Ruqsada Bilawga Amaanka Ah

Maxaa Cusub

Waxaan sameynay xoogaa cusbooneysiin muhiim ah oo aan ku faraxsanahay inaan kula wadaagno!

  • Ogolaanshahayada ku meel gaadhka ah ee meelaha jid-gooyada ah iyo dhinacyada jidadka waxay socon doonaan ilaa Janaayo 31, 2023. Fadlan ogow in ay jiri karaan khilaafyo ka imaan kara dhismo ama tas-hiilaad kuwaaso keenaya in loo baahdo in meesha laga qaado isticmaalka la oggol yahay muddo gaaban ama waqti dheer. Waxaanu isku dayi doonaa inaanu bixino ogaysiis 30 maalmood ka hor oo aanu isku dubbaridno si aanu u yaraynno saamaynta.
  • Intaa waxa dheer, waxaanu wax ka bedelnay shuruudaha ogolaanshaha si aanu meesha uga saarno in daka ogalaanshahan haysto laga rabo in ay ka qaadaan kafateeriyada bannaanka ama bandhigyada ku meel gaadhka ah ee laamiga ama meelaha xannibaya ee ka baxsan saacadaha shaqada. (Haddii laguu oggolaado aagga xamuulka ah ee shaqeeya wax ka baxsan saacadahaaga shaqada ama raadraaca Suuqa Beeralayda, tani ma khusayso - nala soo xiriir haddii aadan hubin!)
  • Waxa kale oo aanu halkan ku dhejinaynaa dhismayaal aanu ansixnay. Waxaan kuwan ka dhigaynaa kuwo diyaar ah si ganacsiyada kale ay u fahmaan waxa la ansixiyay oo ay suurtogal tahay inay u isticmaalaan xaaladaha goobta la midka ah.
  • Waxaan hadda cusboonaysiinaynaa Liisaska Hubinta Codsadaha si aan uga tarjumayno hagiddan cusub. Haddii uu jiro khilaaf u dhexeeya liiska hubinta iyo cusboonaysiinta, fadlan raac tilmaantan cusub.

Guudmar

Waxaan hadda bixineynaa ogolaansho ku meel gaar ah oo la habeeyey, kafateeriyada bannaanka, bandhigyada badeecooyinka tafaariiqda, baabuurta cuntada, gawaarida iibka, iyo nashaadaadka jirdhiska ee shaqeynaya ilaa Janaayo 31, 2023! Waxa aanu sidoo kale bixinaynaa xidhitaan jidka ah oo kumeel gaadh ah si aanu u taageerno hawlaha maqaaxiyaha, tukaamada, iyo jimicsiga. 

Inta aanad bilaabin

Fadlan ogow in oggolaanshahayada Bilawga Nabdoonku ay yihiin oggolaansho ku meel gaar ah oo dhacaya Janaayo 31, 2023. Haddii aad xiisaynayso oggolaanshaheena caadiga ah, fadlan booqo boggaga oggolaanshaha ee ku xidhan hoos wixii macluumaad dheeraad ah:

Ruqsada Kumeel Gaarka ah ee Maqaaxida, Miiska Wax Iibinta, Cuntada, Xidhitaanka Jidka iyo Alamiitada Banaanka

Waxa aad heshaa macluumaadka ikhtiyaarada ruqsadaha meelaha badnaanka ah oo dhan!

Si looga caawiyo mulkiilayaasha ganacsiga inay ogaadaan fursadaha ay ku balaadhinayaan shaqadooda si amaan ah, waxa aan samaynay tilmaamo la xidhiidha ruqsadaha la bixiyo!

Fadlan ogsoonaw in macluumaadka hoose kaliya loogu talo geley ruqsadaha KUMEEL GAARKA AH ee Bilawga Amaanka ah (Safe Start). Hadii aad doonayso heererkeena ruqsadaha, fadlan waxa aad booqataa bogaga ruqsadaha linkigiisu hoos ku yaal wixii macluumaad dheeraad ah:

  • Maqaaxida banaanka ah
  • Miiska wax lagu iibiyo
  • Miiska cuntada
  • Hawlaha Jidka iyo Jidka Cagta
  • Miisaska iyo kuraasta jidka cagta

Guudmar

Waxa aanu iminka bixinaynaa ruqsado kumeel gaar ah oo bilaash ah oo lasiinayo maqaaxiyaha, miisaska wax lagu iibiyo, gaadiidka cuntada, miisaska cuntada, iyo hawlaha jimicsiga taas oo soconaysa ilaa Oktoobar 31, 2021!Waxa aanu sidoo kale bixinaynaa xidhitaan jidka ah oo kumeel gaar ah si aynu u taageerno hawlaha maqaaxiyaha, tukaamada, iyo jimicsiga.

Macluumaadka Isticmaalka Jidka Agtiisa

ahay mid lacag lagu bixiyo iyo hadii kalena) Gaadhiga Lama Dhigi Karo oo Ruqsad ah iyo kiro ama iib xaynta Gaariga lama dhigi karo ah (calaamada T-39 ) oo ay bixiso shirkad xayndaab. Calaamad la daabici karo oo Gaariga Lama Dhigi Karo ah oo wadata taariikhdaha ayaa laguu diyaarin doonaa marka aad dalbado Ruqsada Kumeel Gaadhka ah ee Gaariga Lama Dhigi Karo. Kaliya waxa aad daabacataa oo aad kuk dhajisaa xayndaabka. Waxa aayu ku talinaynaa inaad ku dhajiso xayndaabka Gaadhiga Lama Dhigan Karo 72 saacadood kahor marka aad doonayso inaad samayso, laakiin waa inuu noqdaa ugu yaraan mid aad ku dhajiso 24 saacadood kahor inta aanu dhaqan gelin. Ganacsiga ayaa ka masuul ah inuu la hadlo shirkada jiidaysa gaadhiga hadii gaadhi la dhigo aagaaga Lama Dhigi Karo Gaadhiga.

Waxa aan doonayaa ruqsada Bilawga Amaanka ah ee...

  • maqaaxida banaanka ah
  • miiska wax lagu iibiyo
  • ruqsada miiska cuntada
  • xidhitaanka jidka
  • ruqsada jimicsiga banaanka

Ha Xidhin Jidka - Tilmaamaha Goobta Ayaa Muhiim ah!

Maadaama oo ay maqaaxiyo iyo miisas badan oo wax lagu iibiyaa ay kolba laga samaynayo magaalada oo dhan mushkilada COVID-19 dartiis, waxa aanu dhawaan kala shaqaynay barnaamijka Socodka Dadka Laxaadka La' ee Xuquuqda Laxaad La'aanta Washington si aanu u muujino sababta tilmaamaheenu ay muhiim ugu yihiin maqaaxiyaha jidka cagta.

Ruqsada Kumeel Gaarka ah ee Maqaaxida Banaanka ah ee Bilawga Amaanka (Safe Start) ah

Ruqsadan waxa ay u ogolaanaysaa adeega maqaaxida iyo kuraasta banaanka ah ee aaga jidka agtiisa baarkinka ah ama jidka lugta ilaa Oktoobar 31, 2021. Khamrida in lagu iibiayo ayaa la ogolaan karaa marka la helo ruqaada "Adeega Khamrida Banaanka Loo Balaariyay" oo ay bixiso Gudida Xakameeya Khamrida ee Gobolka Washington (Washington State Liquor Control Board, WSLCB). Soo dejiso Foomka Dalabka Kale si aad u bilawdo nidaamka. Fadlan ula xidhiidh WSLCB wixii su'aalo ah ee ku saabsan iibinta khamrida.

Yaa dalban kara?

