Raadinta Taliyaha cusub ee Booliiska Seattle

English
አማርኛ
繁體中文
한국어
Soomaali
Español
Tiếng Việt

Wax badan ka baro

Magaaladu waxay bilawday inay raadiso Taliyaha Booliska Seattle cusub. Habkani wuxuu noqon doonaa mid dhamaystiran oo cad wuxuuna ku lug yeelan doonaa in la eego gudaha iyo dibadda Waaxda Booliska Seattle (SPD) si loo helo musharaxa saxda ah.

Sidii uu duqa magaalada Harell u sharxay, "Taliyaheena cusub waa in uu si degdeg iyo hal-abuurnimo ah uga jawaabi karaa caqabadahan. Baadhitaankan dhamaystiran ayaa go'aamin doona hogaamiyaha ugu fiican si uu u buuxiyo jagadaan adag oo uu hore u wado waaxdeena." 

Taliyaha Booliisku waxa uu noqon doonaa shakhsi la wadaaga aragtida Duqa Harrell ee Hal Seattle halkaas oo qof kastaa uu xaq u leeyahay in uu badbaado iyo doorka ay SPD kaga jirto iyo in ay noqon doonto mid lagu kalsoon yahay. Duqa magaalada Harrell waxa uu raadinayaa hogaamiye dhisa oo dib u soo celiya kalsoonida bulshada, gacan ka geysta in la dhaqaajiyo isbeddelka dhaqanka gudaha, oo si mug leh uga qayb qaata horumarinta waaxda saddexaad ee cusub ee badbaadada dadweynaha.

Xafiiska Duqa Magaalada ayaa ku weydiinaya taladaada si loo tixgeliyo raadinta Taliyaha Booliisku cusub.

Fadlan ku dhufo xiriirkan si aad u ka qaybqaadato ra'yi ururinta

Habka

Habka raadinta talyaha waxa dejiya guddiga. Duqa magaalada wuxuu magacaabaya guddi baadi goob ah, kaas oo u xilsaaran inay soo qiimeeyaan musharrixiinta iyo inay soo gudbiyaan ilaa shan qof si ay ugu kala baxaan imtixaan kala soocid ah. Guddiga goobista ayaa sidoo kale ka caawin doona diyaarinta su'aalaha qoraalka ah ee imtixaanka. Imtixaanka waxaa qaadi doona koox khubaro ah oo ku takhasusay arrimaha maadada waxaana sidoo kale ku jiri doona qiimeyn afka ah.

Sida uu yiri duqa magaalada Harrell, " Iyadoo la raacayo hoggaan qiyam leh, fekerka danta guud, iyo u heellanaanta badbaadada, ixtiraamka, dib u habeynta, iyo caddaaladda, talyaheena cusub ayaa naga caawin kara inaan dejino halbeeg cusub oo badbaadada dadweynaha, gaadhno hadafkeena keensashada iyo haynta, dhisidda niyadda sarkaalka, iyo samayno magaalo soo dhawayn leh oo nabdoon bulsho kasta.

Saddexda musharrax ee ugu sarreeya sida ay qiimeeyaashu ku qiimeeyeen imtixaankii tartanka ka dib waxa loo gudbin doonaa Duqa magaalada si uu u xulo hal qof. Duqa magaalada ayaa markaa laga rabaa inuu ka doorto mid ka mid ah saddexdaas musharax ama inuu dib u bilaabo raadinta musharaxiin kale.

Marka la doorto, qofka la magacaabay waxaa looga baahan doonaa in uu maro xaqiijinta Golaha Magaalada.

Fadlan ku dhufo xiriirkan si aad u ka qaybqaadato ra'yi ururinta

Wixii soo kordha

  • Hordhaca guddiga raadinta iyo shirkadda raadinta
  • Hordhac qiimeeyayaasha
  • Natiijooyinka sahanka
  • Jadwalka shirarka bulshada
  • Ogaysiis ku saabsan kuwa isku soo baxay iyo kan la magacaabay

Mayor Bruce Harrell

Address: 600 4th Ave, Seattle, WA, 7th Floor, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: P.O. Box 94749, Seattle, WA, 98124-4749
Phone: (206) 684-4000

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Mayor Bruce Harrell

Seattle's Mayor is the head of the Executive department. The Mayor directs and controls all City offices and departments except where that authority is granted to another office by the City Charter.