xallinta deymaha, qandaraasyada, ogeysiisyada, iyo xeer kasta oo ay tahay inaad raacdo. Ogaanshaha shuruudahan waxay kaa caawin doontaa inaad qorsheysato tallaabooyinkaaga xiga.
  • Ogeysii wakaaladaha sharciyeynta: La xiriir dhammaan wakaaladaha dowladda ee soo saaray rukhsadahaaga iyo liisamadaada si aad u hubiso in akawnnaada la xiro ama loo wareejiyo si sax ah.
    • Federaal
    • Gobolka
    • County (ama degmooyin, haddii aad ka haysato rukhsado badan oo degmooyin kala duwan ah)
    • Magaalada (ama magaalooyin, haddii aad ka haysato liisamada ganacsi oo badan magaalooyin kala duwan)
  • Ogeysii dhinacyada kale ee ay khusayso: La xiriir dadka iyo la-hawlgalayaasha muhiimka ah, adigoo hubinaya bixinta lacagta ama aad u sheegayso sida iyo goorta aad bixin doonto wixii lacag ah ee laguugu leeyahay.
    • Macaamiisha
    • Shaqaalaha
    • Caymis bixiyayaasha
    • Kireeyeyaasha
    • Amaah bixiyayaasha
    • Bixiyayaasha adeegga
    • Iibiyayaasha
  • Xiridda ganacsi oo ay sababtay dhimasho: Wakaaladahan gobolka waxay leeyihiin habraac gaar ah oo ganacsigu raaco marka uu xirmayo dhimasho awgeed:
    • Waaxda Shaqada iyo Warshadaha (LNI)
    • Waaxda Liisamada (DOL)
    • Waaxda Dakhliga: Canshuuraha Adeegyada Liisamada Ganacsiga
    • Employment Security Department (Waaxda Amniga Shaqada)
    • Guddiga Khamriga iyo Xashiishka
    • Xoghayaha Gobolka

Khayraadka dadweynaha ee ka-bixitaanka ganacsigaaga

  • Qalabka Qorsheynta Gudbinta Ganacsiga (Succession Planning Toolkit): Waxaan diyaarinay Qalabka Qorsheynta Gudbinta Ganacsiga, kaas oo ka kooban su'aalaha muhiimka ah iyo macluumaadka ay tahay inaad tixgeliso marka aad diyaarinayso qorshahaaga ka bixitaanka ganacsiga, soo koobid ku saabsan noocyada hay'adaha ganacsiga iyo qorsheynta dhaxalka, iyo xaashi shaqo oo kaa caawinaysa inaad habeyso habraaca xiritaanka ganacsiga.
  • Hagaha Xiridda Ganacsigaaga ee Gobolka Washington: Hagaha Xiridda Ganacsigaaga ee gobolka ayaa bixiya dhowr khayraad oo horumarinta ganacsiga ah, oo ay ku jiraan macluumaad iyo khayraad ku saabsan sida loo xiro ganacsigaaga.
  • Adeegga Dakhliga Gudaha (IRS): IRS waxay haysaa liis khayraad ah oo kaa caawin kara inaad fahamto xiridda ganacsigaaga dhinaca canshuuraha federaalka, iyadoon loo eegin nooca ganacsigaaga, iyo macluumaad kaa caawinaya inaad daryeesho shaqaalahaaga.
  • Maamulka Ganacsiyada Yaryar ee Mareykanka (SBA): SBA waxay kugu xiri kartaa hagitaan maxalli ah si aad u qorsheyso istaraatiijiyaddaada ka-bixitaanka iyo sidoo kale inay bixiso tallaabooyin aad ku xirto ama ku iibiso ganacsigaaga.