Maxay tahay inaad ogaato:

  • Meelaha banaanka ee wax laga cunaa waxay ku yaalaan jidka afteeda ama jidka cagta oo loo baneeyay maqaaxida
  • Maqaaxiyaha waa inay la yimaadaan dayr ay leeyihiin iyo/ama quful oo buuxinaya shuruudaha dayrka kumeel gaarka ah. Fadlan ka eeg waraaqaheena xayaysiiska ah Ruqsada Kumeel Gaarka ah ee Agabka Banaanka tusaalashooda.
  • Waxa aanu baahinay tilmaamaha ilaalinta cimilada oo ay la socdaan faahfaahinta ogolaanshaha hadhka iyo agabka lagu fadhiisto ee la isticmaali karo iyada oo qiimayn dheeraad ah ayna ku samaynin SDOT.
  • Fadlan waxa aad la socotaa in Waaxda Dabka Seattle, Waaxda Seattle ee Dhismaha iyo Baadhitaanka, iyo Waaxda Seattle ee Taariikha/Dhulka Xaafadu ogolaanshhooda way loo baahan karo, oo hay'adahaasina ay yeelan karaan shuruuc dheeraad ah oo saamayn kara qorshaha.
  • Adiga ayaa ka masuul ah dhamaan buuxinta shuruudaha, oo waxaa kamid ah inaad furto wakhtiyada dabaysha ama duufaanadu jiraan taas oo shacabka ku keeni kara khatar
  • Magaaladu kama masuul ah wixii xatooyo, dhac ama isticmaal khaldan ah ee agabka
  • Maqaaxiyaha banaanka ee kumeel gaadhka ah looma ansixin doono aagaga wax laga raro ee hore u jiray, laakiin waxaa la isla eegi karaa wixii laga soo reebayo.
  • Maqaaxiyaha banaanka ah ee kumeel gaadhka ah waa inayna ku oolin meelaha la maro (sida khadadka baaskiilka iyo basaska)
  • Maqaaxiyaha banaanka ah ee kumeel gaadhka ah ee waxa uu ku ooli karaa meelaha dadka ka dhaxeeya saacadaha shaqo wixii ka baxsan. (Hadii laguu ogolaado inaad ka samayso aaga wax laga raro taas oo ah shaqo ka baxsan saacada wax laga raro ama wakhtiyada Suuqa Beeraha wax looga dajiyo, tani ma khusayso-nala soo xiriir hadii aad ka shakido!)
  • Hadii maqaaxidu ay ku taal aaga degmada taariikhiga ah, waa inaad ka heshaa ogolaanshaha degmada taariikhiga ah kahor inta aan ruqsada la bixin, laakiin waxa aynu u diri doonaa macluumaadkaaga iyaga si toos ah markaa looma baahna inaad si gaar ah u dalbato
  • Hadii aad hore u lahayd ruqsad maqaaxi jidka cagta ah oo aad anaka naga haysatay oo aad doonayso inaad kordhisato, waa inaad soo gudbisaa arji cusub adiga oo isticmaalaya arjiga
  • Waxa aynu sidoo kale bixinaa ruqsado kumeel gaadh ah oo gaadiidka laga xirayo jidka. Hadii adiga iyo ganacsi kale oo aad isku sakad tihiin ay doonayaan ruqsadan, waxa aad ka eegtaan bogeena Xiritaanka Jidka Kumeel Gaadhka ah ee Bilawga Amaanka ah.

Shuruudaha Wargelinta Shacabka

Si loogu bixiyo ruqsadaheena si dhakhso ah, ma dalbano mudadii laba todobaad ahayd ee ka dhiibashada fikirka miiska cusub ee kumeel gaadhka ah ee maqaaxida ah. Laakiin, dalbadayaasha waxaa looga baahan yahay inay wargeliyaan dadka deegaanka ee u dhaw iyo maqaaxida ay sheegayaan ugu yaraan 2 maalmood kahor inta ayna bilaabin shaqada.

Soo dejiso waraaqaha wargelinta shacabka ee aad buuxin karto, daabici karto oo aad qaybin karto!

Sida loo Dalbanayo

Nala soo xidhiidh 206-684-7623. Adeegyada turjubaada waxaa lagu heleyaa bilaash!

Arjigaaga, waxa aad u baahan tahay qorshaha aaga oo waxa aayu u baahan karnaa warqad ogolaanshe ah hadii aanad lahayn ganacsiga ama mulkiile hantida ah ahayn.

Warqada Ogolaanshaha:Geli Warqada Ogolaanshaha ee saxeexan hadii AANAD ahayn mulkiilaha ganacsiga ama hantida

Noocyada Qorshaha Goobta:

Ma naqdin karno arjigaaga iyada oo aanu la socon qorshaha goobtu.Qorshaha goobta waxa uu muujinayaa talaabooyinka iyo goobta rasmiga ah ee aaga aad doonayso inaad isticmaasho. Waxa aad dooran kartaa mid kamid ah dariiqooyinka soo socda si aad u abuurato qorshahaaga kahor inta aanad gelin.

Dooqa 1: Qorshe sawir ah (Lagu taliyaa!)
  • Abuur qorshe ku salaysan sawiro oo wata 3 sawir oo raacaya tilmaamaha gaarka ah ee hoose.
  • Dhamaan 3 sawir ayaa loo baahan yahay si qorshaha goobta loo dhamaystiro. Mid kamid ah sawiradaadu waa inuu muujiyaa cabirka loo baahan yahay oo sharaxaya Faahfaahinta Qorshaha Goobta xaga hoose.
  • Hadii ay kugu adag tahay inaad si dhigitaal ah u muujiso qorshaha oo sawir ah, fadlan "gacanta ku sawir" qorshahaaga maqaaxida ama jihada oo dhamaystiran jidka cagta ama laamida adiga oo isticmaalaya xabag ama tabaashiir. Samee sidaa kahor inta aanad sawir ka qaadin!
    • Sawirka lambarka 1: Waxa aad u jirsataa 10 fiid waxa aad sawirtay oo waxa aad ka qaadaa sawir qorshaha aaga maqaaxida.Hadii aad marka hore sii calaamadisay meesha, waxa aad ka qaadaa sawir, iyo sidoo kale waxoogaa sawirka in lagu daro meesha ayaa lagu garan karaa meesha la dhigayo!
    • Sawirka lambarka 2: Sawir lamid ah ka qaad dhinaca kale ee meesha maqaaxida.
    • Sawirka lambarka 3: Ka qaad sawirka muujinaya maqaaxida oo dhamaystiran/dhigamaha hortiisa oo uu ku jiro aaga maqaaxidu.

Ka dooro mid kamid ah sawirada oo ka samee si aad ugu darto dhamaan cabirada loo baahan yahay. Waxa aad ku samayn kartaa sidaas dhijitaal ahaan, ama daabac sawirka oo gacanta ayaad isku keen keeni kartaa.

Dooqa 2: Qorshaha Goobta Rasmiga ah 
Soo gudbi qorshaha goobta ee rasmiga ah (waxa aad ka heli kartaa shaxda halkan). Fadlan nagala soo hadal 206-684-7623 wixii tobobar ah diyaarinta qorshaha goobta ee rasmiga ah.
  • Faahfaahinta Qorshaha Goobta:Laakiin waxa aad abuurtay qorshaha goobtaada, waa inay la socdaan dhamaan macluumaadka hoos ku qorani. Hadii aanu jirin macluumaadkani, arjigaaga waxa uu qaadan karaa mudo dheer inta aanu qiimaynayno oo aan ansixinayno. Waa inaad usoo qaadataa mitirkaaga aad ku cabirayso, oo aad ku muujisaa qorshahaaga:
  • Cabirka Qorshaha:Waxa aad sheegtaa dhererka iyo balaca aaga miiska ee banaanka ee la fadhiisanayo. Hadii aad ku talinayso aag "wax lagu fadhiisto la dhigayo" oo jidka cagta ah, waa inaad muujisaa cabirka jidka cagta ay ka qabsanayso (wadada agteeda) ilaa inta meesha aad qorshaynayso ay u jirto. Waxa aad u baahan tahay ugu yaraan 4' inji inay u dhaxeeyaan wadada agteeda iyo afka miiskaaga sida kumeel gaadhka ah loo fadhiisanayo.
  • Aaga U Banaan Cagta:Waxa aad muujisaa jidka cagta ee ku xiga qorshahaaha aaga banaanka ee la fadhiisayo si aad u muujiso sida ay dadka lugaynayaa u marayaan jidka cagta. Waxa ugu yar ee loo baahan yahay in dadka lugayn loo baneeyaa waxaa weeye 6 fuudh badanaa xaafadaha (8 fiid ugu yaraan balac ah ayaa loogu baahan yahay aaga suuqa hoose.
    • OGOW:Hadii ayna jirin meel wanaagsan oo inta ugu yar ay ku banaanayso, markaa uma qalmaysid ruqsadanz
  • U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo:Jidka cagta waxaa ku ooli kara shayo kale sida bir laudh, geedo, mitirka baarkinka, qasabada biyaha dab damiska, iyo rakada baaskiiladaha. Fadlan xaqiiji in masaafada u dhaxaysa shayadan afkooda iyo miiskaaga oo waxa aad ku wada dartaa waxyaabaha cabirka qorshahaaga.
  • Lambarada aqoonsiga makaanka jidka agteeda:Hadii aad dalbanayso maqaaxida oo jidka agtiisa ku taala meel gaadiidka la dhigo oo lacag laga qaado, fadlan waxa aad sheegtaa lambarka aqoonsiga meesha jidka agteeda ah (isticmaal khariiradan si aad uga hesho lambarka).

