| English | Espanol | Francais | Italiano | русский язык | 日本語 | 中文 | 中文(简体) | Somali | Tagalog |
![]() |
TAYADA NOLOSHA Seattle waxay isku darsatay iyada oo leh deegaan dabiici ah oo aad u qurux badan iyo xarun magaalo weyn ay ka dhacayso taasoo leh farshaxan, madaddaalo iyo cuntooyin adduunka looga bogey, Seattle badiyaa darajo ahaan lagu qiimeeyaa inay tahay magaalooyinka ugu haysta Mareykanaka iyada oo lagu saleynayo waxyaaabaha ay ka midka yihiin heerka waxbarashada, tirad iyo tayada ururada farshaxnaka, helitaanka Internet-ka wireless-ka ah iyo deegaan u fiican dadka lugeynaya. Cimilada Seattle waxay leedahay xilliyo-qabow dhexdhexaad ah iyo xilliyo-kuleyl diirimaad ah oo adiga kuu suurto-galinaya waxqabsi dibadeed sannadka oo idil. Heerkulka ugu sareeya waa markay tahay Julaay waa 75° F (24° C) marka la isku celceliyo, halka Heerkulka hoose xilliyada qabowga ee ay hoos uga dhacdo barafowga kaliya 15 maalmood sannad kasta oo idil. Celceliska roob-da’ sannadeed ee Seattle waa 36.2 inji (92 cm, marka la barbar dhigo 19.5 inji (50 cm) eeSan Francisco dhexdeeda, 34.5 inji (88 cm) ee Chicago dhexdeeda, 39 inji (99 cm) ee Washington dhexdeeda, DC iyo 40.3 inji (102 cm) oo ah Magaalada New York.
Tusmo Qiime nololeed/Kireysi Xafiis, 2007 Guryaha
Isha laga soo xigtay: Ururka Guryo(dhul) iibiyeyaasha Qaranka www.realtor.org) Kireysashada Qol Istuudiyo ah $742 Hal-qolseexad $842 Laba-qolseexad/Laba-Qubesysi $1,127 Isha laga soo xigtay: Warbixinta Dhul iyo Guryo Iibinta Puget Sound Dhexe, Gugii 2007 Dakhliga Dhexdhexaadka ee Qoyska
2002 - $77,900 Isha laga soo xigtay: Xafiiska Degmada ee Horumarinta Guryaha iyo Beladka |
|
|