Hel kormeerrada ugu dambeeya iyo shatiyada
Kormeerka dabka
Dhammaan alaarmiga dabka, nidaamyada rusheeyayaasha, iyo nidaamyada kale ee badbaadada waxay u baahan yihiin kormeerka Waaxda Dab Damiska ee Seattle.
Makhaayadaha leh 100 qof iyo siyaado waxay u baahan yihiin oggolaanshaha isku-imaatinka.
- Goorta la ballansado: 3 toddobaad ka hor
- Qarashka kormeerka: $379 iyo wixii ka badan
Kormeerka korantada
- Goorta la ballansado: Markaad adiga ama qandaraaslahaaga korontadu aad diyaartihiin
- Qarashka kormeerka: Eber
Kormeerka farsamada
- Goorta la ballansado: Marka adiga ama qandaraaslahaaga farsamada aad diyaar tihiin
- Kharashka kormeerka: Eber
Kormeerka tuubooyinka iyo gaaska ee King County
- Goorta la ballansado: Ugu yaraan 24 saacadood ka hor markaad doonayso kormeerka in la sameeyo. Inta badan kormeerada waxa lagu sameeyaa 24 saacadood gudahood, laakiin kormeere ayaa kula soo xidhiidhi doona haddii aysan sameyn karin kormeerka maalinta aad codsatay
- Qarashka Kormeerka: Eber, uu ku jiro kharashka ogolaanshaha
Kormeerka tuubooyinka iyo gaaska
Adeegga cuntada tafaariiqda
1: Ogolaanshaha hawlgalka adeegga cuntada
Haddii aad iibinayso cunto, hel ogolaanshahan ka dib marka Qorshaha Adeegga Cunnada la oggolaado oo dhisidda la sameeyo. Waxaad u baahan doontaa inaad hesho ogolaanshaha hawlgalka ka hor intaadan ballansan Kormeerkaaga ka Horreeya Hawlgelinta.
- Goorta la codsanayo: Codso ugu yaraan 30 maalmood ka hor kormeerkaaga ka horreeya hawlgelinta
- Qarashka oggolaanshaha: $425 - $1,337
Tallaabada 2: Kormeerka kahorreeya hawlgelinta adeegga cuntada
Dhameystir Hagaha Kormeerka Kahorreeya Hawlgalinta ee Kama-dambeystaa (PDF). Hubi warqadda ogolaanshaha Qorshaha Adeegga Cunnada si aad u hubiso inaad raacday tilmaamaha. Hubi inaad dabooshay heerarka Waaxda Caafimaadka. Haddii aad heshay ogolaanshaha tuubooyinka, hubi in kormeerka la sameeyay. Markaad tillaabooyinkan qaaday, waxaad diyaar u tahay inaad ballansato kormeerka kahorreeya hawlgelinta adeeggaaga cuntada.
- Marka la ballansado: Ugu yaraan hal usbuuc ka hor
- Qarashka kormeerka: Ma jiraan kharash dheeraad ah ee kormeerka koowaad. Haddii aadan baas-gareyn kormeerkaaga koowaad, waxay ku kacaysaa $486 dib u eegis, iyadoo waqti dheeri ah ka dib lagu dalaci doono $243 saacaddii
Ogolaanshaha ganacsiga adeegga cuntada
Kormeerka ugu dambeeya ee dhismaha
Marka aad ku guuleysato kormeerrada ogolaanshahaaga kale, iyo marka dhammaan kharashyada oggolaanshahaaga la bixiyo, waxaad heli kartaa Shahaadada Deganaanshaha. Wac Khadka Codsiga Kormeerka ee SDCI (206) 684-8900 si aad u hesho kormeerka ugu dambeeya.
- Marka la ballansado: 1-2 maalmood ka hor
- Qarashka kormeerka: Eber
Hel Shahaadada Deganaanshaha (PDF)
Kormeerka khamriga iyo guddiga xashiishka
Haddii aad iibiso khamro, Guddiga Khamriga iyo Xashiishka ee Gobolka Washington ayaa booqan doona 6 toddobaad gudahooda marka la furo. Waxay kaa caawinayaan inaad fahamto sharciyada khamriga, hubin calaamadaha iyo shatiyada, oo ay hubin doonaan inaad si badbaado leh u shaqaynayso.
Calaamadaha iyo shatiyada waa in la soo bandhigaa oo si bilaash ah ula socdaan shatigaaga khamriga.
Ku-cunteyn bannaanka
Haddii aad ogolaansho u heshay meel bannaan oo lagu cunteeyo, uma baahnid inaad ballan u samaysato kormeer. Waxaad bilaabi kartaa isticmaalka goobta marka la rakibo.
- Goorta la ballasado: Uma baahnid inaad ballansato. Kormeeraha magaalada ayaa ku imaan doona jadwal go'an oo ku salaysan markii aad heshay oggolaanshahaaga
- kharashka Kormeerka: Wax lacag ah ma ahan kormeerka koowaad; $358 saacaddii haddii loo baahdo kormeero dheeraad ah
Ogolaanshaha ku-cunteynta bannaanka
Xayeysii ganacsigaaga
Diyaar ma u tahay inaad furto ganacsigaaga cusub? Waa waqtigii dadka la ogeysiin lahaa arrintaan!
Waa tan sida aad ereyga ugu faafin karto xaafaddaada:
- Salaan ugu tag meheradaha kuu dhow
- La hadal kooxda ganacsiga xaafaddaada. Waxaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan faafinta warka
- La wadaag warka ganacsigaaga kooxaha baraha bulshada ee xaafadda sida Nextdoor ama Facebook
Milkiilayaasha ganacsiga yaryar waxay heli karaan 10 saacadood oo bilaash ah oo caawimo xirfadle ah si ay u sameeyaan qorshe suuqgeyn. Maanta isdiiwaangeli!
Tallaabooyinka kale oo lagu furo ganacsigaaga
Doorashada goobta saxda ah waxay kuu badbaadin doontaa lacag, waqti, iyo madax xanuun. Baro sida meelaha bannaan loo baaro oo looga gorgortamo heshiis kiro.
Naqshadee goobtaada oo hel ogolaansho si aad u dhisto ama u ballaariso ganacsigaaga.
Isku qor helidda tababarka ogolaanshaha
Eeg haddii aad u qalanto Tababarka Ogolaanshaha Goobta Ganacsiga si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo ku saabsan cilmi-baarista goobta, fahamka nooca dayactirka ama cusboonaysiinta loo baahan yahay si loogu isticmaalo goobta ganacsigaaga, iyo caawinta ogolaanshahaaga dhismo.