Somali / Soomaali

Ka dhig codkaaga muhiim xagga doorashooyinka Seattle

Barnaamijka Boonada/Foojarka Dimuqraadiyada waxa uu awood u siinaya dadka degan Seattle in ay ka qayb qaataan doorashooyinka deegaanka waxayna yareeyaan caqabadaha ka hor imaan kara in ay u tartamaan xafiiska iyagoo siinaya ilo dhaqaale.

Waa maxay Foojarka Dimuqraadiyada?
Magaalada Seattle waxay siisaa dadka deggan Foojarrada (Boonooyinka) Dimuqraadiyadda. Foojarka (Boonada) Dimuqraadiyada waa shahaado lagu qiimeeyay $25 midkiiba oo ay dadka Seattle degani u isticmaalaan inay ugu deeqaan ololayaasha deegaanka.

Waa kuwee musharaxiinta heli kara foojarrada Dimuqraadiyada?
Barnaamijkan waa ikhtiyaar u ah musharixiinta. Musharixiinta ka qaybqaata barnaamijka waxay aqbali karaan boonooyinkaaga. Foojarrada Dimuqraadiyada waxa lagu deeqi karaa murashaxiinta ka qaybgalaya ee u tartamaya Golaha Deegaanka, Xeer Ilaaliyaha Magaalada, ama Duqa Magaalada Seattle.

Goorma ayay tahay doorashada xigta ee Magaalada Seattle?
Doorashada xigta ee magaalada Seattle waa 2023. Foojarrada Dimuqraadiyadda waxa la isticmaali karaa laga bilaabo Maarso 21, 2024  illaa Noofambar 29, 2024.

Waxaad heli kartaa Foojarrada Dimuqraadiyada haddii aad tahay:

  • Reer Seattle (Qof Seattle degan)
  • Ugu yaraan 18 sano jir, iyo
  • Muwaadin Maraykan ah, dhalad Maraykan ah, ama degane rasmi ah oo sharci leh.

Haddii aad tahay codbixiye diwaangashan, waxaad si toos ah u heli doontaa foojarradaada Dimuqraadiyada.

Sideen ku bartaa musharaxiinta?
Booqo bogga hordhaca ee musharixiinta si aad wax uga ogaato musharixiinta u taagan xilka.  

Ka hel musharax ka-qayb-galaya bogga musharaxiinta.  

Su'aalo?  Fadlan wac (206) 727-8855 (kaalmada luuqadda waa diyaar).

Waxaad soo dejisan kartaa ama daabacan kartaa macluumaadka si aad ugu isticmaasho bulshadaada. 

Codsiga Foojarka Dimuqraadiyadda

Buug-yaraha musharaxa

Buug-yaraha Degenaha

Boostar

Codsiga Beddelka