Jawaabta Cimiladayada

Safarrada baabuurta ama kuwa xamuulka qaada ayaa ah ilaha ugu waaweyn ee wasakhowga iyo isbedelka cimilada Seattle. Inta badan safarradan waxay dhererkoodu ka yar yihiin saddex mayl waxaana lagu isticmaali karaa gaadiidka, baaskiilka ama socodka. Taas macnaheedu waa doorashada safarka ee aad sameyso waxay saameeyn weyn ku yeelan kartaa bey'addeena mustaqbalka. Waaxda Gaadiidka Seattle (SDOT) waxay ka shaqaynaysaa hagaajinta jidadkeena si ay u taageerto doorashooyinka gaadiidka waara. Waxaan rabnaa inay kuu fududaato, ku badbaado, lana awoodi karo inaad doorato siyaabo aad u safarto oo aan waxyeello u geysan meeraha.

SDOT waxay horeyba uga shaqaynaysay sidii ay u fududayn lahayd doorashada tamar yar iyo habab loogu socdaalo Gadiidka la wadaago. Markaad dooranayso inaad ku safarto siyaabo aan wasakhayn, qof kasta oo Seattle jooga wuxuu gacan ka geysan karaa ilaalinta meerahayaga nafteena, qoysaskeena, iyo saaxiibadeena.

Waxaan mar hore isbeddel ku samaynaynay qorshayaashayada, mashaariicdayada, iyo sida aan u naqshadeyno waddooyinkeena. Qaabdhismeedka Jawaabta Cimilada ee Isbeddelka Cimilada (CCRF) waxay tusinaysaa sida aanu uga shaqaynayno inaanu kuugu fududeyno inaad doorato doorashooyin safar oo waara. Iyo wakhtiyada ay tahay inaad kaxayso, waxaanu ka caawinaynaa inaad u badalato baabuurta korantada si sahlan.

Waxaad faahfaahin dheeraad ah ka akhriyi kartaa dulmarka jawaabta cimilada (PDF)

Halka aan xooga saarayno dadaalkeena

Ka wada shaqaynta mustaqbalka cimilada wanaagsan

Waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan u dhimno wasakhowga hawada oo aan uga fogaanno saameeynta ugu xun ee isbeddelka cimilada isla markasna ilaalino bulshooyinka waxyeellada ugu badani soo gaari doonto. Waa inaan sii wadno wada-shaqeynta, annagoo kaashanayna ururada bulshada maxalliga ah iyo kooxdayada Shaqada Sinnaanta Gaadiidka, si loo helo xalalka saxda ah.

Waxaan rabnaa inaan sameyno:

  • Dedeji falalka ilaalinta cimiladayada.
  • La shaqee bulshooyinka si ay fikrado ula yimaadaan.

Ka dhigista safarada gaagaaban kuwo badbaado leh, la awoodi karo oo ka yeela wasakhawga eber

Wasakh badan ee Seattle waxay ka timaadaa safarro gaagaaban oo ka yar 3 mayl. Waxaanu kala shaqaynaynaa bulshooyinka si aanu u abuurno una horumarino jidadkeena iyo barnaamijyadayada si ay u sahlanaato una badbaado badnaato in la doorto socodka, baaskiilka, ama isticmaalka mootooyinka, gaar ahaan masaafooyinkaan gaagaaban.

Waxaan rabnaa inaan sameyno:

  • Ka yeel wadooyinka kuwo u roon socodka, baaskiil wadida, iyo mootada qof walba.
  • Ka caawi dad badan inay isticmaalaan baaskiilka iyo wadaagga mootada korontada qiimo jaban.
  • Sii baarkinno badan baaskiilada, mootooyinka, iyo hababka kale ee gaadiidka.
  • Kala shaqee bulshooyinka si loo abuuro xaafado wasakhdu ku yar tahay.
  • Abuur xarumaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa ee xogta gaadiidka iyo adeegyada.
  • Ka fakar inaad bilawdo barnaamij aad dadka ku kaalmaynayso inay iibsadaan baaskiilada elektaroonigga ah, adigoo ku daraya lacag celintii Gobolka.

