This content has been professionally translated in other languages.
Este contenido ha sido traducido profesionalmente a otros idiomas.
此內容已被專業翻譯成其他語言。
Nội dung này đã được dịch chuyên nghiệp sang các ngôn ngữ khác.
Qoraalkan waxaa si xirfad leh loogu turjumay luqado kale.
Ang nilalamang ito ay propesyonal na isinalin sa ibang mga wika.
이 콘텐츠는 전문적으로 다른 언어로 번역되었습니다.
ይህ ይዘት በሙያዊ በሌሎች ቋንቋዎች ተተርጉሟል።
King County
- Macluumaadka shati-siinta ganacsiga (waxaa loo baahan yahay oo keliya haddii aad ka dhex shaqaynayso unincorporated King County oo ganacsigaagu uu ka mid yahay hawlaha loo maamulo sida liiska ku qoran)
- Ruqsadaha ganacsiga cuntada
- Kaararka shaqaalaha cuntada
- Ruqsadaha tuubooyinka (rakibidda qalabka ka hortagga qulqulka dib u noqoshada waxay u baahan yihiin ruqsad tuubooyin oo laga helo Caafimaadka Dadweynaha)
- Macluumaadka canshuurta hantida
Xoghayaha Gobolka Washington
- Haddii ganacsigaagu yahay shirkad, iskaashi xaddidan, shirkad leh mas'uuliyad xaddidan, ama iskaashi leh mas'uuliyad xaddidan, waa inaad iska diiwaangelisaa Xoghayaha Gobolka ka hor inta aadan codsan ruqsadahaaga ganacsi.
Waaxda Dakhliga ee Gobolka Washington
- Ruqsadaha ganacsiga (waxaa looga baahan yahay dhammaan ganacsiyada ka shaqeeya gobolka Washington)
- Ruqsadaha dib-u-iibiyaha
- Ruqsadaha gaarka ah (sida tafaariiqleyda sigaarka, badeecada tubaakada, lamasiinka, ama heerarka canshuurta)
- Canshuuraha iyo shuruudaha gobolka
- Canshuurta ganacsiga iyo shaqada ee gobolka (oo sidoo kale loo yaqaan canshuurta B&O)
- Canshuur-Dhaafka B&O ee ganacsiyada yaryar ee Gobolka
- Ceymiska shaqo la'aanta ee gobolka (waxaa loo baahan yahay haddii aad shaqaaleysiiso hal ama in ka badan oo shaqaale ah)
Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee Gobolka Washington (LNI)
- Ceymiska magdhowga shaqaalaha
- Shaqaalaysiinta dhawr-iyo-toban jirrada, dhallinyarada, iyo dadka tababarka qaadanaya
- Taraagyada cuntada iyo buudiyada
Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka ee Gobolka Washington
- Sharciga gobolka Washington wuxuu waajibiyaa in loo-shaqeeyayaashu soo sheeggaan dhammaan shaqaalaha cusub iyo kuwa dib loo shaqaaleysiiyay muddo 20 maalmood gudahood ah laga bilaabo taariikhda ay shaqada bilaabeen. Shaqaale dib loo shaqaaleysiiyay waa qof aan kuu shaqeynin ugu yaraan 60 maalmood oo isku xigta. Waa inaad soo sheegtaa dhammaan shaqaalaha, iyadoon loo eegin da'dooda, Jinsiga, ama saacadaha ay shaqeeyeen.
Waaxda Amniga Shaqada ee Gobolka Washington (Employment Security Department)
- Waaxda Amniga Shaqada (Employment Security Department) ayaa maamusha barnaamijyada caymiska shaqo la’aanta iyo fasaxa qoyska iyo caafimaadka ee lacagta leh ee Gobolka Washington. Waxa kale oo ay bixisaa adeegyo shaqo oo loogu talagalay shaqo-doonka iyo loo-shaqeeyayaasha.
Guddiga Khamaarka ee Gobolka Washington
- Wax kasta oo hawlo khamaar ah oo aad qorshaynayso inaad ku darto ganacsigaaga waxay u baahan yihiin shati si ay uga shaqeeyaan gobolka Washington.
Guddiga Khamriga iyo Xashiishka ee Gobolka Washington
Bakhtiyaanasiibka Washington
- Tigidhada bakhtiyaanasiibka waxaa loo tixgeliyaa badeecad la xakameeyo waxaana iibiya oo nidaamiya Bakhtiyaanasiibka Gobolka Washington iyo wakiilladiisa. Ujeeddada Shatiga Tafaariiqle ee Bakhtiyaanasiibka Gobolka Washington (Washington Lottery Retailer License), sida lagu qeexay RCW 67.70.040(1), waa in Guddiga Bakhtiyaanasiibka (Lottery Commission) la siiyo awoodda iyo oggolaanshaha uu ku shati siin karo tafaariiqleyaasha si ay u iibiyaan ama u qaybiyaan tigidhada bakhtiyaanasiibka.
Adeegga Dakhliga Gudaha (IRS)
- Lambarka Canshuurta Loo-shaqeeyaha
- Noocyada canshuuraha ganacsiga ee federaalka (nooca ganacsiga aad maamusho ayaa go'aamiya canshuuraha ay tahay inaad bixiso iyo sida ay tahay inaad u bixiso)