Qoraal: Tusaale qorshaha goobta sawirka ayaa looga baahan yahay cabirka

  • Faahfaahinta Dayrka iyo Qufulka: Dayrka waxaa looga baahan yahay dhamaan maqaaxiga wada agteeda ah iyo maqaaxiga leh aag la fadhiisto (jidka cagta ee u dhaw jidka agtiisa), oo waxaa loo isticmaali karaa maqaaxiyaha dhismaha ku dhagan. Hadii aad doorbidayso maqaaxi bilaa dayr ah oo dhismaha ku dhagsan, quful ayaa loo baahan yahay ADA dartiis. Iyada oo ku salaysan hadii aad qorshaynayso inaad samaysato maqaaxi dayr leh ama aan dayr lahayn, waxa aad u baahanaysaa faahfaahinta soo socota: 
    • Sharaxa qufulka ee maqaaxida bilaa dayrka ah, oo ay ku jiraan cabirka iyo sawirka gacanta ama sawirku. Qufulku waa inuu noqdaa 30” to 42” dheererkiisu.
    • Sharax dayrta ee maqaaxida dayrka leh, oo way la socdaan cabirka, sawirka gacanta ama sawirka, ama sharaxa agabka dayrka. Dayrku waa inuu noqdaa 42” dhererkiisu hadii lagu iibiyo khamri iyo inta u dhaxaysa 30” iyo 42” dhererkiisu hadii aan lagu iibin khamri.
  • Wixii dayr ah ee jidka agtiisa ah waa inuu yeeshaa wax bakoorada lagu garan karo; waxaana taas kaid ah qaybaha dayrka maqaaxida jidka adtiisa ah ee jidka cagta barbar socota. 
  • Hadii aad ku taalo aaga Degmada Taariikhiga ah, waxa aad u baahanaysaa inaad geliso waraaqaha oo ay la socdaan qorshaha goobta oo muujinaya midabka iyo samayska dhamaan agabka lagu fadhiisto, calaamadaha, dhirka, dayrka iyo wixii kale ee qorshagaaga aad ku isticmaalayso.
  • Sawiro, muuqaalo laga soo saaray websaytka, ama xaashiyaha noocyada oo lasoo jaray ayaa la ogol yahay hadii ay midab yihiin. Waxa aynu u diri doonaa macluumaadkan shaqaalaha Degmada Taariikhiga ah si ay u eegaan; uma baahdin inaa

Fiiro: Marka laga tago dayrka iyo wixii lagu xakamaynayo socodka gaadiidka ee aad u isticmaali doono aaga la ogolaaday, midabo badan ayaa lagu taliyaa, sida dameeri/cagaar madaw xiga ama wax lamid ah inay noqdaan alaabta lagu fadhiisanayaa, dayrka ama calaamaduhu. 

Maxaa xiga? Marka aad gudbiso arjigaaga ruqsada Kumeel Gaarka ah ee Bilawga Amaanka, waa kuwan talaabooyin dheeraad ah oo aad qaadi karto si aad ugu diyaar garawdo bilaabida! 
  • Hadii aad qorshaynayso inaad isticmaasho jidka afteeda, marka laga tago ruqsada aad ka heleyso kooxdaada, waxa aad sidoo kale u baahan yahay inaad dalbato ruqsadaha Kumeel Gaadhka ah ee Gaadhiga Lama Dhigi Karo ah. Waxa aad nagala soo xidhiidhi kartaa (206) 684-7623 wixii kaalmo ah ee dalabka ruqsadan.  
  • Wargeli jaarkaaga inaad doonayso inaad isticmaasho meesha dadka ka dhaxeeya ugu yaraan laba maalmood kahor inta aanad shaqada cusub bilaabin. Isticmaal shaxda Warqadan Macluumaadka Shacabka ah.
  • Xaqiiji inaad leedahay caymis buuxinaya shuruudaha magaalada. Fadlan nagala soo xidhiidh (206) 684-7623 wixii macluumaad dheeraad ah.
Waxa aad gashaa linkiyada hoose si ay aad uga hesho tilmaamaha agabka banaanka ee aad isticmaali karto.

Bilawga Amaanka (Safe Start) Miiska Wax Lagu Iibiyo ee Kumeel Gaarka ah

Ruqsadan, tukaanadu waxay si kumeel gaar ah ugu balaarin karaan shaqadooda banaanka jidka cagta ama baarkinka jidka agteeda ilaa Oktoobar 31, 2021.

Yaa dalban kara?

  • Ganacsiga tafaariiqda

Maxay tahay inaad ogaato:

  • Miisaska wax lagu iibiyo ee kumeel gaarka ah waa inay ku yaalaan jidka cagta ama baarkinka wada agteeda aaga ah si ay u habeeyaan ganacsiga
  • Tukaamada waa inay la yimaadaan dayr ay leeyihiin oo buuxinaya shuruudaha dayrka kumeel gaadhka ah (ee loogu talo geley goobaha jidka agtiisa ah).
  • Fadlan ka eeg waraaqaheena xayaysiiska ah Ruqsada Kumeel Gaadhka ah ee Agabka Banaanka tusaalashooda.
  • Waxa aynu baahinay tilmaamaha ilaalinta cimilada oo ay la socdaan faahfaahinta ogolaanshaha hadhka iyo agabka lagu fadhiisto ee la isticmaali karo iyada oo qiimayn dheeraad ah ayna ku samaynin SDOT
  • Fadlan waxa aad la socotaa in Waaxda Dabka Seattle, Waaxda Seattle ee Dhismaha iyo Baadhitaanka, iyo Waaxda Seattle ee Taariikha/Dhulka Xaafadu ogolaanshhooda way loo baahan karo, oo hay'adahaasina ay yeelan karaan shuruuc dheeraad ah oo saamayn kara qorshaha.
  • Adiga ayaa ka masuul ah dhamaan buuxinta shuruudaha, oo waxaa kamid ah inaad furto wakhtiyada dabaysha ama duufaanadu jiraan taas oo shacabka ku keeni kara khatar
  • Magaaladu kama masuul ah wixii xatooyo, dhac ama isticmaal khaldan ah ee agabka
  • Miisaska wax lagu iibiyo ee kumeel gaar ah looma ansixin doono aagaga wax laga raro ee hore u jiray, laakiin waxaa la isla eegi karaa wixii laga soo reebayo.
  • Miisaska wax lagu iibiyo ee kumeel gaarka ah waa inayna ku oolin meelaha la maro (sida khadadka baaskiilka iyo basaska)
  • Dhismaha wax lagu iibinayo ee kumeel gaar ah waxa uu ku ooli karaa meelaha dadka ka dhaxeeya saacadaha shaqo wixii ka baxsan. (Hadii laguu ogolaado inaad ka samayso aaga wax laga raro taas oo ah shaqo ka baxsan saacada wax laga raro ama wakhtiyada Suuqa Beeraha wax looga dajiyo, tani ma khusayso-nala soo xidhiidh hadii aad ka shakido!)  
  • Hadii ganacsigaagu uu ku yaal aaga degmada taariikhiga ah, waa inaad ka heshaa ogolaanshaha degmada taariikhiga ah kahor inta aan ruqsada la bixin, laakiin waxa aanu u diri doonaa macluumaadkaaga iyaga si toos ah markaa looma baahna inaad si gaar ah u dalbato
  • Ruqsadan waxa ay u ogolaanaysaa in wax lagu iibiyo banaanka aaga la ogolaaday
  • Waxa aynu sidoo kale bixinaa ruqsado kumeel gaar ah oo gaadiidka laga xirayo jidka. Hadii adiga iyo ganacsi kale oo aad isku sakad tihiin ay doonayaan ruqsadan, waxa aad ka eegtaan bogeena Xidhitaanka Jidka Kumeel Gaadhka ah ee Bilawga Amaanka ah.

Shuruudaha Wargelinta Shacabka

Si loogu bixiyo ruqsadaheena si dhakhso ah, ma dalbano mudadii laba todobaad ahayd ee ka dhiibashada fikirka miiska cusub ee kumeel gaarka ah ee wax lagu iibiyo. Laakiin, dalbadayaasha waxaa looga baahan yahay inay wargeliyaan dadka deegaanka ee u dhaw iyo ganacsiyada miiska ay sheegayaan ugu yaraan 2 maalmood kahor inta ayna bilaabin shaqada. Isticmaal shaxda Warqadan Macluumaadka Shacabka aha.

Soo dejiso waraaqaha wargelinta shacabka ee aad buuxin karto, daabici karto oo aad qaybin karto!

Sida loo Dalbanayo

Nala soo xiriir 206-684-7623. Adeegyada turjubaada waxaa lagu heleyaa bilaash!