Ka dhigista Gaadiidka doorasho sahlan

Gaadiidku waa doorashada ugu waarida badan ee safarrada dheer, wayna ka sii fiicnaan doontaa marka saldhigyo cusub oo tareenno fudud ahi furmaan oo basaska dib loo habeeyo si ay si fiican kuugu adeegaan. Hagaajinta jidka lagu tago basaska, tareenada fudud, iyo Street cars-ka waa qayb weyn oo ka mid ah qorshaheena.

Waxaan rabnaa inaan sameyno:

  • Ka dhig Gaadiidka mid dheereeya oo la isku halleyn karo oo leh laynka Baska kaliya iyo calaamado wanaagsan.
  • Ka caawi la-hawlgalayaashayada Sound Transit inay ballaariyaan tareenka fudud.
  • Ku sii taageer adeeg basas badan oo leh cabbirka gaadiidka Seattle.
  • Dhiirigeli mashaariicda dhisidda ee sahlaysa isticmaalka gaadiidka.

Dhiirigelinta doorashada safarka cimilada-u-roon

Waxaan sii wadi doonaa kobcinta barnaamijyada dhiirigeliya socodka, baaskiilka, iyo isticmaalka gaadiidka. Doorashooyinkani waxay u roon yihiin caafimaadkaaga, waxay waddooyinka ka dhigaan kuwo ammaan ah, taageera dukaamada maxaliga ah, waxay kuu kaydiyaan lacag, waxayna yareeyaan wasakhda.

Waxaan rabnaa inaan sameyno:

  • Ku xidh dad badan barnaamijyadeena safarka.
  • Ka caawi dad badan inay awoodaan Gaadiidka kuna safraan qiimo dhimis iyo ikhtiyaaro lacag bixineed oo cusub.

Hagaajinta qaadidda badeecada

Alaabada raritaankooda iyo u gudbinta habab cimilada u fiican waxay u fiicantahay meeraha iyo ganacsiyada. Waxaan rabnaa inaan la shaqeyno ganacsiyada iyo adeegyada gaarsiinta si aan u helno xalalka ugu fiican.

Waxaan rabnaa inaan sameyno:

  • Ku dhiiri geli cabbirka saxda ah ee baabuurta geynta.
  • Ka dhig mid sahlan oo ka raqiisan isticmaalka fursadaha gaarsiinta ee wasakhda yar.
  • Ku dar goobo badan oo ay ka rartaan Baaburta xamuulka ganacsiyada agtooda.

Kordhi baabuurta korontada ku Shaqeeysa

Safarrada qaar waa inay ahaadaan baabuur ama taraag. Waxaan rabnaa inta ugu badan ee suurta galka ah safarradaan in ay ku jiraan baabuurta korontada. Waxaan tusaale u noqoneynaa baabuurta magaalada waxaanan la shaqeyneynaa kuwa kale anago samaynayna saldhigyada korontada ee lacag bixinta isla markaasna bixinayna dhiirigelin.

Waxaan rabnaa inaan sameyno:

  • Ka caawi dadka inay u beddelaan baabuurta gaarka ah kuwa koronto ku shaqeeya.
  • Ka caawi ganacsiyada inay u beddelaan baabuurtooda kuwa koronto ku shaqeeya.
  • Taageer u beddelashada basaska korontada.
  • Dhammaan baabuurta magaalada ka dhig koronto.

Sideed ku caawin kartaa Seattle inay cagaar ahaato?

  • Ka fakar sidaad u Socdaalayso. Ma socon kartaa, baaskiil ma kaxayn kartaa, ama ma isticmaali kartaa Gaadiid dadweyne intii aad wadi lahayd Gaari? Ka eeg sida aad noola beddeli karto caadooyinka safarkaaga Flip Your Trip.
  • U sheeg qoyskaaga iyo asxaabtaada dhammaan doorashooyinka safarka nadiifka ah ee ay haystaan! Ka dibna, u soo kaxee si ay kuula raacaan!
  • Ku biir wadahadalka ku saabsan sida gaadiidku u saameeyaan isbeddelka cimilada adiga iyo bulshadaada. Boggaan ha ku calaamadaysnaado si aad ula socotid dhacdooyinka cimilada ee SDOT.
  • Tan ugu muhiimsan, ha lumin rajada! Kaligayo ma hagaajin karno isbeddelka cimilada, laakiin safar kastaa waa la xisaabinayaa oo waxaad qayb ka noqon kartaa isbeddelka - hal safar markiiba.

Aan wada qaadno tallaabada xigta!

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.