IKHTIYAARADA RUQSADA BANAANKA EE AT-A-GLANCE

Hadda maadaama oo ay Degmada King gashay Wajiga 2 ee Qorshaha Bilawga Amaanka ah ee Qorshaha, waxaan ognahay inuu jiro malkiilyaal badan oo ganacsigooda diyaar u ah inay dib u furaan ama balaadhiyaan shaqadooda banaanka, markaa waxa aanu abuurnay xaashidan macluumaadka si aanu u bilawno!

In Wax Lagu Daro ama Loo Balaadhiyo Banaanka Ganacsigaaga Jidka ama Jidka Cagta

Hadii aad doonayso inaad isticmaasho makaanka banaanka ah ee jidka cagta ama wadada ku hor taala ganacsigaaga si aad uga samayso maqaaxi kumeel gaadha ah ama goob wax lagu iibiyo oo dheeraad ah ama hadii aad tahay mulkiilaha gaadhi cuntada lagu dhax iibiyo kaas oo isku dayaya meelo cusub, waxa aad u baahanaysaa Ruqsada Isticmaalka Jidka ee Waaxda Seattle ee Gaadiidka (Seattle Department of Transportation, SDOT).

Waxa aynu abuurnay ikhtiyaaro ogolaansho cusub, oo dabacsan oo macmacaanlayaasha, mishiinka alaabta lasoo dhigo, iyo cuntada iyo waxyaabaha kale ee la iibinayo ee jidka cagta ah. Waxaa ruqsadahan la isticmaali karaa ilaa lix bilood.

  • Ruqsada Macmacaanlaha Banaanka ee Kumeel Gaadhka ah: Waxa aad dalbataa ruqsadan hadii aad tahay mulkiile maqaaxi kaas oo doonaya inuu kuraas dhigo jidka cagta ama wadada agteeda meesha gaadiidka la dhigo. Ruqsad dheeraad ah oo ay bixiso Gudida Khamrida iyo Mukhaadaraadka Gobolka Washington ayaa loo baahanayaa si khamri loo iibiyo.
  • Ruqsada Mishiinka Soo Bandhiga Alaabta ee Kumeel Gaadhka ah: Waxa aad dalbataa ruqsadan hadii aad tahay mulkiile tukaan kaas oo doonaya inuu ku balaariyo shaqadiisa banaanka jidka cagta ama wadada agteeda meesha gaadiidka la dhigto (waxa aad ogaataa inay ku jirto meesha wax lagu iibinayo).
  • Ruqada Wax Iibinta Kumeel Gaadhka ah: Waxa aad dalbataa ruqsadan hadii aad tahay cid wax iibisa oo aad doonayso inaad hesho dabacsanaan goobaha aad wax ku iibinayo iyo mudooyinka aad joogayso. Waxaa taas kamid ah wadooyinka iyo goobaha jidka cagta ee gaadiidka cuntada iyo miisaska cutada la dhigo.

Fadlan ogsoonaw in maqaaxiya iyo tukaamada loogu baahan yahay inay sameeyaan wixii dayr ah ee loogu baahan yahay in lagu buuxiyo shuruudaha. Kharashka ruqsada waxaa weeye celcelis ahaan $320 (waxaana ku jira qiimaynta iyo kharashka baadhitaanka). Waxa aynu balaarinaynaa oo aynu mudnaanta siinaynaa arjiyada noocyadan ruqsada, laakiin, wakhtiga dheeraadka ah ee qiimayn ah ayaa loo baahan karaa taas oo ku xidhan tayada arjiga ruqsada, murugsanaanta goobta, iyo cabirka dalabka.

In kasta oo ayna meel kastaa u qalmin ruqsadan, waxa aynu ku faraxsanahay in aynu kaala shaqayno ogaanshaha fursadahan!

Ku Darida ama fidinta Ganacsigaaga Banaanka ah Meel Gaadh Loo Leeyahay

Hadii aad xiiseyneyso inaad samayso ama aad balaariso goob banaanka ah oo hawlaha ganacsi ah ee hantidaada ah, waxa aad u baahan kartaa mid kamid ruqsadaha (Waaxda Seattle ee Dhismaha iyo Baadhitaanka (Seattle Department of Construction and Inspections, SDCI).

  • Ruqsad Isticmaal Rasmi ah: Waxa aad dalbataa ruqsadan hadii makaankaaga banaanka uu u jiro meel ka badan 50 fuudh aaga la degan yahay oo uu buuxinayo heerarka Xeerka Isticmaalka Dhulka Magaalada. Ruqsadani waxay kuu ogolaanaysaa inaad isticmaasho makaanka banaanka ee cusub si rasmi ah.
  • Ruqsada Isticmaalka Kumeel Gaarkka ah: Dalbo ruqsadan hadii aaga banaanku uu ku yaalo wax ka yar 50 fiid meel u jirta aaga la degan yahay ama hadii aad u baahan tahay dabacsanaan heerarka Xeerka Isticmaalka Dhulka. Ruqsadani waxay kuu sahlaysaa inaad isticmaasho makaanka banaanka ah ilaa afar todobaad, laakiin waa inaad kolba dib u dalbataa
  • Ruqsada Isticmaalka Dhexaadka ah: Dalbo ruqsadan hadii makaanka banaanka uu ku yaalo 50 fiid wax ka yar aaga deegaanka ama hadii aad u baahan tahay dabacsanaan heerarka Xeerka Isticmaalka Dhulka, iyo hadii ay tahay kaliya inaad isticmaasho makaanka banaanka hal ama laba maalmood todobaadkii. Ruqsadani waxay shaqaynaysaa sanad buuxa.

Kharashka ruqsadu celcelis ahaan waxaa weeye $350. Waxa aynu balaarinaynaa oo aayu mudnaanta siinaynaa arjiyada ruqsadaha noocan ah. Iyada oo ku xidhan tayada arjiga ruqsada, waxaa ruqsada la qaadan karaa ilaa sadex todobaad si loo helo

Miyaad u baahan tahay kaalmo ama ma qabtaa su’aalo ku saabsan ikhtiyaaradaada?

Hadii aad qabto su’aalo ku saabsan ruqsada kala duwan ee aad heli karto ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo diyaarinta arjiga, fadlan nagala soo hadal 206-684-8090 ama iimeel noogu soo dir oed@seattle.gov ixii kaalmo iyo caawimaad farsamo oo bilaash ah.

Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah ee ku saabsan ruqsada hantida gaarka ah ee banaanka waxa uu ku jira websaytka SDCI ee www.seattle.gov/sdci/permits/how-do-you-get-a-permit.

Wixii ruqsada banaanka ah ee jidka iyo wadada cagta, waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah websaytka SDOT ee www.seattle.gov/transportation/permits-and-services/permits/temporary-permits

Economic Development

Markham McIntyre, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 5752, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 94708, Seattle, WA, 98124-4708
Phone: (206) 684-8090
Phone Alt: (206) 684-0379
Fax: (206) 684-0379
oed@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Economic Development

The mission of the Office of Economic Development (OED) is to help create healthy businesses, thriving neighborhoods, and community organizations to contribute to a robust economy that will benefit all Seattle residents and future generations.