This content has been professionally translated in other languages.
Este contenido ha sido traducido profesionalmente a otros idiomas.
此內容已被專業翻譯成其他語言。
Nội dung này đã được dịch chuyên nghiệp sang các ngôn ngữ khác.
Qoraalkan waxaa si xirfad leh loogu turjumay luqado kale.
Ang nilalamang ito ay propesyonal na isinalin sa ibang mga wika.
이 콘텐츠는 전문적으로 다른 언어로 번역되었습니다.
ይህ ይዘት በሙያዊ በሌሎች ቋንቋዎች ተተርጉሟል።
Ruqsadaha ganacsiga
- Kaaliyaha shati-siinta ganacsiga: Waxaad heli kartaa hagitaan kuu gaar ah adigoo ka jawaabaya dhowr su’aalood oo ku saabsan ganacsigaaga cusub (tusaale ahaan, makhaayad ku taal Seattle). Hagitaanku wuxuu kuu sheegi doonaa ruqsadaha aad u baahan karto, cidda aad la xiriireyso, iyo foomamka aad buuxinayso si aad u bilowdo ganacsigaaga.
- Ruqsadaha ganacsiga: Qof kasta oo ganacsi ku sameeya Seattle waa inuu haystaa shahaadada canshuurta ruqsadda ganacsiga Seattle (oo sidoo kale loo yaqaan ruqsadda ganacsiga ama ruqsadda ganacsiga guud). Waa inaad shahaadadan cusboonaysiisaa sannad kasta ugu dambayn Diseembar 31. Waxaad ku codsan kartaa oo dib ugu cusboonaysiin kartaa khadka tooska ah adigoo adeegsanaya FileLocal, boosto ahaan, ama qof ahaan.
- Canshuurta ruqsadda ganacsiga (canshuurta B&O): Canshuurta ruqsadda ganacsiga ee Seattle waxay ku salaysan tahay wadarta dakhliga guud ee ganacsigaagu kasbado. Waxa kale oo loo yaqaan cashuurta ganacsiga iyo shaqada (canshuurta B&O) ama cashuurta dakhliga wadarta. Waxaad bixinaysaa canshuurtan keliya haddii aad leedahay dhaqdhaqaaq ganacsi isla markaana dakhligaaga guud ee canshuurta laga qaado (taxable gross revenue) ee sannadka uu yahay $100,000 ama ka badan. Weli waa inaad u soo sheegtaa dakhligaaga guud Magaalada Seattle xitaa haddii uu eber yahay. Canshuurta Shatiga ganacsiga Seattle way ka duwan tahay canshuurta B&O ee gobolka Washington, sidaas darteed waa inaad canshuurahaaga Seattle u xaraysaa si ka gooni ah canshuuraha gobolka.
Canshuuraha
- Canshuurta gelitaanka: Canshuurta gelitaanka waxaa lagu daraa qiimaha tigidhka ama khidmad kale oo ka qaybgalayaashu bixiyaan si ay u galaan goobaha madadaalada ama munaasabadda Seattle.
- Canshuurta baarkinka ganacsiga: Canshuurta baarkinka ganacsiga waxaa lagu daraa khidmadda darawalladu bixiyaan si ay u dhigtaan gawaarida meelaha baarkinka ganacsiga.
- Canshuurta hubka iyo rasaasta: Canshuurta hubka iyo rasaasta waxaa lagu soo rogaa qof kasta oo sameeya iib tafaariiq ah oo hub ama rasaas ah gudaha magaalada Seattle.
- Canshuurta khamaarka: Canshuurta khamaarka waxaa laga bixiyaa dakhliga laga helo noocyadaab bakhtiyaanasiibka ah: bingo, pull-tabs, punch boards, iyo ciyaaraha madadaalada.
- Canshuurta B&O ee Seattle: Canshuurta ganacsiga iyo shaqada ee Seattle (oo loo yaqaan canshuurta B&O ama canshuurta Shatiga ganacsiga) waxaa lagu dabaqaa dakhliga guud ee ay ganacsiyadu helaan.
- Canshuurta Cabbitaanka Lagu Macaaneeyey Sokorta Aan Dabiiciga Aheyn: Canshuurta biyaha lagu macaaneeyey sokorta aan dabiiciga aheyn waxaa lagu dabaqaa qaybinta cabbitaannada lagu macaaneeyey sokorta aan dabiiciga aheyn ee lasoo geliyo Seattle.
- Canshuurta adeegyada dadweynaha: Canshuurta adeegyada waxaa lagu dabaqaa ganacsiyada bixiya adeegyada dadweynaha.