Waxa aad xaqiijisaa in arjigaaga uu la socdo dhamaan waraaqaha loo baahan yahay:
  • Warqada Ogolaanshaha:Geli Warqada Ogolaanshaha ee saxeexan hadii AANAD ahayn mulkiilaha ganacsiga ama hantida
Noocyada Qorshaha Goobta:

Ma naqdin karno arjigaaga iyada oo aanu la socon qorshaha goobtu. Tani waxay muujinaysaa talaabooyinka iyo goobta rasmiga ah ee aaga aad doonayso inaad isticmaasho. Waxa aad dooran kartaa mid kamid ah dariiqooyinka soo socda si aad u abuurato qorshahaaga kahor inta aanad gelin.

Dooqa 1: Qorshe sawir ah (Lagu taliyaa!)
  • Abuur qorshe ku salaysan sawiro oo wata 3 sawir oo raacaya tilmaamaha gaarka ah ee hoose.
  • Dhamaan 3 sawir ayaa loo baahan yahay si qorshaha goobta loo dhamaystiro. Mid kamid ah sawiradaadu waa inuu muujiyaa cabirka loo baahan yahay oo sharaxaya Faahfaahinta Qorshaha Goobta xaga hoose.
  • Hadii ay kugu adag tahay inaad si dhigitaal ah u muujiso qorshaha oo sawir ah, fadlan "gacanta ku sawir" qorshahaaga meesha ama jihada oo dhamaystiran jidka cagta ama laamida adiga oo isticmaalaya xabag ama tabaashiir. Samee sidaa kahor inta aanad sawir ka qaadin!
    • Sawirka lambarka 1: Waxa aad u jirsataa 10 fiid waxa aad sawirtay oo waxa aad ka qaadaa sawir qorshaha aaga aad dhigayso.Hadii aad marka hore sii calaamadisay meesha, waxa aad ka qaadaa sawir, iyo sidoo kale waxoogaa sawirka in lagu daro meesha ayaa lagu garan karaa meesha la dhigayo!
    • Sawirka lambarka 2: Sawir lamid ah ka qaad dhinaca kale ee meesha aad dhigayso.
    • Sawirka lambarka 3: Ka qaad sawir muujinaya xaga hore oo dhismaha oo dhan ee ganacsigaaga oo ay ku jirto meesha la dhigayo miiska.

Ka dooro mid kamid ah sawirada oo ka samee si aad ugu darto dhamaan cabirada loo baahan yahay. Waxa aad ku samayn kartaa sidaas dhijitaal ahaan, ama waxa aad daabici kartaa sawirka oo gacanta ayaad isku keen keeni kartaa.

Dooqa 2: Qorshaha Goobta Rasmiga ah
  • Soo gudbi qorshaha goobta ee rasmiga ah (waxa aad ka heli kartaa shaxda halkan). Fadlan nagala soo hadal 206-684-7623 wixii tobobar ah diyaarinta qorshaha goobta ee rasmiga ah.
  • Faahfaahinta Qorshaha Goobta:Marka aad abuurto qorshaha goobtaada, waa inay la socdaan dhamaan macluumaadka hoos ku qorani. Hadii aanu jirin macluumaadkani, arjigaaga waxa uu qaadan karaa mudo dheer inta aanu qiimaynayno oo aan ansixinayno. Waa inaad usoo qaadataa mitirkaaga aad ku cabirayso, oo aad ku muujisaa qorshahaaga:
  • Cabirka Qorshaha:Waxa aad sheegtaa dhererka iyo balaca aaga miiska ee banaanka ee la qorshaynayo. Hadii aad ku talinayso aag "wax lagu fadhiisto la dhigayo" oo jidka cagta ah, waa inaad muujisaa cabirka jidka cagta ay ka qabsanayso (wadada agteeda) ilaa inta meesha aad qorshaynayso ay u jirto. Waxa aad u baahan tahay ugu yaraan 4' inji inay u dhaxeeyaan wadada agteeda iyo afka miiskaaga sida kumeel gaarka ah aad wax ku iibinayso.
  • Aaga U Banaan Cagta:Waxa aad muujisaa jidka cagta ee ku xiga qorshahaaha miiska si aad u muujiso sida ay dadka lugaynayaa u marayaan jidka cagta. Waxa ugu yar ee loo baahan yahay in dadka lugayn loo baneeyaa waxaa weeye 6 fiid badanaa xaafadaha (8 fuudh ugu yaraan balac ah ayaa loogu baahan yahay aaga suuqa hoose.
  • OGOW: Hadii ayna jirin meel wanaagsan oo inta ugu yar ay ku banaanayso, markaa uma qalmaysid ruqsadan.
  • U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo: Jidka cagta waxaa ku ooli kara shayo kale sida bir laudh, geedo, mitirka baarkinka, qasabada biyaha dab damiska, iyo rakada baaskiiladaha.
  • Fadlan xaqiiji in masaafada u dhaxaysa shayadan afkooda iyo miiskaaga oo waxa aad ku wada dartaa waxyaabaha cabirka qorshahaaga. 
  • Lambarada aqoonsiga makaanka jidka agteeda: Hadii aad dalbanayso miis wax lagu iibiyo oo jidka agtiisa yaala meel gaadiidka la dhigo oo lacag laga qaado, fadlan waxa aad sheegtaa lambarka aqoonsiga meesha jidka agteeda ah (isticmaal khariiradan si aad uga hesho lambarka).
      1. Cabirka Qorshaha
      2. Aaga U Banaan Cagta
      3. U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo
      1. Isticmaalka Kumeel Gaadhka ah ee Aaga 4 fuut balaceedu yahay iyo 14 fuut dhererkeedu yahay
      2. Isticmaalka Kumeel Gaadhka ah ee Aaga 7 fuut balaceedu yahay iyo 28 fuut dhererkeedu yahay
      1. Aaga Cagta 10 fuut balaceedu yahay
      2. Aaga Cagta Loo Baneeyay 6 fuut balaceedu yahay
      1. Birta Laydhka 8 fuut u jirta Aaga La Isticmaalayo ee Jidka Agtiisa
      2. Bir Layr, Dhir Yaryar, iyo Geed u jira Celcelis ahaan 18" Jidka Cagta

Qoraal: Tusaale qorshaha goobta sawirka ayaa looga baahan yahay cabirka 

Faahfaahinta Qaabka:

Dayrka waxaa looga baahan yahay dhamaan meelaha wax lagu iibiyo ee jidka agteeda. Waxa loo baahan yahay faahfaahinta tan iyo sidoo kale wixii kale ee alaab ama agab ah ee aad u isticmaalayso miiskan

    • Sharax dayrta miiska wax lagu iibinayo ee jidka agtiisa, oo way la socdaan cabirka, sawirka gacanta ama sawirka, ama sharaxa agabka dayrka.
    • Liiska waxyaabaha lasoo dhigayo oo uu la socdo sharaxooda (tusaale ahaan, miis 4'x6' ah oo leh saacad miis iyo agabka la iibinayo; Rako dhar oo dheerkeedu yahay 3’ x dhererkeedu yahay 2’ x taageeduna yahay 5’; 2 kursi oo loox ah oo shaqaalaha iibka ah; Marfash wax laguu soo dhigo oo loox ah oo dhererkiisu yahay 3’ x baliciisu yahay 18” x taagiisu yahay 5’).
  • Hadii aad ku taalo aaga Degmada Taariikhiga ah, waxa aad u baahanaysaa inaad geliso waraaqaha oo ay la socdaan qorshaha goobta oo muujinaya midabka iyo samayska dhamaan agabka lagu fadhiisto, calaamadaha, dhirka, dayrka iyo wixii kale ee qorshagaaga aad ku isticmaalayso.
  • Sawiro, muuqaalo laga soo saaray websaytka, ama xaashiyaha noocyada oo lasoo jaray ayaa la ogol yahay hadii ay midab yihiin. Waxa aanu u diri doonaa macluumaadkan shaqaalaha Degmada Taariikhiga ah si ay u eegaan; uma baahdin inaad ugu gudbiso si gaar ah si ay Shahaadada u Ansixiyaan.
  • Fiiro: Marka laga tago dayrka iyo wixii lagu xakamaynayo socodka gaadiidka ee aad u isticmaali doono aaga la ogolaaday, midabo badan ayaa lagu taliyaa, sida dameeri/cagaar madaw xiga ama wax lamid ah inay noqdaan alaabta lagu fadhiisanayaa, dayrka ama calaamaduhu.
Maxaa xiga? Marka aad gudbiso arjigaaga ruqsada Kumeel Gaarka ah ee Bilawga Amaanka, waa kuwan talaabooyin dheeraad ah oo aad qaadi karto si aad ugu diyaar garawdo bilaabida! 
  • afteeda, marka laga tago ruqsada aad ka heleyso kooxdaada, waxa aad sidoo kale u baahan yahay inaad dalbato ruqsadaha Kumeel Gaadhka ah ee Gaadhiga Lama Dhigi Karo ah. Waxa aad nagala soo xidhiidhi kartaa (206) 684-7623 wixii kaalmo ah ee dalabka ruqsadan.
  • Wargeli jaarkaaga inaad doonayso inaad isticmaasho meesha dadka ka dhaxeeya ugu yaraan laba maalmood kahor inta aanad shaqada cusub bilaabin. Isticmaal shaxda Warqadan Macluumaadka Shacabka ah.
  • Xaqiiji inaad leedahay caymis buuxinaya shuruudaha magaalada.
Waxa aad gashaa linkiyada hoose si ay aad uga hesho tilmaamaha agabka banaanka ee aad isticmaali karto.