Wakaaladaha sharciyeynta ee la ogeysiiyo: Magaalada Seattle

  • Seattle City Light: Ogeysii Waaxda Korontada Seattle haddii aad wax su'aalo ah ka qabto akawnkaaga. Waxaad bilaabi kartaa, joojin kartaa, ama wareejin kartaa akawnkaaga SCL adigoo isticmaalaya foomka khadka tooska ah ama taleefoonka (206) 684-3000.
  • Waaxda Gaadiidka ee Seattle: Haddii aad haysato wax rukhsad ah oo loogu talagalay maqaaxi meel dadweyne, adeegyada dadweynaha, ama dhismayaal la mid ah, u dir iimayl SDOT cinwaanka publicspace@seattle.gov oo u sheeg taariikhaha xiritaanka la filayo, cinwaanka ganacsigaaga, iyo lambarada rukhsadaada. Waxay kugula soo xiriiri doonaan si ay u hubiyaan in biilka rukhsadaadii hore la joojiyay.
  • Waaxda Dab Damiska Seattle: Haddii aad haysato rukhsado sanadle ah oo ka yimid SFD oo aad qorshaynayso inaad xirto ganacsigaaga ama aad hakiso hawlaha, u dir wixii codsi kansalgareyn ah iimaylka permits@seattle.gov.
    • Ku dar macluumaadka soo socda iimaylka:
      • Magaca ganacsiga
      • Lambarka rukhsada ama nooca rukhsada
      • Sababta kansalgareynta
    • Waxaad sidoo kale joojin kartaa rukhsadda adigoo ka jawaabaya ogeysiiska cusboonaysiinta rukhsadda ee ay Waaxda Dab-damiska Seattle (SFD) kuu soo dirto qiyaastii hal bil ka hor inta uusan rukhsaddu dhicin. Keliya calaamadee sanduuqa "Cancel" (Jooji) ee foomka. Waxaad u soo celin kartaa ogeysiiska cusboonaysiinta SFD adigoo isticmaalaya iimayl ama boostada caadiga ah.
  • Maamulka Shatiyada iyo Canshuuraha Seattle: Haddii aadan mar dambe ganacsi ku samaynayn Seattle oo aad u baahan tahay inaad kansasho shahaadada canshuurta shatiga ganacsigaaga, ku wargeli Maamulka Shatiyada iyo Canshuuraha iyada oo loo marayo foomkooda khadka tooska ah. Waxaad sidoo kale u diri kartaa iimayl (tax@seattle.gov) ama u diri kartaa warqad ay ku qoran yihiin macluumaadkan soo socda: magaca, nambarka taleefanka, nambarka macmiilka, magaca sharciga ah ee ganacsiga, iyo taariikhda uu ganacsigu xirmay. Waa inaad fayl-garaysaa (xareysaa) canshuur celintaada ugu dambeysa oo aad bixisaa wixii canshuur ah ee dhiman 10 maalmood gudahood markaad xirto akoonkaaga.
  • Xafiiska Xeerarka Shaqada ee Seattle (Office of Labor Standards)
    • Liiska buuxa ee Xeerarka.
    • Xeerka Haysashada Shaqada ee Shaqaalaha Xashiishka: Haddii ganacsi xashiish uu beddelo milkiilayaal, shaqaaluhu waxay leeyihiin ilaalin si ay uga caawiso inay shaqadooda sii haystaan.
    • Xeerka Waqtiga Jirrada iyo Badbaadada ee Lacageysan (SMC 14.16): Marka ganacsi uu la wareego loo-shaqeeye cusub, shaqaaluhu waxay sii haystaan dhammaan waqtiga jirrada iyo badbaadada ee lacageysan ee ay horay u kasbadeen. Milkiilaha cusub waa inuu raacaa xeerarka waqtiga jirrada iyo badbaadada ee lacageysan isla markiiba. Looma tixgeliyo inay yihiin "loo-shaqeeye cusub" sida sharcigan qabo.
    • Xeerka Haysashada Shaqada ee Shaqaalaha Hoteellada (SMC 14.29):
      • Sharcigu wuxuu waajibiyaa:
        • Milkiilaha hadda (ka baxaya) inuu bixiyo ogeysiis qoraal ah in ganacsigu yeelan doono milkiile cusub.
        • Shan maalmood oo shaqo gudahood ka dib marka la saxiixo waraaqaha wareejinta lahaanshaha, milkiilaha ka baxaya waa inuu ku dhejiyaa ogeysiiska meel ay shaqaalaha iyo dadka shaqo doonka ah ay si fudud u arki karaan.
        • Milkiilaha ka tegaya ganacsiga waa inuu sidoo kale milkiilaha cusub (ee la wareegaya) siiyaa liiska shaqaalaha ay tahay in marka hore loo soo bandhigo fursadaha shaqada.
        • 180-ka maalmood ee ugu horreeya kadib marka ganacsigu dib ugu furmo dadweynaha isagoo hoos yimaada milkiilaha cusub, milkiilaha cusub waa inuu marka hore shaqo u soo bandhigaa dadka ku jira liiskaas ka hor inta uusan shaqaaleysiin qof kale.
  • Seattle Public Utilities: Ku wargeli SPU haddii aad wax su'aalo ah ka qabto adeegyadaada biyaha, bullaacadaha iyo biyaha wasakhda ah, iyo qashinka adag. Waxaad furi kartaa, xiri kartaa, ama u wareejin kartaa akoonnadaada SPU adigoo isticmaalaya foomkooda khadka tooska ah ama adigoo wacaya taleefanka (206) 684-3000.

Wakaaladaha sharciyeynta ee la ogeysiiyo: degmada, gobolka, iyo federaalka

Economic Development

Beto Yarce, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 5752, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 94708, Seattle, WA, 98124-4708
Phone: (206) 684-8090
Fax: (206) 684-0379
oed@seattle.gov

Sign Up for Latest Updates

Subscribe

Our core purpose is leading projects and making investments that open up access to economic opportunities, reduce the racial wealth gap, and encourage innovation and growth.