Xeerarka qashinka iyo biyaha ee Seattle Public Utilities
- Xakamaynta Isku-xirnaanta Tuubooyinka iyo Ka-hortagga Dib-u-qulqulka Biyaha: Magaalada Seattle waxay ilaalisaa tayada biyaha la cabbo iyadoo hubisa in biyuhu ay nadiif ahaadaan marka ay maraan tuubooyinka ku dhex jira dhismayaasha. Isku-xir isdhaaf ah waa dhibaato ay walxo waxyeello leh u galaan tuubooyinka biyaha la cabbo. Si taas looga hortago, gobolka Washington iyo Waaxda Biyaha Iyo Bulaacadaha waxay ku waajibiyaan macaamiisha inay rakibaan qalabka ka hortagga dib-u-qulqulka oo ay sannad kasta tijaabiyaan.
- Shuruudaha dib-u-qulqulka waa in la buuxiyaa ka hor inta aan dhismaha la dhammayn, sidaas darteed waxaa ugu wanaagsan in horay loogala xiriiro SPU spu_backflow@seattle.gov.
- Ku rakibidda isku-xirka ka hortagga dib-u-qulqulka waxay u baahan tahay oggolaansho tuubooyin oo ka yimaada King County Public Health.
- Dufan, saliid, iyo xayr: Goob kasta oo maamusha nooc kasta oo cunto ah waa in ay rakibtaa oo ilaalisaa kala-qabiyaha dufanka. Xitaa bixiyeyaasha adeegga cuntada ee yaryar sida meelaha kafeega ee bixiya alaabo caano leh waa inay rakibaan kala-qabiyaha dufanka si ay uga hortagaan in dufan, saliid, iyo xayr ay galaan bullaacadda.
- Shuruudaha baakadaha cuntada, bacaha balaastiga ah, iyo agabka adeegga:
- Mamnuucidda bacaha balaastiga ah: xeerka Seattle wuxuu mamnuucayaa dukaamada raashinka iyo tafaariiqda inay isticmaalaan bacaha balaastiga ah ee khafiifka ah. Dukaamadu waa inay ka qaadaan siddeed senti bac kasta oo warqad weyn ah iyo 12 senti bac kasta oo dib loo isticmaali karo.
- Shuruudaha baakadaha cuntada iyo dhuunta: xeerka Seattle wuxuu mamnuucayaa ganacsiyada adeegga cuntada inay isticmaalaan weelasha cuntada ee xumbada ah, dhuunta balaastiga ah, iyo qaadooyinka balaastiga ah. Baakadeyn la bacrin karo ayaa loo baahan yahay marka lagu cunteynayo gudaha.
- Shuruudaha qashinka cuntada: Xeerka Seattle wuxuu dhigayaa in ganacsiyadu aanay qashinkooda ku darin haraaga cuntada, warqadaha la bacrin karo, iyo qashinka deyrka. Dhammaan cuntada iyo alaabta waraaqaha ah ee cuntadu wasakhaysay, sida tuwaallada waraaqaha ah, suufiyeyaasha waraaqaha ah (paper napkins), iyo kartoonnada, waa in lagu ridaa qashinka compost-ka.
- Shuruudaha dib-u-warshadaynta: Xeerka Seattle wuxuu dhigayaa in ganacsiyadu aysan ku ridin qashinkooda, waxyaalaha dib-u-warshadayn karo. Alaabta dib loo warshadayn karo sida warqad, kartoon nadiif ah, dhalooyin, koobab, weelal, iyo gasacado waa in dib loo warshadeeyaa.
- Shuruudaha biyaha roobka: Waaxda Biyaha Iyo Bulaacadaha waxay kormeertaa ganacsiyada si loo hubiyo in wasakhdu aysan gelin godadka biyaha roobka. Xeerka Maareynta Biyaha Roobka ee Seattle (Seattle Stormwater Code) wuxuu ka rabaa ganacsiyada inay isticmaalaan oo ay dayactiraan hababka xakamaynta ilaha wasakheynta (source controls), oo sidoo kale loo yaqaan hababka ugu wanaagsan ee maareynta (Best Management Practices – BMPs), iyadoo lagu salaynayo hawlaha ka socda goobtooda ganacsi. Hababka maaraynta ugu fiican waa tallaabooyin ka hortaga in biyaha roobku aysan taaban wasakhda. Tusaalooyin waxaa ka mid ah in la daboolo ciidda bannaan si loo hortago nabaadguurka, in haamaha qashinka laga ilaaliyo godadka biyaha roobka, iyo in la haysto qalab lagu xakameeyo daadashada oo diyaar ah.