Ruqada Wax Iibinta Kumeel Gaarka ah ee Bilawga Amaanka ah 

Si loo siiyo dabacsanaan balaadhan dadka wax iibinaya ee isku dayaya meelaha cusub, waxa aynu bixinaysaa ruqsad wax iibin oo kumeel gaadh ah ilaa Oktoobar 31, 2021. Ikhtiyaarkan waxa heli kara dadka iibiya ubaxa, cuntada ama joornaalada kuwaas oo adeegada gaadhi ama miis jidka agtiisa, jidka cagta ama aaga plaza-ha ah. 

Yaa dalban kara? 

  • Wixii iibiyaha cunto, ubax, ama wargeysa ah ee u qalma 

Maxay tahay inaad ogaato:

  • Iibiyayaasha cuntada ee kumeel gaadhka ah waa inayna u jirsan 50 fuudh ganacsi kale oo adeega cuntada bixiya sidoo kale dadka iibinaya ubaxa ee kumeel gaadhka ah waa inayna u jirsan 50 fuudh ganacsi kale oo ubaxa iibiya (iyada oo ganacsi kale uu taageersan yahay moojee) 
  • Cida sida kumeel gaadhka ah u iibinaysaa ma isticmaali karto meesha uu doonayo ganaci inuu isku balaadhiyo ee jidka agteeda ah (jidka cagteeda goob ah) 
  • Dadka sida kumeel gaadhka ah wax u iibinaya waa inayna dhigan meesha hore ee wax laga raro (goobaha jidka agteeda ah) 
  • Waxa aynu sakadiiba u ogolaanaynaa laba iibiye nooca ogolaanshahan 

Shuruudaha Wargelinta Shacabka  o

Si loogu bixiyo ruqsadaheena si dhakhso ah, ma dalbano mudadii laba todobaad ahayd ee ka dhiibashada fikirka miiska cusub ee kumeel gaadhka ah ee dadka wax iibiya. Laakiin, dalbadayaasha waxaa looga baahan yahay inay wargeliyaan dadka deegaanka ee u dhaw iyo dadka wax iibinaya ay sheegayaan ugu yaraan 2 maalmood kahor inta ayna bilaabin shaqada.

Soo dejiso waraaqaha wargelinta shacabka ee aad buuxin karto, daabici karto oo aad qaybin karto!

Sida loo Dalbanayo

Nala soo xidhiidh 206-684-7623. Adeegyada turjubaada waxaa lagu heleyaa bilaash!
Waxa aad xaqiijisaa in arjigaaga uu la socdo dhamaan waraaqaha loo baahan yahay:
  • Ruqada Waaxda Caafimaadka ee Degmada King (King County Department of Public Health) Qaybta Cuntada Socota ama gobolka hadii lagaa dhaafay (ruqsada dhacay ilaa bilawgii 2020 waa la ogol yahay)  
  • Ruqsada Dab Damiska Seattle, hadii aad isticmaalayso wax dab ah ama gaasta dareeraha ah Waaxda Dabdamiska Seattle (Seattle Fire Marshal, LPG) ama aad sugayso ruqsad  
  • Liisanka Ganacsiga Seattle 
  • Lambarka gaariga ee gaarigaaga, hadii aad wax ku iibinayso gaadhi
  • Qorshaha goobta iyo faahfaahinta la xidhiidha (hoos ka eeg)

Noocyada Qorshaha Goobta:

Ma naqdin karno arjigaaga iyada oo aanu la socon qorshaha goobtu. Tani waxay muujinaysaa talaabooyinka iyo goobta rasmiga ah ee aaga aad doonayso inaad isticmaasho. Waxa aad dooran kartaa mid kamid ah dariiqooyinka soo socda si aad u abuurato qorshahaaga kahor inta aanad gelin.

Dooqa 1: Qorshe sawir ah (Lagu taliyaa!)
  • Abuur qorshe ku salaysan sawiro oo wata 3 sawir adiga oo raacaya tilmaamaha gaarka ah ee hoose. 
  • Dhamaan 3 sawir ayaa loo baahan yahay si qorshaha goobta loo dhamaystiro. Mid kamid ah sawiradaadu waa inuu muujiyaa cabirka loo baahan yahay oo sharaxaya Faahfaahinta Qorshaha Goobta xaga hoose.
  • Hadii ay kugu adag tahay inaad si dhigitaal ah u muujiso qorshaha oo sawir ah, fadlan "gacanta ku sawir" qorshahaaga meesha ama jihada oo dhamaystiran jidka cagta ama laamida adiga oo isticmaalaya xabag ama tabaashiir. Samee sidaa kahor inta aanad sawir ka qaadin! 
    • Sawirka lambarka 1: Waxa aad u jirsataa 10 fiid waxa aad sawirtay oo waxa aad ka qaadaa sawir qorshaha aaga aad wax ku iibinayso. Hadii aad marka hore sii calaamadisay meesha, waxa aad ka qaadaa sawir, iyo sidoo kale waxoogaa sawirka in lagu daro meesha ayaa lagu garan karaa meesha la dhigayo! 
    • Sawirka lambarka 2: Sawir lamid ah ka qaad dhinaca kale ee meesha aad wax ku iibinayso. 
    • Sawirka lambarka 3: Sawir ka qaad xaga hore ee dhanka jidka meesha aad wax ku iibinayso, waxa aad muujisaa dhismaha habaysan oo waxa aad ku dartaa aaga koonaha qorshaha. 
  • Ka dooro mid kamid ah sawirada oo ka samee si aad ugu darto dhamaan cabirada loo baahan yahay. Waxa aad ku samayn kartaa sidaas dhijitaal ahaan, ama waxa aad daabici kartaa sawirka oo gacanta ayaad isku keen keeni kartaa.  
Dooqa 2: Qorshaha Goobta Rasmiga ah 
Abuur qorshe goobta ah oo rasmi ah (shaxda  halkan ayaad ka heleysaa). Fadlan nagala soo hadal 206-684-7623 wixii tobobar ah diyaarinta qorshaha goobta ee rasmiga ah.
  • Faahfaahinta Qorshaha Goobta:Marka aad abuurto qorshaha goobtaada, waa inay la socdaan dhamaan macluumaadka hoos ku qorani. Hadii aynu jirin macluumaadkani, arjigaaga waxa uu qaadan karaa mudo dheer inta aanu qiimaynayno oo aan ansixinayno. Waa inaad usoo qaadataa mitirkaaga aad ku cabirayso, oo aad ku muujisaa qorshahaaga:
  • Cabirka Qorshaha: Muuji dhererka iyo balaca aaga aad wax ku iibinayso ee aad ku talisay (ama cabirka gaadhiga ee gaadhigaaga).Hadii aad ku talinayso aag aad wax ku iibinayso ee aad dhigayso "wax lagu fadhiisto la dhigayo" oo jidka cagta ah, waa inaad muujisaa cabirka jidka cagta ay ka qabsanayso (wadada agteeda) ilaa inta meesha aad qorshaynayso ay aad dhigayso. Waxa aad u baahan tahay ugu yaraan 4' inji inay u dhaxeeyaan wadada agteeda iyo afka miiskaaga sida kumeel gaadhka ah ee aad wax ku iibinayso.
  • Aaga U Banaan Cagta:Hadii aad qorshaynayso inaad wax ku iibiso jidka agteeda, waxa aad muujisaa jidka cagta ee ku xiga qorshahaaha aaga banaanka ee aad wax ku iibinayso si aad u muujiso sida ay dadka lugaynayaa u marayaan jidka cagta. Waxa ugu yar ee loo baahan yahay in dadka lugayn loo baneeyaa waxaa weeye 6 fuudh badanaa xaafadaha (8 fuudh ugu yaraan balac ah ayaa loogu baahan yahay aaga suuqa hoose.
  • OGOW:Hadii ayna jirin meel wanaagsan oo inta ugu yar ay ku banaanayso, markaa uma qalmaysid ruqsadan. 
  • U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo:Jidka cagta waxaa ku ooli kara shayo kale sida bir laudh, geedo, mitirka baarkinka, qasabada biyaha dab damiska, iyo rakada baaskiiladaha.
  • Fadlan xaqiiji in masaafada u dhaxaysa shayadan afkooda iyo miiskaaga oo waxa aad ku wada dartaa waxyaabaha cabirka qorshahaaga. 
  • Lambarada aqoonsiga makaanka jidka agteeda:Hadii aad dalbanayso aaga aad wax ku iibinayso oo jidka agtiisa yaala meel gaadiidka la dhigo oo lacag laga qaado, fadlan waxa aad sheegtaa lambarka aqoonsiga meesha jidka agteeda ah (isticmaal khariiradan si aad uga hesho lambarka).
      1. Cabirka Qorshaha
      2. Aaga U Banaan Cagta
      3. U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo
      1. Isticmaalka Kumeel Gaadhka ah ee Aaga 7 fiid balaceedu yahay iyo 28 fuut dhererkeedu yahay
      2. Isticmaalka Kumeel Gaadhka ah ee Aaga 7 fiid balaceedu yahay iyo 28 fuut dhererkeedu yahay
      3. Aaga Cagta Loo Baneeyay 6 fuut balaceedu yahay
      4. Aaga Cagta Loo Baneeyay 10 fuut balaceedu yahay
      5. Birta Layrka 8 fuut u jirta Aaga Jidka Agtiisa Bir layr, Dhir Yaryar, iyo Geed u jira celcelis ahaan 18" Jidka Cagta

Qoraal: Tusaale qorshaha goobta sawirka ayaa looga baahan yahay cabirka

  • Faahfaahinta Dayrka:Dayrka waxaa looga baahan yahay dhamaan aaga wax aad ku iibayso ee jidka agteeda Waxa loo baahan yahay inaad raacdo faahfaahinta dayrka.
  • Sharax dayrta, oo way la socdaan cabirka, sawirka gacanta ama sawirka, ama sharaxa agabka dayrka.  Dayrku waa inuu noqdaa inta u dhaxaysa 30” iyo 42” dherer ah.
Maxaa xiga? Marka aad gudbiso arjigaaga ruqsada Kumeel Gaadhka ah ee Bilawga Amaanka (Safe Starts), waa kuwan talaabooyin dheeraad ah oo aad qaadi karto si aad ugu diyaar garawdo bilaabida! 
  • Hadii aad qorshaynayso inaad isticmaasho jidka afteeda, marka laga tago ruqsada aad ka heleyso kooxdaada, waxa aad sidoo kale u baahan yahay inaad dalbato ruqsadaha Kumeel Gaadhka ah ee Gaadhiga Lama Dhigi Karo ah. Waxa aad nagala soo xidhiidhi kartaa (206) 684-7623 wixii kaalmo ah ee dalabka ruqsadan.
  • Marka aad dalbanayso, waxaa jira qayb Macluumaad Guud ah oo waxa aad dooran kartaa "sababta (reason)" aad u dalbanayso. Dooro “waxkale (other)” oo qor “Ruqsada Kumeel Gaadhka ah ee Bilawga Amaanka ah (Safe Starts Temporary Permit)” si aanu u ogaano inaad u baahan tahay in laguu dadajiyo.
  • Wargelinta shacabka ee la samaynayaa waa inay noqotaa calaamad lagu dhajiyo dayrka oo ah Lama Dhigi Karo Gaadiidka (No Parking) (calaamada T-39) oo aad iibsan karta ama aad ka kiraysan karto shirkada dayrka.
  • Waxa aynu ku talinaynaa inaad ku dhajiso xayndaabka ilaa 72 saacadood kahor marka aad doonayso inaad samayso, laakiin waa inuu noqdaa ugu yaraan mid aad ku dhajiso 24 saacadood kahor inta aynu dhaqan gelin.
  • Wargeli jaarkaaga inaad doonayso inaad isticmaasho meesha dadka ka dhaxeeya ugu yaraan laba maalmood kahor inta aanad shaqada cusub bilaabin. Isticmaal shaxda Warqadan Macluumaadka Shacabka ah.

Xiritaanka Jidka ee Kumeel Gaara ah ee Bilawga Amaanka (Safe Start)

Ganacsiyada ama hay'ada jira waa ay isku biiri karaan si ay u codsadaan ruqsada xiritaanka jidka oo kumeel gaar ah si ay u helaan goob balaaran oo hawsha ganacsi qaban karaan, dadkuna u heli karaan meel ay ku socdaan 

Kahor inta aanad bilaabin...

Waxa aanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad balansato tobobar ku saabsan arjiga codsiga ka hor inta aanad dalban. Waxa aanu kaala shaqayn karnaa fahanka qorshaha dalabkaaga iyo in la qoondeeyo hadii ay macquul tahay iyo, hadii loo baahdo, in ikhtiyaar kale la bixiyo.

Si aad u bilawdo, iimeel noogu soo dir  ciwaankan publicspace@seattle.gov. 

Maxay tahay inaad ogaato

Jidadka qaar way noo fudud yihiin oo waa dhakhso in aynu qiimayno oo aan ansixino. Tusaale ahaan:

  • Jidadka aan halbawlaha ahayn
  • Jidadka aan lahayn wadada baska
  • Hal calaamad oo lagu xirayo wadada (lama xirayo isgoyska)
  • Jidadka qaar ayayna macquul ahayn in la xiro maadaama oo ay daruuri u yihiin isu socodka gaadiidka.
  • Jid-yaraha cagtu waa inuu u furnaadaa si dadku ay u lugayn karaan jidka xidhan; kaliya laamida ayaa la xidhayaa. 
  • Khadka dabta oo 20 fuudh ah waa in la baneeyaa mar kasta. Khadkan dabka waxay yeelan karaan waxyaabo si yar oo fudud loo qaadi karo (miisas iyo kuraas fudud), laakiin wixii waxyaabaha waawayn ah, sida teendhada ama miisaska dalxiiska, ee aan sida yar ee fudud loo qaadi karin lama ogola in loo jirsiiyo khadka dabka 20 fuudh. 
  • Xiritaanka jidka waxaa loogu talo geley dhismeyaasha iyo ganacsiyada hore u jiray iyo gaadiidka isticmaala iyo ganacsiga leh ruqsada hore ee aaga jidkan ku yaal.
  • Xiritaanku waxa ay ka dhigan yahay inay dadka siiso goob balaadhan oo dadku ku dhax socon karaan si ugu daraan goob balaadhan hawlahooda ganacsi Looguma talo gelin inay noqdaan munaasabad ama waxay dadku iskugu yimaadaan. 
  • Xiritaanka waxaa loo dhigi karaa qaabab kala duwan qorshayntiisa, waxaana kamid ah xidhitaanka gebi ahaan ah (in qayb dhan oo jidka ah la xidho), xirida qayb ahaan (baarkinka/jidka hal jiho u socda ayaa la xidhayaa, iyada oo gaadiidku hal dhinac uun u soconayaan), iwm.
  • Teendhada, dhirta hadhka leh, iyo kulayliyaha waa in si gaar ah loogaga doontaa ogolaanshaha Waaxda Dabka Seattle. 

Ma doonaysaa inaad u xiro jidkaaga shaqada ganacsiga?

  1. Kala shaqee jaarkaaga oo isu yimaada si aad isu taageertaan
  2. Si wada jir ah waxa aad u wada go'aansataan meesha aad doonayso inaad isticmaasho ee jidka shacabka ah iyo sida aad u doonayso inaad u isticmaasho; waa inaad noogu sharaxdaa taas arjigaaga codsiga
  3. Waxa aad noola soo xidhiidhaa tobobarka arjiga kahor: iimeel noogu soo dir  ciwaankan publicspace@seattle.gov oo noo sheeg taleefankaaga 
  4. Iimeel ama warqad taageero waa inaad ka heshaa wixii mulkiile ah ee jidku saamaynayo
  5. U sheeg dhamaan mulkiilayaasha ganacsiyada iyo mulkiilayaasha guryaha/maamulada aaga jidka ee la xirayo ee arjigaaga aad ku sheegtay. Waxa aanu abuurnay shax wargelin shacab oo kaa caawinaysa tan!
  6. Ogaysiisku wuxuu ku wargelinayaa jaarkaaga inay kula soo xidhiidhaan adiga ama SDOT wixii fikir ah ee ay ka qabaan 5 maalmood oo la shaqeeyo gudahood. Waxa aanu u baahanahay cadaymo sheegaya in badanaa jaarku taageersan yihiin qorshahaaga, markaa tani waxay kaa caawinaysaa inaad hesho dalabkaaga. Waxa aad ku duwaan gelin kartaa taageerada jaarkaaga adiga oo foomkan isticmaalaya.  
  7. Onleyn ku dalbo! 

Sida loo Dalbanayo

Nagala soo xidhiidh 206-684-7623. Adeegyada turjumaada oo bilaash ah ayaa la heli karaa !
Xaqiiji in arjigaaga ay la socdaan dhamaan waraaqaha loo baahan yahay; kuwan waa in la geliyo arjigaaga:
  • Liiska dhamaan ganacsiyada iyo hay'adaha ka qayb galaya 
  • Guudmar ku saabsan waxa aad ka maqashay jaarkaaga; waxa aad isticmaali kartaa foomkaayaga
  • Iimeel ama warqad taageero ah oo ka socota jaararka oo kamid ah arjigaaga, oo ay ku jiraa dhamaan mulkiilayaasha uu saameeyo jidku iyo Ururada Hormarka Ganacsiga (Business Improvement Association, BIA) hadii ayna ahayn qofka dalbanaya
  • Faahfaahinta teendhada/hadhka/dayrka/kulayliyaha. Sawiro, muuqaalo laga soo saaray websaytka, ama xaashiyo lasoo jaray ayaa la ogol yahay ilaa inta ay midab leeyihiin.
  • Waxa aynu haynaa tusaale qorshaah goobta ku saabsan si uu kaaga caawiyo waxyaabaha qaar aanu doonayno in aanu ku aragno qorshahaaga.
  • Degmooyinka Taariikhiga ah, fadlan waxa aad gelisaa waraaqaha muujinaya midabka iyo dhamaystirka wixii dayr ah, alaab, dhir, ama wixii kale ee qorshaysan in laga sameeyo aaga jidka ee la xiray. Sawiro, muuqaalo laga soo saaray websaytka, ama xaashiyaha noocyada oo lasoo jaray ayaa la ogol yahay ilaa inta ay midab yihiin.
  • Marka laga tago dayrka iyo wixii lagu xakamaynayo socodka gaadiidka ee aad u isticmaali doono goobta la ogolaaday, midabo badan inay yeelato ayaa lagu talinayaa, sida dameeri/cagaar madaw xiga ama wax lamid ah inay noqdaan alaabta lagu fariisanayaa, dayrka ama calaamaduhu. 
  • Hadii ganacsigaagu uu ku yaal aaga degmada taariikhiga ah, waa inaad ka heshaa ogolaanshaha degmada taariikhiga ah kahor inta aan ruqsada la bixin, laakiin waxa aanu si toos ah ugu diri doonaa macluumaadkaaga markaa looma baahna inaad si gaar ah u dalbato. 

Ruqsada Jimicsiga Banaanka ee Kumeel Gaarka ah ee Bilawga Amaanka (Safe Start)

Jiimamka hore u jiray iyo meelaha lagu jimicsado waxa ay dalban karaan ruqsad bilaash ah oo ay u isticmaali karaan jidka cagta ama jidka agtiisa si ay ugu qabsadaan fasalo banaanka oo ay uga helaan meelo dheeraad ah oo ay dadku ku kala fogaadaan. 

Kahor inta aanaan bilaabin...

  • Waxa aanu kugu dhiiri gelinaynaa inaad balansato tobobar arjiga kahor inta aanad dalban kahor. Waxa aanu kaala shaqayn karnaa fahanka qorshaha iyo in la qoondeeyo hadii ay macquul tahay iyo, hadii ay macquul tahay, in ikhtiyaar kale la bixiyo.
  • Si aad u bilawdo, iimeel noogu soo dir publicspace@seattle.gov.

Maxay tahay inaad ogaato

  • Hawlaha jimicsiga waa in lagu sameeyaa jidka cagta ama wadada agteeda aaga baarkinka ee ah si loogu daro jiimka
  • Jiimku waa inay la yimaadaan dayr ay leeyihiin oo buuxinaya shuruudaha dayrka kumeel gaadhka ah (ee loogu talo geley goobaha jidka agtiisa ah). Fadlan ka eeg waraaqaheena xayaysiiska ah Ruqsada Kumeel Gaadhka ah ee Agabka Banaanka tusaalashooda. 
  • Waxa aynu baahinay tilmaamaha ilaalinta cimilada oo ay la socdaan faahfaahinta ogolaanshaha harka iyo agabka lagu fadhiisto ee la isticmaali karo iyada oo qiimayn dheeraad ah ayna ku samaynin SDOT.
  • Fadlan waxa aad la socotaa in Waaxda Dabka Seattle, Waaxda Seattle ee Dhismaha iyo Baadhitaanka, iyo Waaxda Seattle ee Taariikha/Dhulka Xaafadu ogolaanshhooda way loo baahan karo, oo hay'adahaasina ay yeelan karaan shuruuc dheeraad ah oo saamayn kara qorshaha.
  • Adiga ayaa ka masuul ah dhamaan buuxinta shuruudaha, oo waxaa kamid ah inaad furto wakhtiyada dabaysha ama duufaanadu jiraan taas oo shacabka ku keeni kara khatar
  • Magaaladu kama masuul ah wixii xatooyo, dhac ama isticmaal khaldan ah ee agabka
  • Aaga jimisiga looma ansixin doono aagaga wax laga raro ee hore u jiray, laakiin waxaa la isla eegi karaa wixii laga soo reebayo.
  • Aaga jimicsiga waa inayna ku oolin meelaha la maro (sida khadadka baaskiilka iyo basaska)
  • Wixii hadh ah ee loogu sameeyay si kumeel gaadh ah Bilawga Amaanka ah alamiitada waxay ku ooli karaan banaanka saacadaha aan la shaqaynaynin. (Hadii laguu ogolaado inaad ka samayso aaga wax laga raro taas oo ah shaqo ka baxsan saacada wax laga raro ama wakhtiyada Suuqa Beeraha wax looga dajiyo, tani ma khusayso-nala soo xiriir hadii aad ka shakido!) 
  • Hadii jiimku uu ku yaal aaga degmada taariikhiga ah, waa inaad ka heshaa ogolaanshaha degmada taariikhiga ah kahor inta aan ruqsada la bixin, laakiin waxa aynu u diri doonaa macluumaadkaaga iyaga si toos ah markaa looma baahna inaad si gaar ah u dalbato.
  • Waxa aanu sidoo kale bixinaa ruqsado kumeel gaar ah oo gaadiidka laga xidhayo jidka. Hadii adiga iyo ganacsi kale oo aad isku sakad tihiin ay doonayaan ruqsadan, waxa aad ka eegtaan bogeena Xiritaanka Jidka Kumeel Gaadhka ah ee Bilawga Amaanka ah.

Ma doonaysaa inaad hesho ruqsad?

  • Waxaad sheegtaa meesha aad doonayso inaad isticmaasho ee jidka shacabka ah iyo sida aad u doonayso inaad u isticmaasho; waa inaad noogu sharaxdaa taas arjigaaga.
  • Waxa aad noola soo xiriiraa tobobarka arjiga kahor: iimeel noogu soo dir publicspace@seattle.gov oo noo sheeg taleefankaaga
  • Marka aad u diyaar garawdo inaad dalbato, waxa aad nagala soo xidhiidhaa (206) 684-7623. Adeegyada tarjumaadda ayaa lagu heli karaa bilaash!

Shuruudaha Wargelinta Shacabka

Dalbadayaasha waxaa looga baahan yahay inay wargeliyaan dadka deegaanka ee u dhaw iyo aaga jimisiga ee ay sheegayaan ugu yaraan 2 maalmood kahor inta ayna bilaabin shaqada.

Soo dejiso waraaqaha wargelinta shacabka ee aad buuxin karto, daabici karto oo aad qaybin karto!

Sida loo Dalbanayo

Nala soo xiriir 206-684-7623. Adeegyada tarjumaadda ayaa lagu heli karaa bilaash!

Arjigaaga, waxa aad u baahan tahay qorshaha aaga oo waxa aynu u baahan karnaa warqad ogolaanshe ah hadii aanad lahayn ganacsiga ama mulkiile hantida ah ahayn.

Waxa aad xaqiijisaa in arjigaaga uu la socdo dhamaan waraaqaha loo baahan yahay:
  • Warqada Ogolaanshaha:Geli Warqada Ogolaanshaha ee saxeexan hadii AANAD ahayn mulkiilaha ganacsiga ama hantida
Noocyada Qorshaha Goobta:
Ma naqdin karno arjigaaga iyada oo aynu la socon qorshaha goobtu.Waxa aad dooran kartaa mid kamid ah dariiqooyinka soo socda si aad u abuurato qorshahaaga kahor inta aanad gelin.
Dooqa 1: Qorshe sawir ah (Lagu taliyaa!)
  • Abuur qorshe ku salaysan sawiro oo wata 3 sawir oo raacaya tilmaamaha gaarka ah ee hoose.
  • Dhamaan 3 sawir ayaa loo baahan yahay si qorshaha goobta loo dhamaystiro. Mid kamid ah sawiradaadu waa inuu muujiyaa cabirka loo baahan yahay oo sharaxaya Faahfaahinta Qorshaha Goobta xaga hoose.
  • Hadii ay kugu adag tahay inaad si dhigitaal ah u muujiso qorshaha oo sawir ah, fadlan "gacanta ku sawir" qorshahaaga meesha ama jihada oo dhamaystiran jidka cagta ama laamida adiga oo isticmaalaya xabag ama tabaashiir. Samee sidaa kahor inta aanad sawir ka qaadin!
    • Sawirka lambarka 1: Waxa aad u jirsataa 10 fuudh waxa aad sawirtay oo waxa aad ka qaadaa sawir qorshaha aaga aad dhigayso.Hadii aad marka hore sii calaamadisay meesha, waxa aad ka qaadaa sawir, iyo sidoo kale waxoogaa sawirka in lagu daro meesha ayaa lagu garan karaa meesha la dhigayo!
    • Sawirka lambarka 2: Sawir lamid ah ka qaad dhinaca kale ee meesha aad dhigayso.
    • Sawirka lambarka 3: Ka qaad sawir muujinaya xaga hore oo dhismaha oo dhan ee ganacsigaaga oo ay ku jirto meesha la dhigayo miiska.

Ka dooro mid kamid ah sawirada oo ka samee si aad ugu darto dhamaan cabirada loo baahan yahay. Waxa aad ku samayn kartaa sidaas dhijitaal ahaan, ama waxa aad daabici kartaa sawirka oo gacanta ayaad isku keen keeni kartaa.

Dooqa 2: Qorshaha Goobta Rasmiga ah
  • Soo gudbi qorshaha goobta ee rasmiga ah (waxa aad ka heli kartaa shaxda halkan). Fadlan nagala soo hadal 206-684-7623 wixii tobobar ah diyaarinta qorshaha goobta ee rasmiga ah.
  • Faahfaahinta Qorshaha Goobta:Marka aad abuurto qorshaha goobtaada, waa inay la socdaan dhamaan macluumaadka hoos ku qorani.Hadii aynu jirin macluumaadkani, arjigaaga waxa uu qaadan karaa mudo dheer inta aanu qiimaynayno oo aan ansixinayno. Waa inaad usoo qaadataa mitirkaaga aad ku cabirayso, oo aad ku muujisaa qorshahaaga:
  • Cabirka Qorshaha:Waxa aad sheegtaa dhererka iyo balaca aaga miiska ee banaanka ee la qorshaynayo. Hadii aad ku talinayso aag "wax lagu fariisto la dhigayo" oo jidka cagta ah, waa inaad muujisaa cabirka jidka cagta ay ka qabsanayso (wadada agteeda) ilaa inta meesha aad qorshaynayso ay u jirto. Waxa aad u baahan tahay ugu yaraan 4' inji inay u dhaxeeyaan wadada agteeda iyo aaga alamiitada sida kumeel gaadhka ah aad wax ku iibinayso.
  • Aaga U Banaan Cagta:Waxa aad muujisaa jidka cagta ee ku xiga qorshahaaha aaga alamiitada si aad u muujiso sida ay dadka lugaynayaa u marayaan jidka cagta.Waxa ugu yar ee loo baahan yahay in dadka lugayn loo baneeyaa waxaa weeye 6 fiid badanaa xaafadaha (8 fiid ugu yaraan balac ah ayaa loogu baahan yahay aaga suuqa hoose. Hadii aad su'aalo ka qabto shuruudaha aaga ay tahay in loo baneeyo lugta ee xaafadaada, fadlan nagala soo hadal (206) 684-7623.
  • OGOW:Hadii ayna jirin meel wanaagsan oo inta ugu yar ay ku banaanayso, markaa uma qalmaysid ruqsadan.
  • U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo:Jidka cagta waxaa ku ooli kara shayo kale sida bir laudh, geedo, mitirka baarkinka, qasabada biyaha dab damiska, iyo rakada baaskiiladaha.
  • Fadlan xaqiiji in masaafada u dhaxaysa shayadan afkooda iyo miiskaaga oo waxa aad ku wada dartaa waxyaabaha cabirka qorshahaaga.
  • Lambarada aqoonsiga makaanka jidka agteeda:Hadii aad dalbanayso aaga alamtiida oo jidka agtiisa yaala meel gaadiidka la dhigo oo lacag laga qaado, fadlan waxa aad sheegtaa lambarka aqoonsiga meesha jidka agteeda ah (isticmaal khariiradan si aad uga hesho lambarka).
      1. Cabirka Qorshaha
      2. Aaga U Banaan Cagta
      3. U banaanta alaabaadka kale ee dhigayo
      1. Isticmaalka Kumeel Gaarka ah ee Aaga 4 fuut balaceedu yahay iyo 14 fuut dhererkeedu yahay
      2. Isticmaalka Kumeel Gaarka ah ee Aaga 7 fuut balaceedu yahay iyo 28 fuut dhererkeedu yahay
      1. Aaga Cagta 10 fiid balaceedu yahay
      2. Aaga Cagta Loo Baneeyay 6 fuut balaceedu yahay
      1. Birta Layrka 8 fuut u jirta Aaga La Isticmaalayo ee Jidka Agtiisa
      2. Bir Layr, Dhir Yaryar, iyo Geed u jira Celcelis ahaan 18" Jidka Cagta

Qoraal: Tusaale qorshaha goobta sawirka ayaa looga baahan yahay cabirka 

    • Sharax dayrta aaga jimicsiga ee jidka agtiisa, oo way la socdaan cabirka, sawirka gacanta ama sawirka, ama sharaxa agabka dayrka.
    • Liiska alaabaadka oo wata sharaxa (sida, toban 2' x 3' qadiifadoodo oo kuwa yoogada ah; shan baaskiil oo lagu jimicsado; afar 10lb suunka kettle ah).
    • Hadii aad ku taalo aaga Degmada Taariikhiga ah, waxa aad u baahanaysaa inaad geliso waraaqaha oo ay la socdaan qorshaha goobta oo muujinaya midabka iyo samayska dhamaan agabka lagu fariisto, calaamadaha, dhirka, dayrka iyo wixii kale ee qorshagaaga aad ku isticmaalayso.
  • Sawiro, muuqaalo laga soo saaray websaytka, ama xaashiyaha noocyada oo lasoo jaray ayaa la ogol yahay hadii ay midab yihiin. Waxa aanu u diri doonaa macluumaadkan shaqaalaha Degmada Taariikhiga ah si ay u eegaan; uma baahdin inaad ugu gudbiso si gaar ah si ay Shahaadada u Ansixiyaan.
    • Fiiro: Marka laga tago dayrka iyo wixii lagu xakamaynayo socodka gaadiidka ee aad u isticmaali doono aaga la ogolaaday, midabo badan ayaa lagu taliyaa, sida dameeri/cagaar madaw xiga ama wax lamid ah inay noqdaan alaabta lagu fadhiisanayaa, dayrka ama calaamaduhu.
Maxaa xiga? Marka aad gudbiso arjigaaga ruqsada Kumeel Gaadhka ah ee Bilawga Amaanka, waa kuwan talaabooyin dheeraad ah oo aad qaadi karto si aad ugu diyaar garawdo bilaabida! 
  • Hadii aad qorshaynayso inaad isticmaasho jidka afteeda, marka laga tago ruqsada aad ka heleyso kooxdaada, waxa aad sidoo kale u baahan yahay inaad dalbato ruqsadaha Kumeel Gaadhka ah ee Gaadhiga Lama Dhigi Karo ah.  Marka aad noqoto diyaar inaad dalbato, fadlan nagala soo hadal 206-684-7623 wixii kaalmo ah.
  • Wargeli jaarkaaga inaad doonayso inaad isticmaasho meesha dadka ka dhaxeeya ugu yaraan laba maalmood kahor inta aanad shaqada cusub bilaabin. Isticmaal shaxda Warqadan Macluumaadka Shacabka ah.
  • Xaqiiji inaad leedahay caymis buuxinaya shuruudaha magaalada. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha caymiska, fadlan nagala soo hadal (206) 684-7623!
Waxa aad gashaa linkiyada hoose si ay aad uga hesho tilmaamaha agabka banaanka ee aad isticmaali karto.

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.